Goobjoog

Kulan Caawa Dhuusamareeb Ku Dhexmaray Musharraxa Xisbiga JSP Liibaan Axmed Xasan iyo Haweenka Caasimadda Galmudug

DHUUSAMAREEB (Goobjoog News) — Musharraxa u tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Galmudug , Liibaan Axmed Xasan, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kulan ballaaran kula yeeshay qaybaha kala duwan…

Kulan Caawa Dhuusamareeb Ku Dhexmaray Musharraxa Xisbiga JSP Liibaan Axmed Xasan iyo Haweenka Caasimadda Galmudug

DHUUSAMAREEB (Goobjoog News) — Musharraxa u tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Galmudug , Liibaan Axmed Xasan, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kulan ballaaran kula yeeshay qaybaha kala duwan ee haweenka deegaanka.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xaaladda siyaasadeed ee maamulka, doorashada ku-celiska ah ee la filayo inay Galmudug ka dhacdo, iyo doorka lama-huraanka ah ee haweenku ku leeyihiin geeddi-socodka siyaasadda iyo dib-u-dhiska dowladnimada Galmudug.

Liibaan Axmed Xasan ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee haweenka Galmudug ay mar walba ka qaataan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo horumarinta deegaanka, maadaama ay yihiin laf-dhabarta qoyska iyo bulshada. Musharraxa ayaa sidoo kale si dhow u dhageystay talooyinka, aragtiyaha, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay haweenku mudnaanta siinayeen.

Haweenka Caasimadda Dhuusamareeb ee madasha joogay ayaa dhankooda si cad u muujiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan musharraxnimada Liibaan Axmed Xasan iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga JSP, iyagoo soo bandhigay ajandaha iyo mudnaanta gaarka ah ee ay rabaan in hoggaanka cusub uu wax ka qabto.

Ugu dambeyntii, Musharrax Liibaan Axmed Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in ka-qaybgalka haweenku uu yahay tiirka koowaad ee dhismaha Galmudug nabdoon, horumarsan, oo loo dhan yahay, isagoo ballanqaaday in haddii uu guuleysto uu codkooda iyo doorkooda ku xoojin doono hoggaanka sare iyo go’aan-qaadashada maamulka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments

Kulan Caawa Dhuusamareeb Ku Dhexmaray Musharraxa Xisbiga JSP Liibaan Axmed Xasan iyo Haweenka Caasimadda Galmudug - Goobjoog