Axmed Farraaj: Waa kulan kale oo qiimo badan iyo Sheekh Maxamed Mutawalli al-Shacraawi. Fursadda aanu u helnay waraysigan aanu sheekha la yeelanaynaa, waxaan filayaa inay noqoto mid dheef badan. Waxaanu weydiin doonnaa dhawr mawduuc, oo ay marar badan weydiimo adagi naga soo gaadheen. Waa weydiimo in badan ka guuxayay maskaxda iyo maanka dad badan, gaar ahaan dhallinyarada. Waxaan uga socdaa weydiimaha la xidhiidha qaddarka (القدر) iyo qoraalka (القضاء). Waa weydiinta duugga ah ee ah: dadku ma dookhle ayaa (مخير) mise waa dirane (مسير)? Waa mawduuca ikhtiyaarka (الإختيار) ama qasbanaanta (الجبر)? Waa weydiimo badan oo mawduucan ku wareegaya.
Waxaynu inta badan aragnaa dadka gaar ahaanna dhallinyarada iyo dadka waaweyn oo odhanaya, “Qof kasta oo la abuuray, Ilaahay wuu og yahay inuu yahay xerta naarta ama xerta jannada, markaa haddii uu yahay dadka jannada, wax kasta oo uu sameeyaa waxba kama beddelayaan masiirkiisa! Haddii uu yahay dadka naartana wax kasta oo uu sameeyaa waxba uma tarayaan, si uu u beddelo masiirkiisa ku dhigan cilmiga Ilaahay?” Waxa kale oo la yidhaahdaa, “Ilaahay ayaa na abuuray, falalkayagana abuuray. Haddaba muxuu noogu ciqaabayaa falalka xun ee aanu samaynay, maaddaama oo uu isagu yahay kii abuuray?”
Kuwani waa qaar ka mid ah weydiimaha ku soo dhaca maskaxda qaar badan oo innaga mid ah, mararka qaarkoodna aynu dedno. Dhallinyarada qaarkeed way ka cabsadaan inay soo bandhigaan, mararka qaarkoodna intay geesinimo iska baadhaan, ayay dugsiga ka sheegaan. Kaddibna waxa laga yaabaa inuu macallinku canaanto, oo uu ku yidhaahdo waa xaaraan inaad mawduucan weydiimo ka keentaa! Qaar inaga mid ah ayaa dareema marar badan, inay weydiimaha qaarkood u gudbeen aagga danbiga. Qofku kuma danbaabayo keliya inuu ku dhawaaqo, balse xataa inuu ka fikiro ayuu ku danbaabayaa! Markaas wuxuu dareemayaa inuu uurkiisa ku qarinayo wax naftiisa ku culus, oo fikirkiisana daaliyay. Balse arrimahan oo kale, waaqic ahaan waa in la gorfeeyo, waqti waqtiyada ka mid ah.
Alle (swt) wuxuu ina siiyay garaad; haddii uu garaadkaasi ku hanuuno jidka Ilaahay, taasi waa fadliga Alle; balse haddii aanu ku hanuunin, Alle wuu karayay inuu hanuuniyo, markaa haddii aanu hanuuninin muxuu u xisaabinayaa?
Anigu waxaan doonayaa inaan ku hanuuno jidka Alle, iyo inaan joogteeyo adeecidda Ilaahay arrin kasta oo weyn ama yar. Markaa haddii aan taas kari waayay muxuu ii xisaabinayaa, isaga oo awood u leh inuu i kaalmeeyo ama i hanuuniyo?
Waa weydiimahaas iyo kuwo kale oo farabadan, oo dhab ahaan maskaxdeenna ka guuxay xilli hore, ama qaarkeen ka guuxaya hadda, gaar ahaanna dhallinyaradeenna.
Haddaba waxaan fursad u helay baahinta waraysigan, oo arrimahaas ku saabsan. Waxaan la yeelanayaa waraysigan Sheekh Maxamed Mutawalli ash-Shacraawi; kaas oo lagu bartay baadhistiisa arrimahan iyo manhajkiisa qancinta leh ee ka soo fulaya qalbiga iyo caqliga oo wada jira ee maanku ku xasilayo.
Sheekh Shacraawi: Waan ku ammaanayaa Rabbiyoow, oo waan ku kaashanayaa, waanan ku ilhaan weydiisanayaa. Waxaan naxariis iyo nabadgelyo u baryayaa mudanahayaga Maxamed (scw).
Weydiimaha Ustaad Axmed, qaarkood waxay ku wareegayaan fikrad aan inta badan ka maqalno dhallinyarada iyo dadka kaleba iyo xataa diimaha kale oo dhan. Waxa caddaalad ah inaan nidhaahdo, Islaamku waa manhajka keliya ama waa diinta keliya ee awoodday inay masaladan barteeda dhigto, oo ay qanciso qalbiga, caqliga iyo duunkaba. Taasina kama dhigna diimaha kale ayaa dhiman, balse dhinnaantu waxay ka timi inaanay manaahijta diimaha kale inagu soo gaadhin sidii uu Alle u soo dejiyay. Taasina ma aha ceeb ay diintu leedahay, ee waa ceeb ay leeyihiin dadkii diinta soo gudbiyay. Taas waxa caddaynaya inaynu Quraanka ku aragno arrimo aan diimahaas ku jirin, oo uu Quraanku ka warramay, waana hadalka ugu runsan.
Haddaba, mawduuca ah dadku ma diranaa mise waa dookhle, qasbane mise ikhtiyaar leh? Wuxuu maskaxda ku dhalinayaa weydiin ah: Sidee ayuu muhmalkani ku bilaabmay? Tusaale ahaan, haddii aad tidhaahdo ma karo inaan kala sheego hebel ma bakhayl baa mise waa deeqsi? Muhmalkaasi ma dhalanayo illaa aad habdhaqankiisa ku aragto marar uu deeqsi yahay iyo marar kale oo uu bakhayl yahay. Markaas ayaad ka labalabaynaysaa xukunka ma bakhayl baa mise waa deeqsi? Haddii ay dhammaan habdhaqannadiisa aad ku aragtay ahaayeen deeqsinimo, may timaaddeen weydiinta ah ma bakhayl baa? Haddii ay dhammaan habdhaqannadiisu ahaan lahaayeen bakhaylnimana, may timaaddeen weydiinta deeqsinimadu. Sidaas oo kale waxa ah weydiinta diranaha iyo dookhlaha?
Haddii ay waayaha nolosha ku caddaan lahayd, inuu qofku u arko dhammaan shaqooyinkiisu inay yihiin kuwo qasban, may dhalateen waydiinta ah ikhtiyaar miyuu leeyahay? Haddii uu ikhtiyaar u leeyahay dhammaan shaqooyinkiisana, may dhalateen fikradda ah miyuu diran yahay?
Dadku waxay arkaan falal badan oo ku dhacaya, kuwaas oo aanay wax ikhtiyaar ah ku lahayn. Wuxuu garanayaa markaa maaddaama oo aanu isagu wax doorasho ah ku lahayn dirane inuu yahay. Falal badan oo kalena waxay u dhacaan habkii uu doortay ee uu u qorsheeyay. Tusaale ahaan wuxuu doonayaa inuu xidho shaati uu midabkiisu noocaas yahay, wuxuu doonayaa inuu cuno cunto uu jaadkeedu noocaas yahay, wuxu doonayaa inuu wax ka barto dugsiga sidaas ah, wuxuu doonayaa inuu sidaas u shaqeeyo. Arrimuhuna waxay u dhacayaan sidii uu qorsheeyay ama uu doortay ama si u dhow. Waxa jira markaa arrimo uu ikhtiyaarku kaalin ku leeyahay, iyo arrimo aanu shaqo ku lahayn. Halkan ayuu ka dhashay muhmalku.
Waa maxay dadku?
Dadkan aynu doonayno inaynu xukunno ma dookhlaa mise waa dirane, marka hore bal isaga aynu qeexno. Waa maxay dadku? Dadku waa jire ka mid ah jirayaasha dhulka. Ma aha jaadka qudha ee dhulka jooga, waxa jira jaadad kale oo jiraalka la wadaaga. Markii aynu wax dhugannay waxaynu ogaanay inuu dadku yahay ka ugu heersarreeya jaadadkaas, dhammaan jaadadka kale oo dhamina ay adeeggiisa u darban yihiin.Jaadka ugu soo dhow xagga dooca iyo dareenku waa xayawaanka, xayawaankana waxa ka hooseeya dhirta, dhirtana waxa ka sii hooseeya naflaawaha (al-jamaad). Markaa jaadadku waa: naflaawe; dhir; xayawaan; iyo dad.
