WQ: Bahda Tifaftirka
Dhismaha Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari, oo hore loogu yiqiin SSC-Khaatumo, wuxuu noqday mid ka mid ah isbeddelladii siyaasadeed ee ugu waaweynaa ee ka dhacay waqooyiga Soomaaliya tan iyo 1991kii. Samaysankiisu ma ahayn oo keliya curashada maamulgoboleed cusub oo ka tirsan maamulgoboleedyada Soomaaliya, wuxuuse si toos ah u beddelay isudheellitirkii siyaasadeed ee Geeska Afrika, isagoo dhaawac culus gaarsiiyay qorshihii gooni-isu-taagga Soomaalilaan.
In ka badan soddon sannadood, Soomaalilaan waxay ku doodaysay in ay tahay “dawlad madaxbannaan”, oo leh xuduudihii uu ka tegay gumaystihii Ingiriisku (British Somaliland). Sidaas darteed, gobollada Sool, Sanaag iyo qeybo ka mid ah gobolka Togdheer waxay ahaayeen lafdhabarta dooddaas, maadaama ay qeyb ka ahaayeen dhulkii ay Soomaalilaan sheeganaysay, gumaystihii Ingiriiskuna uu wada gumaystay. Hasayeeshee, bulshada SSC weligood si buuxda uma aqbalin u hoggaansanka maamulka Soomaalilaan ee Hargeysa, oo waxaa jiray weligeedba jiray rabitaan iyo doonis xooggan oo ay ku rabeen ilaalinta midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyagoo gaaridda yoolkaas u huray wax kasta.
Markii la aasaasay Buntilaan, 1998dii, degaannada SSC waxay qeyb ka noqdeen nidaamkii lagu aasaasay Buntilaan, iyadoo lagu salaynayay xiriirka bulsho iyo midka siyaasadeed ee ay dadkaasi wadaagaan. Laakiin, qabsashadii Laascaanood ee Soomaalilaan, sannadkii 2007dii, iyo Buntilaan oo ku guuldarraysatay inay difaacdo, ama markii danbe dib u soo ceshato, ayaa si weyn u beddeshay jihada siyaasadeed ee gobollada waqooyi; waxayna noqotay in shacabka SSC ay si madaxbannaan uga fikiraan aayahooda siyaasadeed, iyagoo aan cidna ku tiirsanayn.
Intii u dhexaysay 2009 ilaa 2017, dhaqdhaqaaqyadii siyaasiga ahaa ee SSC-Khaatumo waxay abuureen fikir cusub iyo ka-go’naasho ay bulshada SSC ugu xusulduubayaan inay dhisan karaan maamul federaal ah oo u gaar ah. Inkastoo dadaalladaasi ay caqabado badan la kulmeen, haddana waxay saldhig u noqdeen kacdoonkii Laascaanood ee 2023dii, markaas oo shacabka degaanka iyo ciidamada SSC ay cudud militari uga saareen ciidamada Soomaalilaan magaalada Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool.
Halkaas ayay ka bilaabatay jabkii ugu weynaa ee soo gaara mashruuca gooni-isu-taagga Soomaalilaan.
Luminta Laascaanood iyo Jabkii Siyaasadeed
Laascaanood oo ahayd magaalada ugu muhiimsan ee Soomaalilaan ka haysatay degaannada SSC. Waxay u lahayd muhiimad istiraatiiji, mid siyaasadeed iyo mid sumcadeedba. Muddo dheer, Hargeysa waxay magaaladaas u adeegsanaysay caddayn muujinaysa in ay maamusho qeyb weyn oo ka mid ah dhulkii “British Somaliland”. Laakiin markii ciidamada Soomaalilaan laga saaray magaalada, waxaa burburay dooddii ahayd: in maamulka Hargeysa uu si buuxda uga taliyo dhammaan dhulka uu sheeganayo. Luminta Laascaanood waxay noqotay dhaawac siyaasadeed oo culus, maadaama ay muujisay in awoodda Soomaalilaan aysan gaarsiisnayn dhammaan gobollada ay ku doodayso.
Kacdoonkii 2023dii wuxuu, sidoo kale, si cad u muujiyay in bulshadaas aysan taageersanayn mashruuca gooni-isu-taagga; dadka degaanka ayaa, iyaguna, dhinacooda caddeeyay inay doorbidayaan inay qeyb ka noqdaan Soomaaliya inteeda kale, gaar ahaan nidaamka federaalka.
Aqoonsiga Federaalka iyo Curyaaminta Qorshaha Soomaalilaan
Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari maanta waa xaqiiqo jirta (de facto) iyo xaqiiqo sharci ah (de jure), waxayna haysataa aqoonsi rasmi ah oo ay kaga mid tahay dawladgoboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya. Ka dib aqoonsigii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay sida rasmiga ah u aqoonsatay Dawladgoboleedka Waqooyibari 2025kii, arrintu waxay gashay marxalad cusub. Muqdisho ayaa si cad u muujisay in degaannada Waqooyibari ay yihiin qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo meesha ka saartay rejadii ahayd in SSC dib loogu celin karo maamulka Soomaalilaan si fudud. Waxa uuna aqoonsigaasi maamulka cusub siiyay sharciyad siyaasadeed iyo mid dastuurba.
Natiijada ka dhalatay dhismaha Waqooyibari waxay noqotay mid wiiqday doonistii goosata iyo qorshihii gooni-isu-taagga:
1. Soomaalilaan oo lumisay magaalada ugu muhiimsan ee ay ku lahayd degaannada SSC.
2. Dooddii ahayd in ay maamusho dhammaan xuduudihii “British Somaliland” oo daciiftay.
3. Waxaa soo ifbaxay bulsho reer waqooyi ah oo si cad u isaga diiday ka qeyb ahaanshaha doodaha goonigoosadka, muujiyayna doonistooda midnimo.
4. Dawladda Federaalka ah oo heshay saamayn hor leh oo ay ku yeelatay waqooyiga dalka.
5. Mashruuca federaalaynta Soomaaliya oo si weyn ugu fiday guud ahaan dalka.
6. Rejadii aqoonsiga caalamiga ah ee Soomaalilaan oo wajahday caqabad cusub, maadaama aysan hadda gacanta ku wada hayn dhulkii ay sheeganaysay.
Dhismaha Dawladgoboleedka Waqooyibari ayaa noqday guul iyo libin beddeshay jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaasna waxay shidaalisay codadkii midnimadoonka ee u geylamayay is-ahaanshaha ummadda Soomaaliyeed. Dhismaha maamulkan ayaa, sidoo kale, wiiqay qorshihii gooni-isu-taagga Soomaalilaan, maadaama uu meesha ka saaray sheegashadii ahayd in dhammaan shacabka waqooyigu ay taageersan yihiin maamulka Hargeysa. Sidoo kale, Waqooyibari wuxuu noqday tusaale muujinaya in nidaamka federaalka Soomaaliya uu weli leeyahay awood uu ku soo jiidan karo gobollada doonaya midnimada ummadda Soomaaliyeed, sida Waqooyibari iyo Awdal.
From the comments