Aragtida Xorta Ah
Milicsiga Guulihii iyo Gaboodfalladii Kacaanka: 21 Sano oo Macaan iyo Qaraar ah

Konton iyo Toddoba sano ayaa ka soo wareegtay curashadii Kacaanka 1969kii. Kow iyo labaatankii sano ee uu jiray waxay guulwadayaasha u ahaayeen horumar, kacaandiidkana halaag. Maqaalkan ayaan ku wadaagi doonnaa xaqiiqsii Kacaanka, gaboodfalladiisii iyo guulihii uu gaaray muddadii uu jiray nidaamkaas.
GUULIHII KACAANKA
1. Qoraalkii Af Soomaaliga iyo Ololihii Reer Miyiga
Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Kacaankii Soomaaliya wuxuu ahaa hirgelintii habdhigaalka af Soomaaliga iyo ololihii ballaarnaa ee waxbarashada reer miyiga. Sannadkii 1972kii ayaa si rasmi ah loo ansixiyay farta Soomaaliga ee lagu qorayo afka hooyo, taas oo ahayd tallaabo taariikhi ah oo bulshada ka saartay jahli iyo kala fogaansho dhinaca aqoonta ah. Markii hore, af Soomaaligu ma lahayn far midaysan oo si rasmi ah loo isticmaalo, balse Kacaanku wuxuu keenay nidaam cad oo ay dadka oo dhami si sahlan u baran karaan.
Kaddib hirgelinta qoraalka, waxaa la billaabay olole weyn oo lagu barayo bulshada akhriska iyo qoraalka, gaar ahaan reer miyiga oo hore uga haray adeegyada waxbarasho. Arday, macallimiin iyo shaqaale dawli ah ayaa loo diray miyiga si ay dadka ugu gudbiyaan aqoonta aasaasiga ah. Ololahan waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dadaalladii ugu guulaha badnaa ee waxbarashada iyo garaad-kobcinta ee Afrika ka dhacay, maadaama muddo kooban gudaheed lagu gaarsiiyay boqolaal kun oo qof xirfadda akhriska iyo qorista. Ololihii reer miyigu ma ahayn oo keliya mid waxbarasho, wuxuuse ahaa dadaal wadareed oo sidoo kale xoojiyay iskuxirka bulshada iyo dawladnimada, isagoo dadka ku dhiirrigeliyay in ay ka qaybqaataan horumarka dalka. Waxaa la oran karaa: “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”; Kacaankuna wuxuu iftiimiyay maskaxda bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka dhigay af Soomaaliga mid lagu faano oo lagu horumaro.
2. Dhisidda Ciidan Qaran
Kacaanku wuxuu xoogga saaray dhisidda ciidan qaran oo awood leh. Waxaa la sameeyay ciidamo kala duwan, sida kuwa dhulka, cirka iyo badda, kuwaas oo si wanaagsan loo tababbaray loona qalabeeyay. Soomaaliya xilligaas waxay noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee leh ciidan xooggan, taas oo kor u qaadday difaaca dalka iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranka.
3. Dhisidda Warshado iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha
Dhinaca dhaqaalaha, Taliskii Kacaanku waxay hirgelisay warshado badan si loo xoojiyo waxsoosaarka gudaha. Waxaa ka mid ahaa warshaddii sonkorta ee Jowhar, warshaddii dharka ee Balcad, warshaddii kalluunka ee Laasqoray iyo warshaddii sibidhka ee Berbera. Warshadahani waxay abuureen shaqooyin, waxayna yareeyeen ku tiirsanaanta dibadda.
Intaa waxaa dheer, dawladdu waxay si weyn u maalgelisay kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa la dhisay oo la dayactiray waddooyin isku xira magaalooyinka waaweyn iyo miyiga, taas oo fududeysay isusocodka dadka iyo ganacsiga. Sidoo kale, dekado muhiim ah, sida Dekedda Berbera iyo Dekedda Muqdisho, ayaa la ballaariyay lana casriyeeyay si loo kordhiyo ganacsiga iyo dhoofinta.
Dhinaca adeegyada bulshada, waxaa la dhisay isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo badan, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay daryeelka caafimaadka shacabka. Waxqabadkan isku dhafan wuxuu sare u qaaday dhaqaalaha dalka iyo tayada nolosha bulshada.