Maxay dhirtu kaga sarreysaa naflaawaha (dhagaxaanta)? Waxay leedahay jidh iyo joog sida naflaawaha, balse waxay kaga sarreysaa korriinka. Xayaawaankuna wuxuu kaga sarreeyaa dhirta wax uun dareen ah iyo dhaqdhaqaaq ah. Haddaba muxuu dadku kaga sarreeyaa xayawaanka kale? Waa fikirka. Waa maxay fikirka dadku? Fikirku waa halbeegga lagu kala doorto xulashooyinka. Arrinka aan xulashada lahayn caqligu wax lug ah kuma laha.
Qaddiyada shaqada caqliga ayaynu badka soo dhigaynaa. Waa inaad ku aragto maskaxdaada ra’yi ama fal aad awooddo inaad samayso ama inaad diiddo. Marka aynu qaddiyadda caynkaas u dhigno, waxaynu isla markiiba badka keennay qaddiyadda xulashada: samee ama ha samayn. Mar kasta oo ay xulasho jirtana caqligaagu wuu kala dooranayaa. Arrimaha aanay xulasho jirin caqligu wax shaqo ah kuma laha.
Dadku in kasta oo ay yihiin jaadka ugu heersarreeya, haddana waxa ku jirta xayawaannimo, dhirnimo iyo naflaawenimo. Markaa qaddarka naflaawenimo, qaddarka dhirnimo iyo qaddarka xayawaannimo ee dadka ku jirta, wuxuu ku yahay dirane (qasbane), sida naflaawaha, dhirta iyo xayawaanka. Tusaale ahaan, haddii uu qofku dhulka iska qaado, oo uu kor aado, wuxuu u soo dhacayaa sida dhagaxa. Waayo xeerkii naflaawenimada ayaa xukumaya, oo xeerkii cuf-isjiidadka ayaa hoos keenaya. Sida oo kale dadku wuu korayaa, korriinkaasna wax maamul ah kuma laha dadku. Sidaas oo kale wax buu dareemayaa, waanu dhaqdhaqaaqayaa, shaqana kuma laha dareenka, dhaqdhaqaaqa iyo maamulka xubnaha jidkiisa iyo habdhisyadiisa.
Dadku ma maamulo habdhiska dhiigmareenka, mana maamulo sida sanbabka u shaqeeyo. Ma maamulo habdhiska kaadimareenka, habdhiska taranka iyo habdhis kale toona, xataa habdhiska dheefshiidka. Dadku arrimahaas wax maamul ah kuma laha ama isagu ma sameeyo. Markaa qaddarka xayawaanimo ee ku jira wuxuu ka yahay dirane, sida xayawaanka, wax ikhtiyaar ahna kuma laha.
Qof kasta waxaan u soo jeedinayaa inuu arrintaas u dhug yeesho, oo uu hoos u eego. Naxariista Ilaahay ayaa keentay inuu arrimahaas sare oo dhan dirane inaga dhigay. Waayo maamulka habdhisyada jidhkaygu waxay u baaqan lahaayeen inta aan caqli yeelanayo, oo aan garanayo sida aan uga shaqaysiinayo habdhisyada jidhkayga. Waa naxariista Ilaahay inuu masalooyinka iga dhigay dirane, aanan wax shaqo ah ku lahayn, waayo waxay shaqooyinkooda gudanayaan aniga oo hurda. Yaa ii maamuli lahaa marka aan hurdo?
Dadka intiisa naflaawenimada, dhirnimada iyo xayawaannimada ah wuxuu ka yahay dirane, sida jaadadkaas oo kale wax ikhtiyaar ahna kuma laha. Weydiintu waxay tahay goormuu ka baxayaa diranenimadaas? Waa marka uu yeesho astaanta dadka ka dhigaysa oo ah caqliga iyo fikirka. Marka la soo gaadho aagga falka loo bandhigayo caqliga —samee ama ha samayn. Waa bartaas halka uu ikhtiyaarku ka jiraa, waa bartaas aagga xilka Ilaahay ka jiraa. Sidaa darteed, qofka waaya caqliga, Alle xil ma saaro. Muxuu Alle xilka uga qaaday qofka waalan? Waayo wuxuu waayay agabkii wax lagu kala dooranayay. Qofka aan weli qaandhaaginna xil ma saarna, waayo weli muu noqon qof wax kala garanaya.
Markaa in jiritaanka iyo qaangaadhida caqliga lagu xidhay xilqaadistu, waxay muujinaysaa dulucda xilku inay tahay ikhtiyaarka, taas oo ah inuu dadku waxyaabo kala dooran karo —samee ama ha samayn. Markaas haddii qofka qaangaadhka ah xil la saaray, xilku waa barta kala doorashada, barta kala doorashaduna waa wax kala-soocidda.
Haddaba qofkii yidhaahda guud ahaan dadku waa dirane (darbane) wuu khaldan yahay. Kii yidhaahda dadku guud ahaan waa dookhlena wuu khaldan yahay. Qofkaas waxaanu ku leennahay, qofka furfur oo xubnihiisa kala saar. Wuxuu leeyahay naflaawenimo, dhirnimo iyo xayawaannimo. Wixii jaadadkan la xidhiidha waa dirane, ikhtiyaarna kuma laha. Wixii barta ikhtiyaarka soo gaadha, ee caqliga wax lagu kala xulanayo (taas samee, ama ha samayn) markaas ayuu dookhle yahay.
Waxaynu ka helaynaa diintu markii ay arrimahan ka hadlaysay, sida aan fahmay, Ilaahay waxay u yeeshay laba sifo. Sifada koowaad waa inuu yahay ABUURE wax kasta sameeya, ta labaadna waa inuu yahay CADDAALI
Markaa ma habboona inuu qofku labada sifo midkood qaato, oo uu ta kalena ka tago.
Qofka odhanaya, Alle isaga ayaa qofka wax kasta ku sameeya, wuxuu doonayaa inuu Ilaahay u sugo sifadiisa abuurista wax kasta; dhinaca kalena wuxuu ka duudsiyayaa sifada caddaaladda. Maaddaama oo uu Ilaahay yahay ka wax kasta sameeyay, muxuu ii cadaabayaa marka aan caasiyo? Waxaynu arkaynaa masaladii caddaaladdu inay maqan tahay. Mid kalena wuxuu doonayaa inuu Ilaahay u sugo sifada caddaalada, kadiba waxaynu arkaynaa isaga oo leh dadka ayaa wax kasta sameeya.
Labadoodaba waxaynu ku leennahay, waad khaldan tihiin. Sifo kastaa waa inay marinkeeda qaaddo. Waa run Alle isaga ayaa wax kasta abuuray, balse waa caddaali dhinaca kale. Erayga caddaaladu wuxuu keensanayaa inaynu fahanno inuu Alle inoo xilsaaray, keliya wixii uu inoo abuuray inaynu ku habboonahay samantiisa ama ka tegistiisa. Kadibna wuxuu inoo tilmaamay jihada iyo tusmooyinka muujinaya waxa inoo hagaagsan inaynu samayno ama aynu iska dayno.
Markaa anigu marka aan dooranayo laba jid midkood, ma odhanayo falka aniga ayaa sameeyay. Keliya caqligii uu Ilaahay abuuray, ayaan ku jiheeyay tamartii uu Ilaahay abuuray, dhanka maatarkii uu Ilaahay abuuray. Anigu falka ma lihi, keliya waxaan jiheeyay agabyadii falaadka. Markaas maaddaama oo aan ahay kii falka jiheeyay, falku aniga igama uu iman, ee jihaynta falka ayuun baa iga timi. Sidaas ayuu qofka muumminka ahi u yidhaahdaa: “Alle ayaa wax kasta sameeya”. Waa run Alle ayaa wax kasta sameeya, laakiin isagu waa caddaali.
Weydiin kale ayaa ah, waa maxay shaqada rasuulladu? Shaqada rasuulladu waa inay muujiyaan manhajka Ilaahay, si ay kuugu sheegaan waxa la samaynayo ama waxaan la samaynayn. Alle wuxuu ku odhanaya waxaas samee ama ha samayn, marka uu og yahay abuurtaadu inay karto inaad waxaa samayso iyo inaadan samaynin.
Marka uu yidhaahdo waxaa samee, waxa lamahuraan ah inuu ii abuuray inaan qaban karo inaan waxaa sameeyo, ama aanan samaynin. Haddii uu ii abuuray keliya inaan waxaas qaban karo, imuu yidhaahdeen ‘ha samaynin’. Haddii uu ii abuuray keliya inaanan waxaas qaban karin, imuu yidhaahdeen ‘samee’.
Markaas waa lamahuraan inuu ii abuuray arrinkaas bisil, ee ah kala xulashada waxyaabaha kala duwan; ee aan aniguna karo inaan sameeyo ama aanan samaynin.
Hanuuninta rasuulladu waxay ku timaaddaa macnaha tilmaamidda, waa hanuun looga jeedo tusid. Waa maxay tusiddu? Waa inaad qofka wax tusto —inaad tusto jidka khayrka. Farqi weyn ayaa u dhexeeya hanuuninta looga jeedo tusidda, iyo hanuuninta looga jeedo kaalmaynta. Hanuunka tusiddu waa mid ka dhexaysa gaal iyo muslinba. Alle wuxu yidhi: “Reer Thamuud waanu hanuunninay, kadibna indhabeelnimo ayay ka jeclaadeen hanuunkii; markaa waxa ku habsaday halaaggii cadaabta dullaynta, wixii ay shaqaysteen dartood.”¹
Haddii aynu ku macnayno “waanu hanuunninay” macnaha guud, waxaynu arkaynaa inuu Eebbe markiiba yidhi, “Indhabeelnimo ayay ka jeclaadeen hanuunkii” markaa erayga “waanu hanuunninay” ma aha macneheedu waxaanu ku kaalmaynay inay noqdaan kuwo hanuunsan, balse waxa looga jeedaa waxaanu tusnay jidkii loo marayay khayrka. Miyay raaceen mise may raacin? May raacin.
Erayga hanuun (الهدى) wuxuu Quraanka ku soo arooray iyada oo looga jeedo tusidda jidka khayrka; sida oo kale wuxuu ku soo arooray iyada oo looga jeedo ku caawinta samaynta khayrka. Maxaa uga jeedaa?
Waxaan leeyahay tusaale ahaan, aniga oo jid haya, oo ku socda magaalada Qaahira, balse aan garanayn waddada tagta, ayaa waxa ii yimi askarigii laanta socdaalka. Wuxuu igu yidhi, “Waa kaas jidka Qaahira tagaa.” Hadalkaas wuxuu igu tusay jidka. Markaa haddii aan dhagaysto, oo aan u mahadnaqo, oo aan jidkii raaco, kadibna aan maqlo isaga oo leh, “dhagayso, jidkan marka meel heblo la gaadho caqabaddaas ayaa ka jirta, markaa waxa habboon inaad waxaas samayso, waanan ku raacayaa illaa aad ka gudbaysid.” Marka koowaad, wuxuu ii tilmaamay jidka, marka labaadna, wuu i raacayaa si uu iiga samatabixiyo caqabadda jirta. Markaas waxa jirta laba hanuun. Hanuunin jidka uun i tustay iyo hanuunin igu kaalmaysay inaan jidka maro.
Askarigu wuxuu caawinayaa qofkii dhagaysta, ee aammina tilmaantiis, balse qofkii amarkiisa diida ee ku yidhaahda, “Maya adigu ma garanaysid jidka. Jidku xaggaas ma aha.” Suurtagal ma tahay inuu askarigu caawiyo —iska dhaaf inuu raaco oo uu caqabadaha dhaafiyo e? Waa maya.
Tusaalaha qumman Alle ayaa leh, ee hanuunkuna Alle agtiisa waa caynkaas. Alle wuu hanuuninayaa dhammaan dadka gaal iyo muslin ba. Wuu hanuuniyaa, oo wuxuu tusayaa dhammaantood jidka khayrka. Intaa kadib, kii rumeeya inuu Ilaah yahay, ee dhagaysta, wuxuu ku kaalmeeyaa, oo uu u fududeeyaa shaqada. Sida caadiga ahna waxa la kaalmeeyaa qofka shaqada u diyaarka ah; balse qof aan shaqaba u soo jeedin, sidee baad u kaalmayn kartaa? Lama kaalmayn karo qof aan shaqaynayn, oo kama dhigi kartid mid shaqeeya. Maya. Kaalmayntu waa inaad hesho qof shaqo u diyaara, kadibna aad adigu shaqada ka caawisid.
Axmed Farraaj: Jawaabtaasi waxay maanka ku dhalinaysaa weydiin kale. Maxaa keenaya in qof [hanuunka] lagu kaalmeeyo, midna aan lagu kaalmayn? Sida oo kale muxuu Ilaahay qofka uu doono u hanuuniyaa, qofka uu doonana u lumiyaa?
Sheekh Shacraawi: Marka aynu doonayno inaynu ka hadalno aayadaha Quraanka, waxa lamahuraan ah inaynu soo ururinno dhammaan aayadaha isla mawduuca laga hadlayo ku saabsan. Tusaale ahaan, waxa jira aayado wax qiraya iyo kuwo wax diidaya. Alle (swt) wuxuu ku yidhi Rasuulkiisa (scw), “Waxaad [dadka] ku hanuuninaysaa jid toosan.” ² “Waxaad ku hanuuninaysaa” muxuu u qiray? Wuxuu u qiray inuu yahay hanuuniye. Aayad kale Alle wuxuu ku yidhi, “Adigu ma hanuunin kartid qofkaad jeclaato.” Marna wuu u qiray, marna wuu u diiday!
