Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira natiijada doorashadii isku-sidkanayd ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare uu ku saabsanaa dacwaddii ka dhalatay doorashadii ka dhacday Galmudug 30-kii Luulyo 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga, GMDQS wuxuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isagoo sheegay in uu ku dhaqmi doono natiijada iyo go’aanka kasoo baxay hay’adda garsoorka dalka.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu soo saari doono xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.



From the comments