4. Ballaarintii iyo Dib u Qaabayntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Dhinaca waxbarashada sare, Kacaanku wuxuu si weyn u horumariyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Jaamacadda waxaa lagu kordhiyay kulliyado cusub, sida caafimaadka, injineeriyadda, beeraha iyo cilmiga bulshada, taas oo fursad siisay arday badan oo Soomaaliyeed.
Manhajka waxbarashada ayaa la waafajiyay baahiyaha dalka, iyadoo diiradda la saaray culuumta horumarka muhiimka u ah. Dawladdu, sidoo kale, waxay keentay macallimiin khubarro ah, waxayna arday badan u dirtay dibadda si ay u soo bartaan aqoon sare.
Tani waxay keentay in la helo aqoonyahanno badan oo door weyn ka qaatay horumarinta dalka, gaar ahaan adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada.
5. Guulaha Diblomaasiyadeed
Kacaanku wuxuu sidoo kale guulo ka gaaray dhinaca diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah. Soomaaliya waxay xoojisay kaalinteeda caalamiga ah, iyadoo si firfircoon uga qaybqaadatay ururrada waaweyn ee gobolka iyo caalamka. Dalku wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Jaamacadda Carabta iyo Ururkii Midnimada Afrika (OAU).
Soomaaliya waxay martigelisay shirar waaweyn oo caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen shirarkii madaxda Afrika ee ka dhacay Muqdisho, taas oo muujisay sumcadda iyo kaalinta ay ku lahayd Afrika. Intii uu jiray Kacaanku, Soomaaliya waxay door hoggaamineed ka ciyaartay arrimaha qaaradda, iyadoo ka shaqaynaysay midnimada Afrika iyo iskaashiga dalalka.
Dawladdu, waxay sidoo kale, ballaarisay xiriirka dibadda, iyadoo iskaashi dhinacyo badan leh la yeelatay dalal kala duwan. Tani waxay keentay taageero dhaqaale, mid milatari iyo mid farsamo oo ka qaybqaatay horumarka dalka.
6. La Tacaalidda Musiibooyinka Dabiiciga ah
Kacaanku wuxuu, sidoo kale, muujiyay dadaal muuqda oo ku aaddan la tacaalidda musiibooyinka dabiiciga ah. Abaartii Dabadheer waxay ahayd mid aad u daran, balse dawladdu waxay qaadday tallaabooyin degdeg ah oo samatabbixin ah, sida dibudejin iyo gargaar.
Dadkii ay abaartu saamaysay waxaa loo raray meelo leh biyo iyo dhulbeereed, halkaas oo ay ka billaabeen nolol cusub. Sidoo kale, waxaa la hirgeliyay mashaariic bacaadcelin ah, sida kii Shalanbood, si loo xakameeyo nabaadguurka iyo faafidda bacaadka.
GABOODFALLADII KACAANKA
1. Boobka Hantidii Dadweynaha
Waa suurtaggal in ay layaab kugu noqoto Kacaanka oo lagu eedaynayo boobka hanti dadweyne, balse shaqadii koowaad ee ay qabteen Kacaanka iyo hoggaamiye Maxamed Siyaad waxay ahayd boobkii kursiga looga arrimiyo dalka. Kursiga madaxweynuhu waa hanti iyo talo ay leeyihiin malaayiin Soomaaliyeed. Iyaga ayaa xaq u leh in ay u doortaan qofka mudan in uu hoggaamiyo wakhti go’an, sida afar ama shan sano. Mas’uulkii sii haya xilka wakhti ka badan kii loo doortay wuxuu boobay hanti qaran, waxna ugama duwana mas’uulka kale ee dhulka ama hantida kale ee qaranka booba. Madaxdii kale ee dalka soo martay, waa maragmadoonto in ay ku kaceen boobka hanti dadweyne, hasayeeshee dadka iyo dalkaba uma geysan dhibaato la mid ah tan kursiga oo sababtay burburkii dalka. Sharci ahaan, waxaa isweydiin mudan: Alle ha u naxariistee, Maxamed Siyaad ma loogu yeeri karaa madaxweyne, maadaama uusan sharci ku iman? Waa hoggaamiye dalka soo maamulay, balse farqi weyn ayaa u dhexeeya madaxweyne iyo hoggaamiye.
