Goobjoog

Ururka JSP oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in Cali Guudlaawe uu yahay Murasharaxooda Hoggaanka Hirshabeelle

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan siyaasadeed oo lagu shaaciyay musharraxa uu ururku sheegay inuu u meteli doono tartanka doorashada hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo xubno ka tirsan JSP ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo diyaar-garowga doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Hirshabeelle.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah loogu guddoonsiiyay Cali Cabdullaahi Xuseen ” Cali Guudlaawe” shahaadada musharraxnimada, iyadoo hoggaanka ururku uu sheegay inuu yahay qofka ay u xuleen inuu magaca JSP ku galo tartanka hoggaanka maamulka.

Masuuliyiin ka hadlay kulanka ayaa soo sheegay in Cali Guudlaawe ay u arkaan qofka ugu habboon ee  waayo-aragnimada iyo kartida siyaasadeed u leh xilkaas, iyagoo sidoo kale xusay baahida loo qabo in la sii wado dadaallada la xiriira horumarinta Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista musharraxa JSP waxay ku soo beegmaysaa xilli ay Soomaaliya ka socoto dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo tartamada hoggaamineed ee soo socda.

JSP ayaa tallaabadan ku tilmaamtay qayb ka mid ah diyaar-garowgooda siyaasadeed, iyadoo musharraxa la magacaabay uu hadda wajihi doono marxaladaha kale ee tartanka hoggaanka Hirshabeelle.

Cali Cabdullaahi Xuseen ” Guudlaawe” ayaa muddo 6 sano ah hoggaanka u hayay dowladda goboleedka Hirshabeelle, ayadoo muddadaas loo diiwaangeliyay waxqabadka iyo dhaliilo isku lammaan.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments