Goobjoog

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Hirshabeelle

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka hoggaanka iyo guddonnada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo hawlaha doorashadu ay bilaabanayaan 19-ka Oktoobar 2026. Sida ku cad jadwalka la shaaciyay,…

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Hirshabeelle
epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya’s capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka hoggaanka iyo guddonnada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo hawlaha doorashadu ay bilaabanayaan 19-ka Oktoobar 2026.

Sida ku cad jadwalka la shaaciyay, 19-ka iyo 20-ka Oktoobar waxaa la qabanayaa doorashooyinka guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halka 21-ka Oktoobar la qabanayo qabadashada araajida musharraxiinta guddoonka iyo ku-xigeennada. 22-ka Oktoobar ayaa loo qorsheeyay hadal-jeedinta iyo musharraxnimada doorashada guddoonka Golaha Wakiillada.

Dhanka kale, jadwalka doorashooyinka hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa dhigaya in 23-ka Oktoobar la qabanayo qabadashada araajida musharraxiinta hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, halka 24-ka Oktoobar ay dhici doonto hadal-jeedinta iyo doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

Guddiga ayaa jadwalkan u soo bandhigay qayb ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle, iyadoo la sugayo in hawlaha loo qabto sida ku cad jadwalka rasmiga ah ee la shaaciyay

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments