Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Maalinta Caalamiga ah ee Ilaalinta Nidaamdegaaneedka Mangaroofka

Maalinta Caalamiga ah ee Ilaalinta Nidaamdegaaneedka Mangaroofka

Sannad kasta 26ka Luulyo, dunidu waxay xustaa Maalinta Caalamiga ah ee Ilaalinta Nidaamdegaaneedka Mangaroofka. Maalintan waxaa sannadkii 2015 si rasmi ah u ansixisay hay’adda UNESCO, si kor loogu qaado wacyiga caalamiga ah ee ku saabsan muhiimadda kaymaha mangaroofka iyo baahida loo qabo ilaalintooda.

Mangaroofku wuxuu ka mid yahay nidaamdegaaneedyada xeebaha ugu qiimaha badan dunida. Inkasta oo kaymahani ay daboolaan qeyb yar oo ka mid ah oogada dhulka, haddana doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xeebaha, kaydinta kaarboonka, kobcinta noolaha badda iyo taageeridda nololmaalmeedka bulshooyinka xeebaha waa mid aad u ballaaran.

Dhanka kale, mangaroofku wuxuu ka mid yahay nidaamdegaaneedyada sida weyn khatarta u wajahaya, maadaama jarista dhirta, ballaarinta magaalooyinka xeebaha, wasakhowga hawada, daaqsinka xoolaha iyo isbeddelka cimiladu ay faro ba’an ku hayaan.

Waa maxay mangaroofku?

Mangaroofku waa geedo iyo dhir gaagaaban oo ka baxa xeebaha ku yaalla dhulka kulaylaha iyo kulaylxigeenka ah. Waxaa badanaa laga helaa dhulka dhoobada ah ee ay biyaha baddu ku soo noqnoqdaan iyo meelaha ay ku kulmaan biyaha macaan iyo biyaha cusbadu.

Soomaalidu mangaroofka waxay mararka qaarkood u taqaannaa geedaha badda ama kaymaha xeebaha. Dhirtaasi waxay leedahay astaamo gaar ah oo u suurageliya inay ku noolaato biyaha cusbada leh, dhulka jilicsan iyo ciidda ay ogsajiintu ku yar tahay.

Qaar ka mid ah geedaha mangaroofku waxay leeyihiin xididdo ciidda kor uga soo baxa, kuwaas oo geedka ka caawiya inuu hawada ka helo ogsajiin. Xididdadaas waxaa cilmi ahaan loo yaqaannaa pneumatophores, waxaana af Soomaali ahaan lagu tilmaami karaa xididdidda neefsashada.

Xididdadu waxay sidoo kale geedka ku sugaan dhulka dhoobada ah ee jilicsan, waxayna qabtaan ciidda iyo walxaha biyuhu sidaan. Sidaas awgeed, mangaroofku wuxuu yareeyaa nabaadguurka xeebaha, wuxuuna ka qeybqaataa samaysanka iyo xasilloonida dhulka xeebaha.

Sida mangaroofku ula qabsado biyaha cusbada leh

Astaamaha ugu muhiimsan ee mangaroofka waxaa ka mid ah awoodda uu ugu adkaysto cusbada biyaha badda. Noocyada qaar waxay cusbada ka reebaan biyaha inta aysan xididdadu nuugin, halka kuwo kalena ay cusbada caleemaha ka saaraan.

Hababkaas dabiiciga ahi waxay dhirta u suurageliyaan inay ku noolaato meelo aysan dhirta badankeedu ku kori karin.

Noocyada mangaroofka ee laga helo xeebaha Bariga Afrika waxaa ka mid ah:

  • Avicennia marina;

  • Rhizophora mucronata;

  • Ceriops tagal;

  • Sonneratia alba.

Noocyadani waxay ku kala duwan yihiin qaabka xididdada, heerka ay cusbada ugu adkaysan karaan iyo goobaha ay kaga baxaan xeebaha.

Hoyga iyo goobta taranka noolaha badda

Kaymaha mangaroofku waa hoy, goob taran iyo meel ay ku koraan noocyo badan oo kalluun, carsaanyo, haley, shimbiro iyo nooleyaal kale.

Xididdada isku dhex yaacsan ee geeduhu waxay kalluunka yaryar iyo noolaha kale ka ilaaliyaan ugaarsadayaasha, waxayna siiyaan meel ammaan ah oo ay ku koraan inta aysan u gudbin biyaha furan.

