Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhrisqoraalka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhrisqoraalka

Sannad walba, maanta oo kale, waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Akhrisqoraalka. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka waxbarashada ee UNESCO ayaa sannadkii 1966dii u astaysay in 8da Sebteembar ay noqoto Maalinta Akhrisqoraalka ee Adduunka, oo maanta laga joogo sannadguuradii 60aad, si loo ciribtiro aqoondarrada—oo ah cadawga ugu weyn ee ummaduhu la dagaallamaan—la iskuna baraarujiyo muhiimadda akhrisqoraalku bulshada u leeyahay iyo sida uu uga qaybqaadan karo horumarinta bulshada.

Akhrisqoraalku waa in qofku wax qori karo, waxna akhrin karo. Dunidu waxay isku raacsan tahay in la dabarjaro akhrisqoraal-la’aanta, qofkuna, ugu yaraan, uu yaqaan sida afkiisa hooyo loo akhriyo, loona qoro. Waddamada Norway, Uzbekistan, North Korea iyo Andorra ayaa ah dalalka muwaadiniintooda oo idil 100% ay wax qori karaan, waxna akhrin karaan, halka Chad iyo Suudaanta Koonfureed ay yihiin waddamada ugu liita akhrisqoraalka.

Sooyaalka Akhrisqoraalka ee Ummadda Soomaaliyeed

Ka hor Qoraalkii Af Soomaaliga

Ka hor hirgelintii iyo rasmiyayntii habdhigaalkii af Soomaaliga 1972, heerka akhrisqoraalka ee bulshadeennu wuxuu joogay meeshii ugu hoosaysay. Dadka wax akhrin karay ama qori karay waxaa lagu qiyaasi jiray 3% ilaa 5%, oo ahaa dadka yaqaanay luuqadaha kale: Carabiga oo ay culimadu adeegsan jireen, halka Talyaaniga iyo Ingiriisiga ay adeegsan jireen dadka sida dhow ula shaqayn jiray gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Isdhaafsiga farriimuhu wuxuu ahaa caqabad weyn; raadinta qof qora iyo mid akhriya marka ay gaarto bartilmaameedkii, taas oo keenaysay in macluumaadka ay ogaadaan qolo saddexaad oo aysan qusayn; taasna waxaa sabab u ahayd aqoondarrada jirtay.

Kaddib Qoraalkii Af Soomaaliga

Markii si rasmi ah loo qoray Af Soomaaliga 1972, Xukuumaddii Kacaanku waxay ku dadaashay sidii loo hirgelin lahaa qoraalka. Manhajka dugsiyada ayaa laga dhigay mid ku baxa Af Soomaaliga, shaqaalaha dawladda ayaa la baray, tan ugu muhiimsanna waxay ahayd Ololihii Horumarinta Reer Miyiga. Kumannaan qof oo Soomaali ah oo isugu jiray macallimiin, arday, dhakhaatiir, shaqaale rayid ah iyo saraakiil ciidan ayaa ku dhow sannad guryahoodii iyo ehelkoodii uga maqnaa si ay jahliga uga saaraan walaalahood Soomaaliyeed. Heerka akhrisqoraalka ummadda Soomaaliyeed oo hore u joogay 3–5% wuxuu gaaray 55%, taas oo muujinaysa baaxadda ololaha iyo sida looga faa’iidaystay.

Maxaa keenay in 52 sannadood kaddib heerka akhrisqoraalku ka hooseeyo meeshii uu joogay?

1974tii, heerka akhrisqoraalka ama dadka wax qori kara waxna akhrin kara ee Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasay 55%. Sannadkan aynu ku jirno ee 2026, sida ay muujinayaan xogihii u dambeeyay, heerka akhrisqoraalka ee ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu sheegay 48%. Xilligaas dalku wuxuu lahaa hal jaamacad iyo iskuullo kooban, hasayeeshee maanta Muqdisho oo qura waxaa ku yaalla jaamacado kor u dhaafaya 90 iyo iskuullo gaaraya 690 iskuul. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee JFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo la hadlay warbaahinta Goobjoog ayaa ugu baaqay ardayda dhigata jaamacadaha iyo dugsiyada sare in ay wax baraan waalidiintooda iyo ehelkooda kula nool guryaha, taas oo yarayn karta heerka akhrisqoraal la’aanta ee dadka Soomaaliyeed.

Maxaa hoos u dhigay akhrisqoraalka?

Marka laga yimaado dadka ummiga ah oo aan aqoon akhrisqoraalka, waxaa si weyn u yaraaday dhaqankii akhrisqoraalka ee dadka waxbartay.

Baraha bulshada

    Baraha bulshadu waxay saamayn taban ku yeesheen akhrisqoraalka, waxayna ka hor istaageen dhallinta in ay yeeshaan dhaqan akhrisqoraal. Dhaqankii akhriska waxay u beddeleen mid muuqaal daawasho ah, waana hubaal in aad marar badan aragtay dhallinyarada oo dalbanaya in maqaallada dhaadheer cod ama muuqaal looga dhigo, taas oo muujinaysa sida baraha bulshadu saamayn taban ugu yeesheen akhrisqoraalka. Tani waxay keentay in qoraayaashu, si ay farriimahooda bulshada u gaarsiiyaan, buuggii ay hore u qoreen dib cod ahaan ugu duubaan.

    Maktabado yari ka jirta magaalooyinka dalka

      Maktabaddu waa hoyga akhriska, yaraanshaheeduna waxay yaraynaysaa akhriska. Dalka oo idil waxaa ka jira maktabado yar; degaannada qaar kuma yaallaan, halka degaannada qaarna aysan maktabadaha ku oollin buugag ku filan.

      Dhiirriggelin la’aanta qoraayaasha

        Qoraagu waa soosaaraha quudka maskaxda aadanaha, bidhamiyaha dhibaatooyinka jira iyo ku hagaha xalka dhabta ah. Iibsashada buuggu waxay suurtagelinaysaa in dhambaalladii uu u siday bulshada ay gaaraan iyo in lagu dhiirrigeliyo qoraalka buugag kale. Dhallinyaro badan oo hami ka lahaa xirfadda qoraalka, jeclaana in ay wacyiga bulshadooda kordhiyaan, ayaa duruufo dhaqaale awgood uga haray qoraalka; qaar ayaa diyaariyay buugag, hasayeeshee ma helin cid ka taageerta daabacaadda iyo bandhigga buugga.

        Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

        From the comments