2. Laalista Dastuurkii Dalka
Afrika iyo dunida inteeda kale, waxaa jira hoggaamiyayaal markii dambe isu beddelay madaxweynayaal, kaddib markii ay qabteen doorashooyin kuna guulaysteen. Dastuurku waa heshiis bulsho oo sheegaya waxa uu qofku xaq u leeyahay iyo waajibaadka lagu leeyahay. Sidoo kale, waa halbeeg lagu miisaamo dhacdooyinka, iyada oo la eegayo waxa uu ka qabo. Markii dastuurkii la laalay, waxaa soo gabaggabowday rajadii dawladnimada. Halbeegga wax lagu cabbiro wuxuu noqday rabitaanka Kacaanka. Sidee buu qof la dhacsan dastuurkii dhammaa oo la laalay dood uga keeni karaa wax ka beddel lagu sameeyay?
3. Burburinta Kalsoonidii Dawlad Dhexe
Dhibaatada ugu badan ee maanta haysata dalkeenna waa nidaam federaal oo jid iyo jiho diid ah. Nidaamkan federaalka ah waxaa la qaatay Carta, balse waxaa sabab u ahaa Kacaanka oo burburiyay kalsoonidii lagu qabay dawlad dhexe, kaddib markii uu xukunka ku takrifalay, taas oo dhalisay in aysan Soomaalidu dib danbe isku aaminin.
4. Kalagoynta Midnimadii Dalka
Kacaanku wuxuu muruq iyo maal geliyay xoraynta Soomaali Galbeed sannadkii 1977. Dagaalkaas, markii hore Soomaalidu gacansare ayay lahayd, balse diblomaasiyad xumada Kacaanka ayaa keentay in Soomaaliya ku jabto, kuna guuldarraysato hadafkeedii ahaa xoraynta Soomaali Galbeed. Diblomaasiyaddu waa tan u suurtaggelisay dawladda iminka jirta in ay Itoobiya uga guulaysato heshiis beenaadkii ay maamulka Soomaalilaan iyo Itoobiya wada saxeexdeen, balse Kacaanku, isaga oo awood ahaan aad uga sarreeyay dawladda maanta jirta, wuxuu ku fashilmay xoraynta Soomaali Galbeed.
Midnimadii ayuu intaas ku sii kala dhantaalay, kaddib markii gobollada Waqooyi ay ku dhawaaqeen in ay gooni isu taageen, iyaga oo ka tabanaya dhibaato uu u geystay Kacaanku. Soomaaliya oo idil ayuu dhibaateeyay Kacaanku, gobollada Waqooyina dhibaatadaas ayay kala mid ahaayeen Soomaaliya inteeda kale. Dhibka loo geystay gobollada Waqooyi Soomaalidu raalli kama ahayn; sidaas oo kale, gooni isu taaggoodana raalli kama aha.
5. Tacaddiyo ka Dhan ah Aadan
Tacaddi iyo Kacaan marka aad maqasho, waxaa durba kugu soo dhacaya dilka loo geystay culimadii u istaagtay difaaca diinta, waxaana la aaminsan yahay in cuqubadaasi ina haysato ilaa maanta. Saraakiil lagu fuliyay xeerka Kacaandiidka, shacab la gumaaday iyo beegsi ka dhan ah beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa iyaguna ka mid ahaa. Intaas waxaa sii dheeraa kuwii xabsiyada muddada badan ku jiray ee lagu hilmaamay, iyo kuwii dil toogasho ku xukunnaa ee baahi iyo xanuunno soo foodsaaray u geeriyooday.
Kacaanka Maxaa loo Difaaci Waayay?
Kacaanku haddii uu fiicnaa, maxaa loola dagaallamay, maxayse shacabku u difaaci waayeen? Marar badan ayay dhacday in shacabku difaacaan xukuumaddooda, waxaana ugu danbaysay afgenbigii dhicisoobay ee Turkiga. Raggii hoggaaminayay dhammaan jabhadihii la dagaallamay Kacaanka, bulshada Soomaaliyeed sharaf iyo maamuus ayay ku leeyihiin, waxayna xilal sare ka soo qabteen dalka. Jabhadaha laguma eedeeyo: “Maxaad Kacaanka u rideen?”, waxaase la weydiiyaa: “Maxaad dalka si xilkasnimo leh ugu maamuli weydeen?” Tani waa tusaale kale oo muujinaya in bulshadu aysan jeclayn xukunkii Kacaanka, gaar ahaan xilliyadii danbe.
Goobjoog Newsletter
Ka hel Goobjoog wixii cusub.
Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.



From the comments