Caleemaha iyo laamaha mangaroofka ee dhaca waxaa burburiya bakteeriyo, fangas iyo nooleyaal kale oo aad u yaryar. Walxahaas burburay waxay isu beddelaan nafaqo ay ka faa’iidaystaan kalluunka iyo noolaha kale ee badda.

Sidaas awgeed, mangaroofku wuxuu qeyb weyn ka qaataa silsiladda cuntada ee degaannada xeebaha, wuxuuna taageeraa waxsoosaarka kalluumaysiga.

Burburka kaymaha mangaroofku wuxuu keeni karaa yaraanshaha kalluunka, hoos u dhaca kala-duwanaanta noolaha iyo dhaawac ku yimaadda nololmaalmeedka bulshooyinka ku tiirsan kheyraadka badda.

Gaashaanka dabiiciga ah ee xeebaha

Faa’iidooyinka ugu waaweyn ee mangaroofka waxaa ka mid ah ilaalinta xeebaha. Xididdada, jirridda iyo laamaha cufan ee dhirtu waxay yareeyaan xoogga hirarka, waxay qabtaan ciidda, waxayna hoos u dhigaan nabaadguurka xeebaha.

Kaymaha mangaroofku waxay sidoo kale yareyn karaan saamaynta duufaannada, daadadka xeebaha iyo hirarka xooggan. Mangaroofku si buuxda uma joojin karo masiibooyinka dabiiciga ah, hasayeeshee wuxuu si weyn u dhimi karaa awoodda biyaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.

Bulshooyinka deggan xeebaha ay kaymahani ku dhow yihiin waxay ka helaan difaac dabiici ah oo yareeya halista ku timaadda guryaha, kaabayaasha dhaqaale iyo beeraha ku dhow xeebaha.

Kaydka Kaarboonka Buluugga ah

Mangaroofku wuxuu ka mid yahay nidaamdegaaneedyada sida weyn u kaydiya kaarboonka. Kaarboonka ku kaydsan dhirta, xididdada iyo ciidda xeebaha waxaa loo yaqaannaa Kaarboonka Buluugga ah ama Blue Carbon.

Qeybta ugu badan ee kaarboonka mangaroofku waxay ku kaydsan tahay ciidda qoyan ee ka hoosaysa dhirta. Ciiddaas waxaa ku urura caleemo, laamo iyo walxo dabiici ah oo si gaabis ah u burbura.

Marka kaymaha mangaroofka la jaro ama la burburiyo, kaarboonkii ku kaydsanaa dhirta iyo ciidda ayaa hawada ku sii dayn kara gaasaska kululeeya cimilada. Sidaas darteed, ilaalinta mangaroofku waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu yareynayo saamaynta isbeddelka cimilada.

Khataraha haysta mangaroofka

Tobannaankii sano ee u dambeeyay, kaymaha mangaroofka ee dunidu waxay wajahayeen xaalufin iyo hoos u dhac ka dhashay hawlaha aadanaha iyo isbeddellada dabiiciga ah.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee khatarta ku haya waxaa ka mid ah:

  • jarista dhirta si looga dhigto dhuxul, xaabo iyo qalabka dhismaha;

  • ballaarinta magaalooyinka iyo dhismayaasha xeebaha;
  • beddelidda kaymaha oo laga sameeyo beero ama xarumo ganacsi;

  • wasakhowga badda iyo daadinta qashinka;

  • qodista ciidda iyo burburinta dhulka xeebaha;

  • daaqsinka xoolaha;

  • kor u kaca heerka badda;

  • abaaraha iyo isbeddelka cimilada.

Marka mangaroofka la waayo, xeebuhu waxay u nuglaadaan nabaadguur, daadad iyo hirar xooggan, halka kalluunka iyo noolaha kale ee badduna ay waayaan goobihii ay ku tarmeen kuna koreen.

Muhiimadda dhaqaale iyo bulsho

Faa’iidooyinka mangaroofku kuma koobna ilaalinta degaanka oo keliya. Kaymahani waxay si toos iyo si dadbanba u taageeraan dhaqaalaha bulshooyinka xeebaha.

Kalluumaysatada waxay ka faa’iidaystaan kalluunka iyo noolaha kale ee ku tarma mangaroofka. Bulshooyinka qaarkoodna waxay kaymaha ka helaan malab, dawooyin dhaqameed iyo kheyraad kale oo dabiici ah.

Mangaroofku wuxuu sidoo kale dhiirrigelin karaa dalxiiska dabiiciga ah, daawashada shimbiraha, cilmibaarista iyo waxbarashada ku saabsan noolaha badda.

Hasayeeshee, ka faa’iidaysiga kheyraadka mangaroofka waa inuu noqdaa mid qorshaysan oo waara, si aan loo dhaawicin awoodda uu nidaamku isku cusboonaysiin karo.

Mangaroofka Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer dhulweynaha Afrika, taas oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Qeybo ka mid ah xeebahaas waxaa laga helaa kaymo mangaroof ah.

Degaannada ugu waaweyn ee mangaroofka Soomaaliya laga helo waxaa ka mid ah Jubbada Hoose, gaar ahaan aagga Jasiiradaha Bajuni, Kismaayo iyo afka Wabiga Jubba. Degaannadaas waxaa laga helaa kaymo cufan oo qaarkood gaara dherer u dhexeeya 10 iyo 15 mitir.

Mangaroofka waxaa sidoo kale laga helaa qeybo ka mid ah xeebaha waqooyi iyo waqooyigalbeed, sida:

  • Saylac iyo Jasiiradaha Sacadadiin;

  • Berbera;

  • Caluula;

  • Xaabo;

  • Boosaaso;

  • qeybo kale oo ka tirsan xeebaha Gacanka Cadmeed.

Qiyaaso kaladuwan ayaa muujinaya in baaxadda kaymaha mangaroofka Soomaaliya ay tahay dhawr iyo afartan kiiloomitir oo labajibbaaran. Hasayeeshee, cabbirka saxda ahi wuxuu u baahan yahay sahanno dhuleed iyo sawirro dayaxgacmeed oo si joogto ah loo cusboonaysiiyo.

Waxaa jira calaamado muujinaya in qeybo ka mid ah kaymaha mangaroofku ay hoos u dhaceen sannadihii u dambeeyay, sababo la xiriira jarista dhirta, ballaarinta degaannada, daaqsinka xoolaha iyo isbeddellada ku dhacay xeebaha.

Kormeerka mangaroofka Soomaaliya

Hay’adda FAO-SWALIM iyo hay’ado kale ayaa Soomaaliya ka sameeyay daraasado iyo khariidado lagu ogaanayo goobaha mangaroofku ka baxo iyo xaaladda kaymaha xeebaha.

Sannadihii dambe, waxaa kordhay adeegsiga sawirrada dayax-gacmeedka iyo farsamada dareemidda fog. Farsamooyinkaas waxaa lagu ogaan karaa cufnaanta dhirta, xaalufka kaymaha iyo isbeddellada ku dhaca degaannada xeebaha.

Cilmibaarayaashu waxay sidoo kale adeegsan karaan tusmooyin lagu cabbiro caafimaadka dhirta, sida NDVI, si loo ogaado meelaha dhirtu ku badan tahay, meelaha ay ka sii yaraanayso iyo isbeddellada sannadba sannadka ka dambeeya dhacaya.

Hababkaas waxaa lagu kormeeri karaa mangaroofka Kismaayo, Saylac, Berbera, Caluula, Xaabo iyo degaannada kale ee xeebaha Soomaaliya.

Hasayeeshee, xogta dayax-gacmeedku kaligeed kuma filna qiimaynta xaaladda kaymaha. Waxaa muhiim ah in lala socodsiiyo sahanno dhuleed, xog laga helo bulshada degaanka iyo daraasado lagu baarayo noocyada dhirta iyo noolaha ku tiirsan.

Caqabadaha mangaroofka Soomaaliya

Mangaroofka Soomaaliya waxaa haysta caqabado badan oo isugu jira xaalufin, maamul-xumo, dhaqaale-xumo, wacyi-yari iyo isbeddelka cimilada.

Jarista geedaha si looga dhigto dhuxul, xaabo iyo qalabka dhismaha ayaa ka mid ah khataraha ugu waaweyn. Dhismaha guryaha iyo xarumaha ganacsi ee laga sameeyo agagaarka xeebaha ayaa, sidoo kale, ciriirinaya goobihii dabiiciga ahaa ee mangaroofku ku fidi lahaa.

Burburkii dawladdii dhexe ka dib, awooddii lagu ilaalin lahaa kheyraadka dabiiciga ah way daciiftay, taas oo sahashay jarista sharcidarrada ah iyo ka faa’iidaysiga aan qorshaysnayn ee kaymaha xeebaha.

Daaqsinka xoolaha, gaar ahaan geela iyo lo’da, ayaa isaguna dhaawici kara caleemaha iyo geedaha yaryar ee mangaroofka, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo jilaalka.

Wasakhowga badda, qashinka magaalooyinka iyo saliidaha ku daata xeebaha ayaa sidoo kale khatar ku ah dhirta iyo noolaha ku dhex jira mangaroofka.

Kor u kaca heerka badda, kulaylka sii kordhaya iyo isbeddelka roobabku waxay mustaqbalka caqabad dheeraad ah ku noqon karaan kaymaha mangaroofka Soomaaliya.

Dadaallada ilaalinta

Qaar ka mid ah maamullada, hay’adaha iyo bulshooyinka degaannada xeebaha ayaa bilaabay dadaallo lagu ilaalinayo mangaroofka.

Degaannada qaarkood waxaa laga sameeyay wacyigelin ku saabsan joojinta jarista dhirta, xaddididda daaqsinka xoolaha iyo ilaalinta meelaha mangaroofku ka soo kabanayo.

Puntland, gaar ahaan degaannada Boosaaso iyo Caluula, hay’adaha ilaalinta xeebaha, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda iyo guddiyada bulshada ayaa mararka qaarkood iska kaashaday xaddididda jarista dhirta iyo waxyeellada loo geysanayo kaymaha.

Hasayeeshee, dadaalladaasi waxay u baahan yihiin sharciyo cad, dhaqaale, shaqaale tababaran iyo kaqeybgal joogto ah oo bulshada degaanka ah.

Maxaa la gudboon Soomaaliya?

Ilaalinta mangaroofku waxay u baahan tahay qorshe qaran oo isku xiraya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dawladgoboleedyada, maamullada degaannada, bulshada xeebaha, jaamacadaha, cilmibaarayaasha iyo ururrada ka shaqeeya ilaalinta degaanka.

Waxaa muhiim ah in:

  • la diyaariyo sharciyo cad oo lagu ilaalinayo kaymaha mangaroofka;

  • la mamnuuco jarista sharcidarrada ah;

  • la xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka;

  • bulshada degaanka lagu daro maamulka kaymaha;

  • la abuuro ilo nololmaalmeed oo beddel u noqda jarista dhirta;

  • dib loogu beero meelaha mangaroofku ka xaalufay;

  • la xaddido dhismayaasha laga samaynayo goobaha nugul ee xeebaha;

  • la kordhiyo cilmibaarista iyo khariidaynta kaymaha;

  • la sameeyo keyd xogeed qaran oo lagu diiwaangeliyo xaaladda mangaroofka;

  • la wacyigeliyo kalluumaysatada, xooladhaqatada, dhallinyarada iyo ardayda;

  • la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dawladda iyo bulshada.

Dib-u-beerista mangaroofku waa inay ku salaysnaataa daraasad cilmiyeed. Ma aha in geedo si aan qorshaysnayn loogu beero meel kasta oo xeeb ah, balse waa in la doortaa noocyada ku habboon goobta, lana tixgeliyaa socodka biyaha, cusbada, ciidda iyo xaaladaha dabiiciga ah.

Gunaanad

Ilaalinta mangaroofku ma aha oo keliya badbaadinta geedo ka baxa xeebaha. Waa ilaalinta kalluunka, noolaha badda, dhaqaalaha bulshooyinka xeebaha, badqabka magaalooyinka iyo awoodda Soomaaliya ay ugu adkaysan karto isbeddelka cimilada.

Kaymaha mangaroofku waxay qabtaan hawlo aad uga weyn baaxadda dhulka ay ku fadhiyaan. Waxay xoojiyaan xeebaha, kaydiyaan kaarboonka, hoy u noqdaan nooleyaal badan, waxayna taageeraan nololmaalmeedka kumannaan qof.

Maalinta Caalamiga ah ee Ilaalinta Nidaamdegaaneedka Mangaroofku waxay ina xusuusinaysaa in ilaalinta kaymahani ay tahay masuuliyad wada saaran dawladda, bulshada, ganacsatada iyo jiil kasta oo Soomaaliyeed.

Badbaadinta mangaroofku waa maalgashi lagu samaynayo degaanka, dhaqaalaha iyo mustaqbalka dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments