Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa soo saartay warbixin cilmibaariseed oo faahfaahinaysa xaaladihii u danbeeyay ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab (AS). Warqaddan oo ciwaankeedu yahay “New Chapter, Same Stalemate: Somalia’s War with Al-Shabaab” ayaa soo baxday 30kii Juun 2026. Nuxurka warbixintan ayaa si xeeldheer u falanqaynaysa in dagaalku uu marayo marxalad ismariwaa ah, iyadoo la tilmaamay in guulihii ay dawladdu gaartay sannadihii 2022-2023 ay inta badan hoos u dhaceen ka dib markii kooxdu ay dib u qabsatay inta badan degaannadii laga saaray. Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday caqabadaha horyaalla dawladda oo ay ugu horreeyaan dhismaha ciidan tayo leh, khilaafaadka siyaasadeed, iyo muhiimadda ay leedahay in la raadiyo xal siyaasadeed.
Ismariwaaga Dagaalka
Warbixinta ICG waxay si guud u sheegaysaa in dagaalka u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kooxda argaggaxisada ah ee AS uu ku jiro marxalad ismariwaa ah, iyada oo xaaladdu tahay mid isbedbeddelaysa oo aan lahayn natiijo militari oo kamadanbays ah. Inkastoo dawladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay duullaankii 2022-2023, markaas oo ay kaashatay ciidankii degaanka ee Macawisley, haddana guulahaas ayaa noqday kuwo aan waarin.
Markii la gaaray sannadkii 2025, kooxda waxay awoodday inay dib ula wareegto inta badan dhulalkii laga qabsaday, taas oo muujinaysa in dadaallada dawladda ay u baahnayd qorshe dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo guulahaas iyo ciidan awood u leh inay degaannadaas si joogto ah gacanta ugu hayaan.
Dagaalku wuxuu hadda u muuqdaa mid gacmadaalis ah, iyada oo uu dhinac walba isku dayayo inuu gaaro guul degdeg ah, balse aysan suurtogelin in midkood uu si rasmi ah uga adkaado kan kale. Dawladda ayaa hadda u muuqata inay beddeshay xeeladdeeda, iyadoo diiradda saaraysa sugidda amniga agagaarka Muqdisho iyo goobaha muhiimka ah, halkii ay ka wadi lahayd duullaankii ballaarnaa ee ay horay u qaadday. Isbeddelkan ayaa yimid ka dib markii ay soo ifbaxeen caqabado ay kamid yihiin daalka ciidanka, dhibaatada ku xeeran isticmaalka maleeshiyaadka qabaa’ilka, iyo baahida loo qabo taageero joogto ah oo ka timaada howlgalka Midowga Afrika, taas oo mustaqbalkeeda uu yahay mid aan la hubin.
Isbeddellada Xeeladeed ee Al-Shabaab
Marka laga hadlayo dhanka kooxda, warbixintu waxay xustay in ay ku tallaabsatay isbeddello xeeladeed oo u suurageliyay inay xoojiso joogitaankooda ka dib markii ay soo gaareen khasaarooyin badan sannadihii 2022-2023. Kooxdu waxay beddeshay hoggaankooda sare, iyadoo bishii Nofeenbar 2022 u magacowday Yuusuf Sheekh Ciise (Kabakutukade) inuu noqdo guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, si uu uga faa’iidaysto xiriirka uu la leeyahay beesha Abgaal. Sidoo kale, kahor intaysan billaabin duullaankii 2025, waxay beddeleen taliyeyaasha jabhadaha iyo amniyaadka. Saraakiisha amniga Soomaaliya waxay xilligaas tilmaameen in taliyaha cusub ee amniyaadka, Cabdullaahi Cismaan Maxamed (Injineer Ismaaciil), uu door weyn ka qaatay isbeddellada dhanka dagaalka ah, inkastoo Dawladda Federaalku ay ku dhawaaqday bishii Diseenbar 2025 inay duqayn ku dishay. Waxay, sidoo kale, xoojiyeen awooddooda milatari iyagoo qoray maleeshiyaad cusub, dhufaysyo dhulka hoostiisa ah ka qoday, si ay uga badbaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna raadiyeen hub ay ka helaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Dhinaca kale, Al-Shabaab waxay bilowday inay si dadban u maamusho degaannada, iyadoo yaraysay cadaadiskii xaddhaafka ahaa ee hore loogu yaqiinay, si ay u kasbato kalsoonida shacabka. Argaggaxisadu waxay farriin u dirtay qabaa’ilka iyo maleeshiyaadka inay ka waantoobaan la shaqaynta dawladda, iyadoo u ballanqaaday inaysan aargoosi ku samayn doonin. Xaqiiqdii, markii ay dib u qabsadeen degaannada qaarkood, ma aysan gaysan tacadiyadii laga cabsi qabay, waxaana la arkay inay ilaalinaayeen kaabayaashii dawladda. Waxay sidoo kale si taxaddar leh u yareeyeen dhaqammadii aan shacabka u cuntamin sida qasabka, guurka khasabka ah, iyo canshuuraha xaddhaafka ah, iyadoo guulo gaar ah ay ka gaareen qancinta beesha Abgaal ee Shabeellada Dhexe, inkastoo ay weli dhibaato kala kulmayaan beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.
Ugu danbayntii, aragtida dhab-ku-aroorka (pragmatism theory) iyo maxaa hadda noo shaqaynaya ayaa si cad kooxda uga muuqday, halka waagii hore mabaadi’ sheegan jireen. Kooxda ayaa sidoo kale xoogga saartay dhanka dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Hortaan 2025kii, kooxdu si lamafilaan ah ayay u qaadday go’doonkii ay muddo toban sano ah saareen gobollada Bay iyo Bakool, ka dib markii ay ganacsatadu ku qanciyeen inay ka faa’iidi karaan canshuurta badeecadaha halkii ay ka reebi lahaayeen ganacsiga. Dhanka gargaarka, waxay u oggolaadeen hay’adaha gargaarka inay galaan degaannada ay maamulaan, gaar ahaan ka dib fatahaadihii 2023kii, iyadoo bishii Janaayo 2026 ay xitaa ku dhawaaqeen dhismaha guddi u qaabilsan iskudubbaridka gargaarka. Inkastoo isbeddelladani ay kooxda ka caawiyeen inay xoojiso xukunkeeda, warbixintu waxay xustay inay adag tahay in la ogaado haddii tani ay tahay isbeddel dhab ah oo siyaasadeed iyo haddii ay tahay uun xeelad kumeelgaar ah oo ay ku doonayaan inay ku sii jiri karaan.
Caqabadaha Siyaasadeed iyo Milatari ee Dawladda haysto
Warbixintu waxay farta ku fiiqday caqabado waaweyn oo hortaagan dawladda, kuwaas oo ay ugu horreeyaan khilaafaadka siyaasadeed iyo xurgufta u dhexaysa dawladda federaalka iyo maamulgoboleedyada, taas oo wiiqday iskaashigii loo baahnaa si loola dagaallamo kooxda AS. Tusaale ahaan, xasaraddii u dhexaysay dawladda Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Janaayo 2024, wax ka beddelka dastuurka ee horaantii 2024, iyo iska horimaadyadii ka dhacay Jubbalaan dhammaadkii 2024 iyo Koonfurgalbeed bishii Abriil 2026 ayaa si weyn u kala qeybiyay dadaalkii qaran iyo duullaankii loo bixiyay Libaaxa Madow.
Dhanka milatariga, inkastoo dawladdu ay ciidanka ku kordhisay in ka badan 20,000 oo askari intii u dhaxaysay 2022-2023, haddana hannaanka dhismaha ciidanka ayaa wajahay caqabado waaweyn, sida tababbar aan ku filnayn oo dibadda lagu soo qaatay, baxsashada ciidanka oo keentay in in ka yar kala bar ciidankii la tababbaray ay hadda shaqeeyaan, iyo musuqmaasuq baahsan oo ay kamid yihiin askarta aan jirin ee been abuurka ah ee mushahaarka lagu qaato.
Dukumentigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dawladdu ay aad ugu tiirsan tahay taageerada caalamiga ah iyo howlgalka Midowga Afrika, kuwaas oo weli lafdhabar u ah amniga dalka, balse waxaa si weyn u koraya walaaca laga qabo dhimista maalgelinta caalamiga ah ee howlgalladan. Iyadoo ay muuqato in waddamada reer galbeedku ay rabaan inay hoos u dhigaan kaalmadooda, isla markaana ay soo baxayaan isbahaysiyo cusub sida Turkiga oo kale, haddana xaqiiqdu waxay tahay in awoodda dawladda ay halis ugu jirto inay gabaabsiso haddii aan la helin dib-u-habeyn degdeg ah oo lagu hagaajinayo awoodda ciidan iyo midda maamul. Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in haddii aan xal loo helin caqabadahan, ay dawladdu ku sii jiri doonto wareegga liita ee amniga oo aanay awood u yeelan doonin inay si madaxbannaan u wadaajiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab marka howlgalka Midowga Afrika uu soo dhammaado.
Gunaanad iyo Soojeedinno
Ugu danbayntii, dukumentigu wuxuu soojeedinayaa in aanay dagaal kaliya lagu soo afjari karin kooxda, balse loo baahan yahay wadiiqooyin kale. Talooyinka ugu waaweyn waxaa kamid ah: in dawladdu ay si dhab ah u habayso ciidankeeda (tababar gudaha ah, mushahar joogto ah, iyo qalabayn), in la heshiiyo dawladgoboleedyada si loo mideeyo dadaalka, iyo in la bilaabo diyaarinta hannaankii loogu gudbi lahaa wadahadal siyaasadeed.
Warbixintu waxay gabagabadii tilmaantay in haddii aan la helin isbeddel dhab ah oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah, uu dagaalku sii socon doono, taas oo dalku u horseedaysa wareeg aan dhammaad lahayn oo khilaaf ah.
From the comments