Goobjoog

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Ku-celiska Ah ee Galmudug

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. Warkan…

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Ku-celiska Ah ee Galmudug

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Warkan ayaa yimid ka dib markii guddigu u hoggaansamay go’aankii Maxkamadda Sare ee JFS (SUM:MSF/DD/BX/ 1/2026) ee soo baxay 24-kii Agoosto 2026, iyadoo loo cuskaday Qodobka 10aad ee Sharciga GMDQS iyo Qodobka 18aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

​Sida ku xusan jadwalka rasmiga ah ee guddigu soo saaray, hawlaha doorashada ayaa ka bilaaban doona 10-ka Sebtembar 2026 oo lagu dhawaaqi doono astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta.

Waxaa 20-ka Sebtembar ku xigi doonta shaacinta liiska musharixiinta ururrada siyaasadda, halka 22-ka Sebtembar loo mudeeyay soo gudbinta liiska wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixinta.

​Qeybaha dambe ee geedi-socodka ayaa sii socon doona 26-ka Sebtembar oo aqoonsi rasmi ah la siin doono wakiillada ururrada iyo korjoogtada, ka hor inta uusan ololaha doorashadu si rasmi ah u xirmin 28-ka Sebtembar 2026.

Geedi-socodkan oo dhan ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa Maalinta Doorashada ku-celiska ah oo loo mudeeyay 30-ka Sebtembar 2026.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments