Istiifan A. Kuug dhowaan qormadii uu cinwaanka uga dhigay, ‘Sabab uu Marakaynku u Aqoonsado Somalillaan’, waxa uu ku dooday qodobbada ugu mudan ee loo aqoonsayo in ay tahay arrin cuskan Juquraafisiyaasadeed. Taasina waxay door ka qaadanaysaa, “kahortagga Ilaalada Kacaanka Iiraan, iyo Xuutiyiinta, sidoo kale waxay xoojinaysaa madaxbannaanida gaadiidka badda, (isla markaasna dhanka Hormus, Badda Cas iyo Gacanka Suweys).” Qodobba badan oo togan ayuu qoraalkiisa ku xusay, sidaas oo ay tahayba weli dhibaatooyin waa ay ka jiraan Soomaallillaan. Hubaashii wuxuu ka walaacsanaa, “inay qabiillada qaarkood ka biyadiidsan yihiin dawladda, gaar ahaan Bariga, iyaga oo Hargeysa, caasimadda Soomaalillaan ka doorbida inay xidhiidh la yeeshaan Muqdisho. Taasina waxay saadaal u noqon kartaa colaado qabiil oo lagu hoobto. Waa arrin walaaceeda leh. Haddaba, warka bishaarada ahi, waa in Madaxweynaha Soomaalillaan ee Cirro sheegay in uu ‘wadahadal nabadeed’ ku dabbaali doono.”
Tani gebi ahaanba waa fahandarro, ama si kas ah ayuu isu diidsiinayaa xaqiiqooyinkaas qallafsan ee hortiisa yaalla. Diidmada ay qabiillada Barigu ka qabaan Soomaalillaan waa mid soojireen ah oo muddo soo taxnayd. Soomaalillaanna weligeed si dhab ah gacanta uma ay wada dhigin soohdimaha Bariga, marka laga reebo muddadii 2007 ilaa 2022 oo ay Laascaanood joogtay. Kacdoon hubaysan ayaa ku kacay horraantii 2009, xoogagga qabiillada Bariga ayaana 2023 soo jebiyay ciidanka Soomaalillaan. Tan iyo markaasna waxaa halkaas laga aasaasay maamulgoboleed ay Muqdisho aqoonsatay oo xaruntiisu tahay Laascaanood. Ogos, 2026, waxaa booqasho ku yimid Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, arrimihii imaatinkiisu daarnaana waxaa ku jiray sidii halkaas looga dhisi lahaa saldhig uu leeyahay Ciidanka Xoogga Dalku. Middaasi waxay tusinaysaa cadaadisyada dibedda ee baritaaraya aqoonsiga Soomaalillaan in ay dhab ahaantii keenayn oo qudha loollan qabiil, balse ay colaad guud hurin karaan. Taasina waa mid ka gudaballaadhan ‘wadahadallo nabadeed’, iyada oo ay sharciyadda maamulka Cirro ku eg tahay Oog oo ah magaalo ay deggen yihiin qabiilka Isaaq, oo 85 KM Laascaanood galbeed ka xigta. Si guud, Isaaqu waxay taageersan yihiin Goosashada Soomaalillaan, balse qolyaha Dhulbahante iyo Warsangeli midnimada Soomaaliya ayay ayidsan yihiin.
Istiifan A. Kuug oo hadalkiisa sii wata: “haddii aan xitaa taas ku talagalno (murannada ka aloosan Bariga Soomalillaan), misana Soomaalillaan waa ay ka geddisan tahay Soomaaliya laf ahaanteeda oo iyadu tobannaan sano hoy u ahayd argagixisada, budhcadbadeedda, iyo kooxaha xagjirka ah ee Geeska Afrika.” Haddaba, waxad is weydiisaa, maxay Soomaaliya sidaas oo dhan ugu liidataa? Waxaad dhugataa faragelintii uu Maraykanku Soomaaliya ku hayay, laga soo bilaabo,ololihii ‘Rejo Soocelinta’ ee 1992 oo la fashiliyay 1994; waxa soo galay Itoobiyaanka Diiseember, 2006 oo gulufkooda la huwiyay ladagaallanka argagixisada, Maraykankuna si xooggan ayuu u taageeray. Faragelintaasi waxay sii shiidaalisay suuqii colaadda ee Soomaaliya. Qayb ka mid ah qabqablayaashii ayaa loo dallacsiiyey ‘Saamiley’ (iyo mushaxarrixiin u taagan jagada Madaxweyne), kuwa kalana waxa lagu tilmaamay sharwadayaal. Markii ay isku dayeen ciidammada Marakaynku inay soo xiraan Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, waddooyinka Muqdisho ayaa lagu weeraray. Dhacdadii ‘Black Hawk Down’ waxay ku soo dhammaatay in 18 askari oo Maraykan ah oo la dilo, qaarkoodna dhaawacooda la jarjaro oo carrada la jiidjiido, waxayna muddo soo afjartay hawlgallada Maraykanka ee dibedda. Sidaas darteed, Washington waxay u geddisatay fargelin dadbadan, iyada oo maalgelisay qabqablayaasha, dhiirreglisayna gaboodfalladii ay Itoobiya ka geysatay Soomaaliya. Gaar ahaan kadib weerarradiu 9/11, Soomaaliya waxay ahayd, (iyada oo ay jirto warbixinno sirdoon oo Maraykan ah oo sheegaya inay taasi ahayd xogo la marinhabaabiyay) meel loo tixgeliyo inay ku kobcaan Argagixidasa Islaamdoonka ahi.
Washington waxay taageertay faragelintii qaawanayd ee Itoobiyaanka ee soo bilaabatay Diiseembar 2006, oo Muqdisho iyo deegaannada u dhaw ku laysay kumannaan qof oo dad shacab ahi ku jiraan; xasuuqaasina waxa uu sabab u noqday in Soomaalida Geeska oo dhani, Somaalillaanna ka mid tahay, u aragto inay Alshabaab u taagan tahay difaaca umadda Soomaaliyeed. Ilaa iyo dhammaadkii 2006, Alshabaab waxay haysatey wax ka yar boqollaal askari oo heegan ah. Badhtamihii 2007, tiradii waxaa ku kordhey kumannaan, halka ay dhallinyaro badan Hargeysa iyo meelo kale oo Soomaalillaan ah uga yimaaddeen in ay si iskood ah u Muqdisha uga difaacaan Itoobiyaanka (sidoo kale Yugaandhiiska iyo Burundigii soo galay kadib Feebarweri 2007, iyaga oo qayb ka ahaa Hawgalka Ururka Afrika, muddo kale ayay dhibaatada ku sii ragaadiyeen). Ladagaallanka argagixsadu waxa uu Soomaaliya ku ragaadiyay argagixisanimada, waxayna gacan ka geysatay inay Alshabaab kobocdo. Lifaaqan ka eeg doodda oo faahfaahsan.
Haddaba si kooban, waxaad isbarbardhigtaa wixii ka dhashay faragelintii faraha badnayd ee Soomaaliya, iyo natiijada ay yeelatay faragelin-la’aantii Ruwaanda markii uu gumaadku ka dhacay bartamihii 1994. Qaramada Midoobay iyo Marakaynku si ulakac ah ayay indhaha uga qarsadeen, waxayna diideen inay si cad u sheegaan waxa halkaa ka socda, iyada oo laba ogaa waxa jira, taas oo ahayd in gumaad ka socdo, isla markaaana hore loo saadaalin karayay inay dhici karto. Waxay ahayd dhacdo uurkutaallo leh oo galaafatay 800,000 oo qof, haddii aysanba ka badnayn. Hayeeshee, dhacdadaa kadib, waxaa la dhihi karaa farogelin la’aantu waxay u suurtagelisay Jabhadda Waddaniga Ruwaanda, ciidanka Bool Kigaame, inay gumaadka joojiyaan oo yagleelaan Ruwaanda cusub oo xasilloon. Haa, waxay u badan tahay in Jabhadda Waddaniga Ruwaanda lafteeduba laysay boqollaal qof oo fiigo ah oo Huutsi ah. Sidoo kale Ruwaanda waxay noqotay talis macangag ah oo xuquuqda aadanuhu baylah ku dhex tahay; gaar ahaan xubnaha mucaaradka ah. Waxaana la mid ah Yugaandha, Itoobiya, ama xitaa Israa’iil. Kuwan danbe waa saaxiibbo ay Washington ku kalsoonsan tahay. Runta aan sheegno; xuquuqda aadamuhu mudnaan ma laha marka ay timaaddo dan siyaasadeed.
Casharku wuxuu ku urursan yahay: faragelintii Soomaaliya waxay horseedday colaado iyo xasillooni la’aaan. Balse in laga maagay faragelintii Ruwaanda oo xilligaa gumaad ka socday, marka dib loo milicsadaba waxay tusinaysaa inay taasi door weyn ku lahayd, colaado lagu riiqmay dabadeed inay Ruwaanda noqotay dal xasilloon oo taabbagal ah. Sida uu qabo Istiifan A. Kuug ee ah inay Soomaaliya tahay “isha argagixsada, budhcadbadeedda, iyo xagjirka,” waa hadal qummanayn, waxayna marinhabaabinaysaa doodda, sida uu qabo Roonal Maarjan, ugu danbaynna waxay tilmaan u tahay dood huwan hullaab gumayste, iyada oo Soomaalida loo dhigayo inay ‘awoodi la’ yihiin’ inay dawlad samaystaan. Tan iyo 1991, qalalaasaha Soomaaliya ka taagan (iyo xitaa siddeetamaadkiii, Dagaalkii Qaboobaa dhexdiisa), waxa Soomaaliya ka aloosan, waxa kaalin weyn ka geystay Maraykanka iyo xulufadiisa Geeska Afrika.
Haddaba, aan dib ugu laabanno Soomaalillaan: faragelin kasta oo lagu aqoonsanayo Soomalillaan si ka soohorjeedda doonista Soomaaliya iyo Soomaalida badan ee gobolka (kuna jiraan qabiillada Bariga Soomalilaan, kuwaas oo maanta ah Waqooyibari Soomaaliya) waxay u badantahay inay qaaraan ku darsan doonto xasilloonidarrada ay abuurtay faragelintii shisheeye; waxaana laga yaabaa inay dagaal ka huriso jasiirad-la-moodda dhulweynaha Soomaaliyeed.
WQ: Markus V. Hoehne
Turjumiddii: Cabdifataax Faanto
From the comments