Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Buunbuuninta Al-Shabaab: Dano Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Dagaal Nafsi ah

Buunbuuninta Al-Shabaab: Dano Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Dagaal Nafsi ah

Muddo ka badan toban sano, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ee ku kala sugan dibadda iyo gudaha dalka waxay si joogto ah u dhayalsanayeen adkaysiga shacabka iyo kartida Ciidamada Amniga Soomaaliyeed. Waxay qaadanayeen, qaybna ka ahaayeen, kas iyo kama’ba, sheekada kooxda al-Shabaab (AS), iyaga oo dhawr jeer saadaaliyay in caasimadda dalka ee Muqdisho ay ku dhacayso gacanta kooxda.

Tusaalaha ugu weyn waxa aynu u soo qaadan karnaa warbixinnadii la daabacay iyo warbaahintii faafisay xilligii uu socday dagaalkii caanka ahaa ee ay kooxda AS soo qaaday Ramadaankii 2010. Subaxnimadii 23kii Agoosto 2010, kooxda AS waxay soo qaaday duullaan ballaadhan oo ay ugu magacdartay “Nihaayatul Muctadiin”, dadkuse waxay u yaqaannaan Dagaalkii Ramadaanka, sababtoo ah bishii Ramadaan ayaa maraysay 12keedii.

Boqolkiiba toddobaatan Muqdisho waxa gacanta ku haysay kooxda argaggaxisada ah ee AS, halka Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweyne ka ahaa ay keliya joogtay Madaxtooyada, gegida diyaaradaha iyo waddada isku xidha labadaas goobood.

Haddaba, warbaahinta iyo xarumaha falanqaynta ee reer Galbeedku waxay soo saareen warbixinno iyo saadaallo isdabajoog ah oo u janjeeray dhinaca argaggaxisada, kuna doodayay in dawladda Soomaaliya ay ku dhowdahay inay gebi ahaanba meesha ka baxdo. Wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa 24kii Agoosto 2010 baahiyay warbixin aad u faaftay oo uu qoray suxufiga caanka ah ee Jeffrey Gettleman. Warbixintaas waxa cinwaan looga dhigay: “At Least 30 Killed in Attack on Hotel in Somalia”.

Jeffrey wuxuu warbixintiisa ku falanqeeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ay laba ka mid ah inqimaasiyiinta kooxdu ku qaadeen Huteel Muna oo ku dhowaa xarunta Madaxtooyada. Jeffrey wuxuu si toos ah u sheegay in weerarkaas huteelku bannaanka keenay masiirka dhabta ah ee magaalada iyo sida ay u nugushahay dawladda Soomaaliya, isaga oo xilligaas ku sifeeyay in dawladda daciifka ahi ay dhawr tallaabo oo keliya u jirto inay gebi ahaanba burburto.

Jeffrey wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta iyo saadaaliyayaasha rumaystay sheekadii kooxda ee ahayd in al-Shabaab, si ay ula wareegto Muqdisho, ay u baahan tahay muddo hal toddobaad ah oo keliya.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters iyo telefishinka BBC-da ayaa baahiyay warbixinno dhawr ah oo ay ku sheegeen in Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ay ku go’doonsanayd dhawr goobood. Waxay adeegsanayeen falanqayntii hay’adda caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG), taas oo saadaalisay in caasimaddu ku dhowdahay inay si buuxda u gasho gacanta kooxda.

Sidoo kale, shirkadda falanqaynta sirdoonka ee Stratfor ayaa soo saartay qiimayn amni oo ay ku sheegtay in istiraatiijiyadda kooxda ee duullaanka Nihaayatul Muctadiin ay ahayd dharbaaxadii ugu dambaysay ee meesha ka saari lahayd dawladda fadhigeedu ahaa Villa Somalia.

Haddaba, kaddib sannad xidhiidh ah oo uu dagaal ba’ani socday, 6dii Agoosto 2011, warbaahintii reer Galbeedka iyo wariyayaashii afkooda ku saadaalinayay in Muqdisho lala wareegayo, oo Jeffrey ugu horreeyay, ayaa qoray in kooxda AS gebi ahaanba laga saaray caasimadda dalka ee Muqdisho.

Tan iyo xilligaas, waxa muuqata in aanay cashar ka qaadan dhacdadaas, welina ay ku taagan yihiin dhabbadii khaldanayd. Falanqeeyayaashu waxay weli dhawrkii sannadoodba mar saadaaliyaan in kooxdu la wareegayso dalka.

