Habnololeedka bulshada Soomaaliyeed wuxuu aalaaba ku tiirsanyahay hanaan ismaamul iyo xeerar ay degsadeen oo iyaga u gaar ah. Sidoo kale, waxa ay leeyihiin dastuur iyo sharci ku qotama habnololeedkooda maalinlaha. Waxaa jira xeerar ay bulshadu ka soo minguurisay dhaqanka iyo hiddaha soojireenka ah, kuwaas oo ay ku dhaqmayeen sannado badan, laga soo bilaabo markii ay ahaayeen reermiyi dabeecadda noloshu ui taliso ilaa hadda oo ay yihiin reermagaal ilbax ah. Weli way haystaan, kamana aysan tegin. Marka shuruucda dalka laga soo tago, marjica ugu danbeeya ee ay u laabtaan waa xeerdhaqameedkooda.
Aragtida Xorta Ah
Sideen ku Heli Karnaa Bulsho ku wada Nool Caddaalad iyo Sinnaan?

Hannaankaas bulsheed ee ab-ka-soogaarka ah waxaa garsoorayaal ka ah odaydhaqameedyo, guurti iyo xeerbeegti goobjoog u ahaa dhacdooyin tiro badan oo ay xalkooda qeyb ka ahaayeen. Ma jirin maxkamad dhisan oo ay khilaafaadka iyo dhibaatooyinka la soo gudboonaada kula ciiraan, laakiin waxa ay hoos fariisan jireen geedaha waaweyn ee harka fiican leh, sida geedka gobka, quraca, galoolka iyo kuwa kale.
Taariikh ahaan, marka aan ka hadlayno caddaaladda iyo sinnaanta ka dhex jirtay bulshada Soomaaliyeed, sida aynu hore u soo sheegnayba, waxa ay ku dhisnayd wax lagu magacaabo Xeer Soomaali. Ma ahayn mid qoran, waxa uu ahaa wax la isku wada raacay oo laga wada heshiiyay. Dhacdooyinka inta badan dhici jirayna waxa ay ahaayeen kuwo la wada yaqaan, ciqaabta ka dhalan kartana waxa ay ahayd mid shaacsan. Way jireen dhacdooyin cusub oo aan hore u dhici jirin, sidaas oo ay tahayna waa la xalin jiray.
Garta waxaa loo kala qaadi jiray labo: gar cadaawe iyo gar colaadeed. Waxyaabaha la isku qabsan jirayna waxaa ka mid ahaa saddex: dhiig, dhaqan iyo qabno. Haddii ay dadku midkood isku qabsadaan, waxa ay isu soo geed fariisan jireen. Waxyaabaha qofku garta ku qaadan karo way caddaayeen, inta uu ku waayi karana sidoo kale way caddayd.
Qofka denbiga laga galay, haddii uusan hadalka ku fiicnayn oo uusan ahayn codkar cadkiisa goosan og, waxa uu wakiilan jiray aftahan hadalka kala dhigdhigi yaqaan. Marka geedka laga kacayo oo boorka la iska jafayo, waxaa lagu kala tagi jiray gartii oo qof qaatay iyo isa saamaxaad aan dabadeed hadal jirin. Sidaas ayuu qofku ku heli jiray caddaalad uu ku qanco. Qofka denbiilaha ahina waxa uu tagi jiray isaga oo looga gar helay ama qirsan denbiga uu qofkaas ka galay.
Xeerdhaqameedka Soomaalidu waxa uu caan ka ahaa guud geyiga Soomaaliyeed, meel kastana waa looga dhaqmi jiray. Ka dib markii ay dadkeennu noqdeen dad reermagaal ah oo la jaanqaada dunida horumartay, waxaa isbeddel ku yimid sidii garta loo qaadi jiray iyo denbiyadii ay dadku isu geysan jireen.
Kolkii hore, markii dadku reermiyi wada ahaa, waxa ay isku qabsan jireen dhaqanka, dhulka daaqsinta ah, ceelasha, carshinta, xoolaha iyo wixii dhiig quseeya. Hadda waxa ay intaas isu beddeshay in dadku isku qabsadaan lacago la kala dhacay ama bangiyo la iska jabsaday. Waxaa kaloo la isku qabsadaa guryo ama dhismayaal la isku haysto, waxaana dhaca in gabdhaha si foolxun loogu xadgudbo, halka markii hore dumarka aad loo qaddarin jiray. Intaas iyo in ka badan ayaa hadda la isku qabsadaa. Goobtii garta lagu goyn jiray ee geedka hoostiisa ahayd waxaa beddelay dhismayaal casri ah oo maxkamado ah ama hoteello iyo meelo kale oo la mid ah.
Waagii hore, marka ay gartu dhammaato oo fadhigaas go’aan lagu gaaro, ma jirin wax hadal ah oo ka danbayn jiray. Hadba ixii markaas la isugu afgarto ayaa fulintooda lagu dhaqaaqi jiray. Laakiin, hadda waxaa dhaca dhacdooyin waaweyn oo qaarkood laga yaabo in aanay hore u dhicin, ka dibna waa laga gaabsadaa, iyada oo maxkamaddu go’aan ka soo saartay qofka denbiga galay.
Waxaa aad u yar kalsoonida lagu qabo caddaaladda ka jirta guud ahaan dalka. In badan ayaynu aragnaa dhacdooyin waaweyn oo dadka oo dhammi u wada arkaan in ay yihiin xaalado adag oo u baahan in wax laga qabto, haddana laga tago iyada oo aan wax laga qaban. Maalmo gaaban ayaa la buunbuuniyaa, ka dibna waa la iska tagaa.
Waxaa caqabad weyn ku ah bulshada Soomaaliyeed in ay hesho caddaalad loo wada dhanyahay oo ay maxkamadaha iyo garsooreyaashu madax bannaan yihiin. Waxaa jira sharci iyo dastuur loo sameeyay in dadka lagu kala saaro oo lagu kala siiyo xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Laakiin waxaa maqan in maxkamadaha iyo hay’adaha caddaaladdu ay u madax bannaanaadaan shuruucda iyo tallaabooyinka ay qaadayaan. Waxaa inta badan soo farageliya dawladda iyo nidaamkeeda, oo sida ay rabaan ayay wax uga dhigaan.
Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo markii horaba aan haysan caddaalad dhammaystiran, haddana waxaa dhibaato kale ku sii noqday in ay dhexdooda iskala saaraan oo ay kala yihiin qabiillo kala sarreeya. Qabiillada qaar ayaa la takooraa, laga soo bilaabo nidaamka ay dawladdu ku dhisantahay ee 4.5, oo macnihiisu yahay in ay jiraan qabiillo aan dhammaystirnayn oo aan hal gaarin. Sidaas awgeed, qabiilladaas waxa ay la kulmaan caddaalad darro dhinacyo badan leh, haddii ay noqon lahayd dhinaca waxbarashada, helidda shaqooyinka iyo guud ahaan ka qaybgalka arrimaha siyaasadeed.
Sida ay diinteenna na fartay, caddaaladdu waa udubdhexaadka nolosheenna. Eebbe iyo Rasuulkiisa SCW waxa ay na fareen in aan adkayno caddaaladda iyo sinnaanta. Ma jiro qof ka sarreeya qof kale, Eebbana ummaddiisa oo dhan way u simanyihiin, laakiin waxa ay ugu kala dhowyihiin sida ay ugu kala cibaado iyo taqwo badanyihiin. Soomaalidii hore waxaa halkudheg u ahaa, marka ay geedka hoos fadhiyaan oo ay laba qof u kala garqaadayaan, in ay yiraahdaan: “Gari Allay taqaan.” Oraahdaas oo ahayd mid muujinaysa in Alle-Weyne ma ahane aan cid kale looga waabanin sheegidda xaqa iyo ka-hortagidda dulmiga.
Bulsho kastaa waxa ay caddaalad iyo sinnaan ku heli kartaa in garsoorkeedu madaxbannaan yahay, sharciguna ka sarreeyo wax kasta oo kale. Sidoo kale, waa in hay’adaha fulinta aysan wax faragelin iyo saamayn ah ku yeelanin hay’adaha garsoorka. Sharciga sidiisaba waxaa loo samaystay in bulshadu ku kala nabad hesho oo ay ku kala badbaaddo. Sidaas darteed, caddaaladda iyo sinnaanta bulsheed waa kuwo lamataabtaan ah oo ay bulshadu ku wada noolaan karto, kuna horumari karto.


From the comments