Qirista iyo diidistu ma dhacayso inay ku kulmaan isla hal macne oo ah hanuunin. Markaa hanuuninta ayaa labo macno leh: hanuuninta tilmaamidda iyo hanuuninta kaalmaynta. Ta Rasuulka loo qiray waa ta ah tusidda iyo tilmaanta, “Waxaad dadka ku hanuuninaysaa jid toosan”. Waxaad dadka tusaysaa, oo aad ku hagaysaa jidka khayrka. Ha raacaan ama yaanay raacin taasi waa arrin kal. Ha rumeeyaan ama yaanay rumaynin, taasi waa arrin kale. Qofka rumeeya, ee raaca jidka Ilaahay, ee ka dhab sheega; Alle wuxuu u fudaydinayaa arrinka, waanu kaalmaynayaa. Taasina waa macnaha ku cad aayad kale, wuxu yidhi, “Kuwa hanuunay, (Alle) wuxuu u kordhiyay hanuun, waxaanu siiyay dhawrsoonaantoodii.” Qofka Ilaahay rumeeya, Alle wuxuu ku odhanayaa, maaddaama oo aad i aammintay, oo aad i rumaysay, oo aad jidkayga raacday; jidkaas aniga ayaa kuu fudaydinaya, oo kuu suuragelinaya, oo ku dhadhansiinaya macaankiisa.
Marka uu Alle leeyahay, “Reer Samuud waanu hanuuninnay” macneheedu waa waanu tusnay jidka, kadibna, “Indhabeelnimo ayay ka jeclaadeen hanuunkii,” oo waxay yidhaahdeen, “Maya ma aamminsanin inuu Rabbi jiro, mana aamminsanin inuu hagitaan jiro.” Haddii ay aamminsan yihiin inaanu Rabbi jirin, oo ay hagistuna dhankiisa ka timaaddo, sidee baa loo hanuunin karaa? Ma suurtoobayso.
Haddii aad aragto aayad furan (مطلقة) sida hadalka Ilaahay ee ah, “Cidda uu doono ayuu hanuuniyaa, waxaanu lumiyaa cidda uu doono,” waxa lamahuraan ah Quraanka furan inaynu ku macnayno kiisa dabran (مقيد). Waxaynu leennahay soo qaado dhammaan aayadaha Quraanka ee ka warramaha hanuunka, waxaad arkaysaa, “Cidda uu doono ayuu lumiyaa, waxaanu hanuuniyaa cidda uu doono,”³ waa guud ahaan. Aayad kale wuxu ku yidhi, “Ilaahay ma hanuuniyo duulka gaalada ah”4 way ka gaaloobeen, ee sidee ayuu dhawrsoonaan ugu kaalmayn karaa?! Ma dhacayso. “Ilaahay ma hanuuniyo duulka amardiidayaasha ah (faasiqiinta)”5 iyo “Ilaahay ma hanuuniyo duulka daalimiinta ah,”6 iyo “Ilaahay ma hanuuniyo mid kasta oo ah beenaale gaalnimo badan.”7
Hanuuninta Ilaahay ee laga wado qaadista caqabadaha iyo ku kaalmaynta jidka khayrka yaa helays? Qofka maqla, rumeeya, ee jidkiisa raaca. Kaalmaynta Ilaahay qofkaas ayaa leh. Qofka aan Ilaahay rumayn, ee aan dhagaysan, ee aan jidkiisa raacin sidee buu u kaalmayn? Markaa haddii aad aragto aayado furan iyo kuwo dabran, kuwa furan u bandhig kuwa dabran. Dheh, “Wuxuu hanuuniyaa cidda u doono.” Waa run balse waa ayo kuwaasi? Waa kuwa doonay, ee ma aha kuwa ka gaaloobay ama beeniyay.
__________________________
1. Suuradda Fusilad, aayadda 17.
2. Suuradda al-Shuuraa, aayadda 52.
3. Suuradda al-Naxl, aayadaha 93.
4. Suuradda al-Baqara, aayadda 264.
5. Suuradda al-Maa’ida, aayada 108.
6. Suuradda al-Baqara, aayadda 258.
7. Suuradda al-Zumar, aayadda 3.
From the comments