Tusaale ahaan, bishii Agoosto 2021, markii Daalibaan si buuxda ula wareegtay dalka Afgaanistaan, waxa soo baxay maqaallo dhawr ah oo ay qoreen xarumaha falanqaynta iyo warbaahinta caalamiga ahi, kuwaas oo si toos ah isugu barbardhigay Kaabul iyo Muqdisho. Warbixinnadaasi waxay saadaalinayeen in burburkii ku dhacay dawladdii Afgaanistaan uu si la mid ah ugu dhici karo dawladda Soomaaliya haddii ciidamada caalamiga ahi ay dalka ka baxaan.

Mar kale, dhicitaankii dawladdii Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya bishii Diseembar 2024 wuxuu sababay in xarumo falanqayneed oo reer Galbeed ah, sida The Horn Institute, ay soo saaraan warbixinno ay isku dayayaan inay Soomaaliya la barbardhigaan Suuriya. Warbixinnadaasi waxay ku doodeen in, haddii ciidamada caalamiga ahi dalka ka baxaan, dawladdu u burburi karto si la mid ah sidii nidaamkii Dimishiq ugu burburay dhawr maalmood gudahood.

Mar kalana, duullaankii ay kooxda AS soo qaadday horraantii 2025, ee ay ku qabsatay Aadanyabaal, ayaa haddana si la mid ah loo saadaaliyay in sannadkaas aanay dawladda Soomaaliya sii jiri karin.

Caadi ahaan, sheekada ah in ciidamada shisheeye haddii ay baxaan ay kooxdu dalka maalmo gudahood ku qabsan karto, muddo badan waxa iibinaysay argaggaxisada, waxaana sii buunbuuninayay warbaahinta reer Galbeedka.

Hasayeeshee, sheekadaas waxa buriyay oo beeniyay duullaankii ay dawladdu ku qaadday kooxda AS sannadihii 2022–2023 ee gobollada dhexe, kaas oo aanu la socon hal askari oo AMISOM ahi. In kasta oo duullaankaasi wax badan ka qaldanaayeen istiraatiijiyad ahaan iyo nidaam ahaanba, haddana jug culus ayuu arggaxisada gaarsiiyay; dhul badan ayaa laga qabsaday, saraakiil badanna waa looga dilay.

Guusha ugu weynina waxay noqotay burinta sheekadii muddada dheer lagu celcelinayay ee ahayd in dawladdani aanay ka dambayn doonin bixitaanka AMISOM, iyo jebinta darbigii weynaa ee cabsida ahaa ee lagu sheegay in kooxda AS aan la iska dhicin karin.

Haddaba, weydiinta mudan in la istoydo waxay tahay: waa ayo cidda ay saadaashani anfacayso, yayse faa’iido u tahay?

Waxaa iska cad in saadaashani u adeegayso dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo keliya ku sii jiri kara jiritaanka kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab. Marka kowaad, waxay u adeegaysaa mashaariicda amniga ee lagu soo qaato magaca ah in argaggixiso lala dagaallamayo. Xarumaha falanqaynta iyo qandaraaslayaasha amniga ee reer Galbeedku waxay u baahan yihiin in khatarta al-Shabaab had iyo jeer la weyneeyo, laguna sifeeyo mid maalin kasta caasimadda qabsan karta, si ay u sii socoto helitaanka maalgelinta iyo miisaaniyado malaayiin doollar ah oo lagu bixiyo barnaamijyada “ladagaallanka argaggixisada”.

Marka labaad, saadaashani waxay si toos ah ugu adeegaysaa kooxda AS oo u adeegsata borobagaando iyo dagaal nafsi ah. Kooxdu waxay soo xigataa qoraallada iyo saadaalaha fashilma ee reer Galbeedka, si ay u wiiqdo kalsoonida shacabka, cabsi ugu geliso bulshada, una disho niyadda askarta geesiyaasha ah ee ku jira furimaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, masiirka iyo amniga Soomaaliya kuma xidhna saadaalaha miisaska dushooda lagu qoro ee danaha dhaqaale laga leeyahay, waxayse ku xiran yihiin dhiigga iyo geesinimada Ciidamada Amniga Qaranka iyo go’aanka aan la loodin karin ee shacabka Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments