Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soosaartay warsaxaafadeed taariikhdiisu tahay 27ka Janaayo, 2026, kaas oo ay kaga jawaabayso hadallo dhowaan ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaannada Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka.
Wasaaraddu waxay caddaysay in hannaanka latashiga dadweynaha ee cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah uu u socdo si wadajir ah, iyadoo ay iskaashanayaan Wasaaradda, Guddiga Madaxabannaan (ICRIC), iyo Guddiga Baarlamaanka (OC), iyadoo gacan laga helayo Dawladgoboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Qoraalka waxaa lagu xusay in latashiyo ballaaran laga fuliyay dhammaan dawladgoboleedyada dalka, marka laga reebo maamulka Buntilaan oo ka gaabsaday kaqeybgalka hannaankan sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, inkastoo dhawr jeer loo diray codsiyo rasmi ah.




From the comments