Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

DABAGAL: Waa Sidee Hirgelinta Canshuurta Macaashmacaashka (VAT) ee Muqdisho?

DABAGAL: Waa Sidee Hirgelinta Canshuurta Macaashmacaashka (VAT) ee Muqdisho?

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii u danbeeyay xoogga saartay hirgelinta canshuurta macaashmacaashka (VAT) oo heerkeedu yahay 5%. Dawladdu waxay canshuurtan ku tilmaantay il muhiim u ah kordhinta dakhliga gudaha iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah, iyadoo mas’uuliyiintu marar badan ku celceliyeen in si caddaalad iyo sinnaan leh looga qaadayo ganacsiyada iyo dadka adeegyada isticmaala.

Hasayeeshee, dabagal iyo xog-ururin ay sameeyeen wariyayaal ka tirsan Goobjoog ayaa muujinaya in hirgelinta VAT-ku ay si weyn ugu kooban tahay hoteellada waaweyn iyo xarumaha ganacsi ee nidaamkoodu muuqdo, halka suuqyada waaweyn ee caasimadda, gaar ahaan Bakaaraha, iyo ganacsiyo kale oo badan aan si isku mid ah looga dhaqan gelin.

Ganacsato ka hawlgasha Muqdisho, kuwaas oo qaarkood codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni iyo ganacsi awgood, ayaa Goobjoog u sheegay in saraakiil ka tirsan hay’adaha canshuuraha ay ganacsatada qaarkood la galaan heshiisyo aan rasmi ahayn, kuwaas oo lagu dhimayo ama gebi ahaanba lagaga baaqsanayo bixinta VAT-ka rasmiga ah.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in xarumo ganacsi oo badan aysan adeegsan nidaamka rasmiga ah ee lagu diiwaangeliyo laguna xareeyo canshuuraha, balse taa beddelkeeda ay saraakiisha canshuuraha qaarkood la galaan heshiis afka ah, iyaga oo bil kasta siiya lacag go’an.

“Waxaa jira goobo badan oo aan VAT rasmi ah laga qaadin. Ganacsatada qaar waxay bixiyaan lacag go’an oo aan si rasmi ah ugu dhicin khasnadda dawladda,” ayuu yiri ganacsaduhu.

Xogta ay Goobjoog ururisay waxay tilmaamaysaa in hoteellada waaweyn iyo xarumaha adeegyada bixiya ay yihiin meelaha sida joogtada ah looga dhaqangeliyo canshuurta, maadaama hay’adaha dawladdu ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada koontooyinkooxa maaliyadeed. Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in ganacsiyo kale ay helaan marinno ay kaga baxsadaan nidaamka canshuurqaaxista ee rasmiga ah.

Aragtida shacabka iyo falcelinta bulshada Muqdisho ayaa sidoo kale muujinaya in culayska VAT-ka si gaar ah looga dareemayo hoteellada iyo goobaha adeegyada muuqda, halka suuqyada iyo xarumaha kale aan si la mid ah looga arkin hirgelinta canshuurta.

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaa sheegay inay dareemayaan in culayska canshuuraha lagu koobay adeegyada ay bulshadu sida joogtada ah u isticmaasho, halka ganacsiyo kale oo waaweyn aysan u muuqan kuwo si la mid ah u gudanaya waajibaadkooda canshuureed.

“Markaad hoteel tagto ama adeeg isticmaasho, VAT waa lagaa qaadayaa, laakiin markaad suuqyada kale wax ka iibsanayso, marar badan wax canshuur ah lagama arko,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Muqdisho ku nool.

Dadka falanqeeya dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii nidaamka canshuuruhu uusan noqon mid daahfuran oo si siman loogu dabaqo dhammaan ganacsiyada, ay taasi dhaawici karto kalsoonida shacabka, isla markaasna wiiqi karto hufnaanta ururinta dakhliga dawladda.

Khubarrada dhaqaaluhu waxay ku baaqayaan in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay samayso dabagal iyo islaxisaabtan dhab ah oo lagu ogaanayo habka loo ururiyo dakhliga canshuuraha, halka uu ku dhacayo iyo sababta ganacsiyo badan loogu tuhunsan yahay inay ka baxsanayaan nidaamka VAT-ka.

Haddii VAT-ka si siman oo hufan loo hirgeliyo, wuxuu si weyn u kordhin karaa dakhliga dawladda, isla markaasna wuxuu xoojin karaa maalgelinta adeegyada bulshada. Hasayeeshee, haddii hirgelintiisu noqoto mid aan sinnayn, waxay dhaawici kartaa u hoggaansanaanta canshuuraha, waxayna sii ballaarin kartaa qaybta dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, taas oo hoos u dhigaysa dakhliga guud ee la filayo.

Khubarradu waxay, sidoo kale, ku talinayaan in la xoojiyo nidaamyada elektaroonigga ah ee diiwaangelinta iyo ururinta canshuuraha, si loo yareeyo musuqmaasuqa, wax-isdabamarinta iyo faragelinta shaqsiyaadka.

Marka la eego isbarbardhigga gobolka, Kenya waxay VAT-ka ku qaaddaa heer dhan 16%, halka Itoobiya uu heerku yahay 15%. Soomaaliya, dhankeeda, VAT-ku waa 5% oo keliya. Sidaas awgeed, caqabadda ugu weyn ma aha heerka canshuurta, balse waa sida aan sinnayn ee loo hirgeliyo. Khubarro badan ayaa xaaladdan ku soo kooba: “Canshuur yar iyo fulin daciif ahi waxay horseedaan dakhli hoose.”

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dadaal ugu jirto kordhinta dakhliga gudaha iyo yaraynta kutiirsanaanta deeqaha dibadda.

Hasayeeshee, warbixinnada la xiriira canshuur-la-baxsiga iyo heshiisyada aan rasmiga ahayn ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan daahfurnaanta nidaamka VAT-ka iyo awoodda dawladdu u leedahay la dagaallanka musuqmaasuqa ka dhex jira hay’adaha maaliyadda.

Haddii aan la qaadin tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo dabagalka, isla xisaabtanka iyo hirgelinta siman, waxaa laga cabsi qabaa in VAT-ku ku koobnaado hoteellada iyo goobaha sida muuqata loo maamulo, halka suuqyada waaweyn iyo ganacsiyada awoodda leh ay sii wataan ka baxsiga nidaamka canshuuraha, iyaga oo ay arrintaas u fududaynayaan saraakiil loo xil saaray ilaalinta iyo fulinta nidaamka.

Get Goobjoog updates

From the comments