Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdifataax Faysal Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta Ururka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir, looga reebay doorashada ku-celiska ah ee ka socota Dowlad Goboleedka Galmudug.
Cabdifataax Faysal ayaa sheegay in go’aanka lagu reebay Ururka Towfiiq uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu salka ku hayo habraaca iyo shuruudaha looga baahan yahay ururrada doonaya inay ka qayb galaan doorashada.
Afhayeenka ayaa xusay in Ururka Towfiiq uusan Guddiga Doorashooyinka Qaranka u gudbin codsi rasmi ah oo muujinaya inuu doonayo ka qaybgalka doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.
Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama Ururka Towfiiq uu hore qayb uga ahaa murankii doorashada Galmudug, kaas oo sababay in Maxkamadda Sare ay baabi’iso doorashadii hore, kadib markii ururkaasi laga reebay geeddi-socodkii doorashada.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hadda wada diyaarinta iyo hirgelinta doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudaha iyo habraacyada rasmiga ah ee guddigu dejiyay.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli jiraan su’aalo iyo dood siyaasadeed oo ku saabsan ka qaybgalka ururrada siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka ka socda dowlad goboleedyada dalka.
From the comments