Madaxtooyada maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxay si rasmi ah u yeelatay hoggaan cusub, ka dib doorasho xiiso badan oo ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo uu guul aqlabiyad leh ku hantay Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku magacdheer Aadan-Madoobe. Isagoo helay taageerada inta badan xildhibaannada. Guushan ayaa albaab cusub u furtay mustaqbalka siyaasadeed ee degaanka iyo guud ahaan dalka. Qormadan waxay si gaar ah u iftiiminaysaa qofka uu yahay hoggaamiyahan cusub ee guulaystay, waxa laga yaqaanno sooyaalkiisa nololeed, dhalashadiisii, iyo jidkii dheeraa ee uu u soo maray masraxa siyaasadda Soomaaliya.
Aragtida Xorta Ah
Maxaa laga Yaqaannaa Aadan-Madoobe?

Barbaariddiisii
Aadan-Madoobe wuxuu dhashay 15 Abriil 1956, isagoo ku dhashay degmada Xudur ee gobolka Bakool. Isla degmadaas ayuu ku koray, kuna qaatay carruurnimadiisii iyo dhallinyaranimadiisii. Tan iyo yaraantiisii, wuxuu naftiisa u hibeeyay barashada diinta Islaamka, isagoo si qotadheer u bartay Qur’aanka barakaysan ah iyo culuunta shareecada.
Shaqadii ugu horraysay ee uu qabto waxay ahayd inuu bulshada baro diinta. Wuxuu noqday macallin dugsi Qur’aan oo caan ah, kaas oo ay gacantiisa ku aflaxeen arday aad u badan oo reer Bakool ahayd. Sida taariikhdiisa lagu yaqaanno, Aadan-Madoobe ma uusan soo marin waxbarashada rasmiga ah ee maaddiga ah (dugsi hoose, dhexe, sare ama jaamacad), balse muggiisa iyo miisaankiisa qofnimo ayaa ku dhisan barashada diinta iyo waaya-aragnimada uu nolosha ka dhaxlay.
Sooyaalkiisa Siyaasadeed
Burburkii dawladdii dhexe ee 1991 wuxuu isbeddel weyn ku keenay nolosha Sheekh Aadan, isagoo ka huleelay dugsigii Qur’aanka, una soo tallaabay saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka. Wuxuu bilowgii qabtay xilka guddoomiyaha degmadii uu ku dhashay, xilli dalku fawdo ku jiray oo ahayd 1993–1995. Sidoo kale, wuxuu ku biiray Rahanweyn Resistance Army (RRA), isagoo muddo yar gudaheed ku noqday Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee jabhaddaas oo u xukumayay degaannada Baay iyo Bakool. Sheekh Aadan wuxuu, sidoo kale, ka mid noqday saxiixayaashii shirkii Eldoret (Kenya) ee lagu soo dhisay Dawladdii Kumeelgaarka ahayd (TFG). Sannadkii 2005-tii, waxaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka.
31dii Janaayo 2007 ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka TFG, isagoo xilkaas iska casilay May 2010 ka dib khilaaf dhex maray isaga iyo Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Muddadii u dhexaysay Diseenbar 2008 ilaa Janaayo 2009, wuxuu noqday Kusimaha Madaxweynaha dalka ka dib iscasilaaddii Cabdullaahi Yuusuf.
Ka dib markii uu noqday Wasiirka Warshadaha (2014) iyo Xoghayaha Himilo Qaran, waxaa 28kii Abriil 2022kii, markii labaad, loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo sidoo kalana hoggaaminayay doodihii adkaa ee dhammaystirka Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa. Maanta oo taariikhud tahay 10kii Juun 2026 ayaa Sheekh Aadan loo doortay Hoggaamiyaha Maammulgoboleedka Soomaaliyeed ee Koonfurgalbeed.
Maxaa laga Sugayaa?
Maadaama uu hadda qabtay hoggaanka heer dawladgoboleed, waxaa horyaalla caqabado iyo fursado aad u waaweyn oo indhaha lagu hayo:
1. Dib-u-heshiisiinta Gudaha: Waxa ugu horreeya ee laga sugayo waa inuu mideeyo bulshada Koonfurgalbeed, gaar ahaan kooxaha siyaasadda isku khilaafsan iyo beelaha degaanka, si loo helo xasillooni waarta.
2. Xiriirka Dawladda Dhexe: Maadaama uu dalka ka soo qabtay xilalka ugu sarreeya ee federaalka, waxaa laga filayaa inuu adeegsado khibradiisa si uu u qaboojiyo lana macaamilo khilaafaadka ka dhex dhasha dawladda dhexe iyo maamulgoboleedyada.
3. Amniga iyo Al-Shabaab: Degaannada Koonfurgalbeed waxaa ka jira culays weyn oo xagga amniga ah. Waxa ugu weyn ee laga filayo waa inuu hoggaamiyo hawlgallada xoraynta degaannada go’doonsan iyo dabargoynta amnidarrada.
4. Dhismaha Hay’ado Dimuqraadi ah: Waxaa laga sugayaa inuu maamulka gaarsiiyo heerar horumarineed oo ku dhisnaan kara adeegbixin bulsho iyo doorashooyin hufan, isagoo ka faa’iidaysanaya kalsoonida weyn ee loo qabo odaynimadiisa siyaasadeed.
Gabagabadii, Sheekh Aadan-Madoobe Maxamed Nuur ma aha magac ku cusub siyaasadda Soomaaliya. Waa shakhsi ka soo gudbay marxalado badan oo kala geddisan, min macallin dugsi Qur’aan, hoggaamiye jabhadeed, wasiir federaal, guddoomiye baarlamaan, ku-sime madaxweyne, ilaa hadda oo uu noqday Hoggaamiyaha Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Koonfurgalbeed. Taariikhdiisu waxay ka maragkacaysaa jidkii dheeraa ee ay soo martay dawladnimada ummadda Soomaaliyeed: burbur, jabhadayn, dib-u-heshiisiin, yagleelidda dawlad kumeelgaar ah, hirgelinta nidaam federaal ah iyo dhammaystirka dastuurka, oo lagu xusuusan doono Aadan-Madoobe.
Hasayeeshee, xilkan cusub ee uu maanta la meeray Aadan-Madoobe, waa imtixaankii ugu weynaa ee uu wajaho intii uu siyaasadda ku jiray. Koonfurgalbeed oo maanta ku sugan xaalad siyaasadeed oo kakan, dhinaca kalana wajahaysa duruufo nololeed oo qallafsan, waxay u baahan tahay hoggaan mideeya, iskudubbarida, dhegaysta aragtiyaha ka soo horjeeda; u dhimriya, dejin kara xiisadaha aloosan, isla markaasna u rogi kara khibraddiisa siyaasadeed tab uu ku maareeyo xaaladda cakiran ee maamulku ku suganyahay, kana samatabixin kara. Waa kaas imtixaanka Sheekh Aadan hor yaalla!

From the comments