Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida ee dalka Ingiriiska ayaa gaaray magaalada Hargeysa, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii toddobaadkan hawada ka celisay diyaarad uu saarnaa.
Lord Ashcroft ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in goobtii ugu horreysay ee uu booqdo markii uu yimid Somaliland ay ahayd Qabuuraha Askarta Dalalka Barwaaqo-sooranka ee ku yaalla Hargeysa.
Waxa uu sheegay in qabuurahaasi si heer sare ah loo daryeelo, isaga oo xusay inuu taageere u yahay Hay’adda Qabuuraha Askarta ee Dalalka Barwaaqo-sooranka.




From the comments