Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Kala Koriinshiyaha ka Jira Magaalada Muqdisho

Kala Koriinshiyaha ka Jira Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waa caasimadda kowaad ee Soomaaliya, waxaana ku nool dadyow aad u tiro badan, oo qiyaastii 5 milyan ku dhow, haddaysan ka badnayn. Dadkaasi dhinacyo badan ayay ku kala duwanyihiin oo aysan ka sinnayn, hadday noqoto dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda iyo dhinacyo kale oo badan. Waxaa intaas dheer in bulshada ku nool Muqdisho ay ku kala duwantahay habnololeedka iyo qaabka nolosha loo wajaho.

Si guud, inta badan dadka Soomaaliyeed waa dad dhaqaale ahaan sabool ah; hasayeeshee, marka la joogo magaalada Muqdisho, kaladuwanaanshaha noloshu waa mid si weyn u jira. Dadka qaar waa kuwo ku nool dabaqad aad u hoosaysa; qaar baa ku nool dabaqad dhexe; qaar kalana waxay ku noolyihiin dabaqadda sare. Haddii aan dabaqadahaas kala qaadno, nolosha qofku waxay ku salaysantahay hadba dabaqadda uu bulshada kaga jiro. Tusaale ahaan, qofka magaalada Muqdisho ku nool ee lagu tiriyo inuu “dabaqadda hoose” ku jiro waa qof aan si joogto ah u helin wax uu nololmaalmeedkiisa ku dabbaro, oo maalin kasta u halgama sidii uu u heli lahaa quudka maalinlaha ah ee qoyskiisu u baahanyahay. Wax intaas dhaafsan ma soo galaan; waxaaba dhici karta in uu waayo quudkaas maalinlaha ah ee isaga ama qoyskiisu ku noolaan lahaayeen. Dhinaca kale, dadka qaar oo isu arka dabaq sare ayaa laga yaabaa in ay maalintii adeegsadaan xaddi lacageed oo qofka “dabaqadda hoose” lagu sheego uu bil dhan masruuf reereed ka dhigan lahaa. Waa sillan-sugan iyo isdiiddo yaab leh!

Haddii aan u nimaadno dabaqadda dhexe, waa dadka heli kara nolol maalmeedkooda, isla markaasna maarayn kara aasaasiyaadka kale ee nolosha. Qofka dabaqadda dhexe ku nool wuu iskaafin karaa; waxa uu u baahanyahayna waa uu daberi karaa, hadday noqoto wixii uu cuni lahaa iyo waxbarashada uu xaadirayo. Nolosha qoyskiisana wuu kaafinayaa; waxa uu sidoo kale si caadi ah u daberi karaa joogistiisa magaalada iyo gaadiidkiisa. Dadka dabaqadda sare ku nool magaalada Muqdisho, iyaguna waa kuwa helay waxyaabaha noloshooda ugu muhiimsan iyo wixii ay rabeen. Intaas waxaa u sii dheer waxyaabo ka baxsan maaraynta baahiyahooda maalinlaha ah. Waxay leeyihiin kayd lacageed oo baahidooda ka baxsan iyo guryo ay furayaashooda gacanta ku hayaan. Uma qabaan baahi intaas dheer, laakiin waa hanti ay leeyihiin.

Haddaba, annaga oo intaas maanka ku hayna, aan mid kasta si gaar ah u dul-istaagno. Haddii aan ka eegno dhinaca wada noolaanshaha, inta badan dadku waa kuwo noloshoodu isku tiirsantahay; saddexda dabaqadood ee aan soo tibaaxnay midna kan kale kama maarmi karto. Dhammaantood waxay ka wada shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen ama u gaari lahaayeen hadafyadooda iyo danahooda gaarka ah. Hasayeeshee, waxaa jira kaladuwanaansho nololeed. Tusaale ahaan, dadka ku nool daafaha magaalada, ee baadigoobka ugu jira sidii ay u heli lahaayeen nololmaalmeedkooda caadiga ah, iyo kuwa ku nool magaalada dhexdeeda, ee gawaarida ku socda, guryo badanna furayaashooda sita, ma helaan amni isku mid ah. Inkastoo amniga magaalada guud ahaan uu soo hagaagayo, oo xaaladda maanta jirtaa aysan la mid ahayn tii shan sano ka hor, horumarkuna uu weli socdo, haddana labadaas qof ee aan soo sheegnay isku amni ma aha, iyaga oo weliba isla magaaladii jooga; waa sida aysan isku mid u ahayn amniga degmada Hodan iyo degaanka Weydoow.

Dhinaca kale, haddii aan u fiirino degaanka, dadka ku nool dabaqadda dhexe waxaa ka mid ah kireystayaal laga yaabo inay hal guri oo magaalada dhexdeeda ah ku degganyihiin lacag u dhexaysa saddex boqol ilaa lix boqol bil kasta. Kiradaas waxaa u dheer kharashaadka kale ee nolosha, sida waxbarashada iyo cunnada. Dadkaas waxaa la mid ah kuwa ku nool guryo ay leeyihiin, oo aan degganayn degmooyinka dhinacyada ah, laakiin heli kara waxyaabaha ay u baahanyihiin. Dhibaatada iyaga haysata waa kharashka badan ee kaga baxa gaadiidka. Dadka kireystayaasha ahi waxa ay ku yara dhaamaan ayaa ah in aanay kharash ku bixin dhinaca guriga deganaanshihiisa.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa ku sii badanaya dhismooyin casri ah oo saamayn weyn ku yeelanaya wada noolaanshaha bulshada. Tusaale ahaan, qofka dabaqadda hoose ku nool ee deggan guri caadi ah, haddii agagaarka gurigiisa laga dhiso dhismooyin waaweyn oo kiradoodu aad u qaali tahay, laguna soo dego, qofkaas waxaa culays ku noqonaya inuu xaafaddiisa si caadi ah ugu noolaado; adeegyadii uu markii hore raqiis ku heli karayna waxay isu beddeli karaan kuwo qaali ah oo dadkaas dartood loo sameeyo. Sideedaba, kharashka degaan kastaa waxa uu la jaanqaadaa dadka deggan. Tusaale ahaan, dadka magaalada dhexdeeda ama degmooyinka u dhow deggan iyo kuwa meelaha kale ee magaalada deggan ma aha kuwo adeegyada ay helayaan isku kharash ah. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar hal shay ku helaan lacag raqiis ah, qaar kalana ay ku helaan lacag aad qaali u ah. Intaas waxa ay ka tarjumaysaa in degaannadu aad ugu kala duwanyihiin dhinaca helidda adeegyo macquul ah iyo amni dadka magaalada u wada siman.

Haddaba, magaalada Muqdisho waxa ay u baahantahay in loo sameeyo qorshe degaan (urban planning) oo ka qaybqaata horumarinteeda, isla markaasna suurtageliya in la wada helo nolol isu dhow oo dadkeedu ku wada kori karaan. Waxaa habboon in magaalada laga wada helo dad kala duwan oo si isku mid ah u dareema amniga, si isku mid ahna u hela adeegyada lamahuraanka ah ee qof kastaa u baahanyahay.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments