Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa shaacisay in tirada dadka si rasmi ah looga xaqiijiyey cudurka Ebola ay kor u dhaaftay 3,000 oo kiis, iyadoo cudurkan uu sababay dhimashada 1,354 qof, sida lagu sheegay xog ay dowladdu soo saartay Sabtidii.
Warbixinta ayaa muujinaysa in guud ahaan la diiwaangeliyey 3,075 kiis oo la xaqiijiyey, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dillaacyadii ugu waaweynaa ee Ebola ee dalkaasi soo mara sannadihii u dambeeyey.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, iyagoo kordhiyey baaritaannada, raadraaca dadka la kulmay bukaannada iyo adeegyada daaweynta ee goobaha uu cudurku sida weyn uga jiro.
Sidoo kale waxaa socata wacyi-gelin bulshada lagu barayo calaamadaha cudurka iyo hababka looga hortagi karo, ayadoo dhanka kale, ururro caafimaad oo ka shaqeeya gobolka ay ka digeen in tirada rasmiga ah ee la xaqiijiyey laga yaabo inay ka yar tahay xaqiiqada dhabta ah.
Waxay sheegeen in xaaladaha amni, gaadiidka oo adag iyo adeegyada caafimaad ee meelaha qaar ay caqabad ku yihiin in dhammaan kiisaska la ogaado.
Ebola waa cudur halis ah oo fayras uu keeno, waxaana uu ku faafaa taabashada dheecaannada jirka ee qof qaba ama geeriyooday, ayadoo Calaamadihiisa ay ka midyihii qandho daran, madax-xanuun, murqo xanuun, matag, shuban iyo dhiig-bax xaaladaha daran.
Hay’adaha caafimaadka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa sii wada iskaashiga ay kula jiraan dowladda Congo si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, loona yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay dillaacan cusub.
Sida ay muujinayso xogtii ugu dambeysay ee dowladda, 3,075 qof ayaa laga helay Ebola halka 1,354 qof ay u geeriyoodeen cudurka, taasoo mar kale iftiiminaysa baahida loo qabo in la dardargeliyo tallaabooyinka caafimaad iyo ka hortagga faafitaanka fayraska.
From the comments