Goobjoog

Aragti

Isaseegga Saaxiibbada Siyaasadeed ee Dalka Senegal

Isaseegga Saaxiibbada Siyaasadeed ee Dalka Senegal

Magaalamadaxda Senegal ee Dakar waxay martigalisay maalmihii ina weedaartay gilgil siyaasadeed oo aad u weyn. Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa kala diray xukuumaddii dalkaas ee uu hoggaaminayay saaxiibkiisii  ama macallinkiisii Siyaasadda Mr. Osman Sonko. Xilka ka qaadista ra’iisul wasaaraha dalka ee Sonko, waxaa sababay khilaaf soo jiitamayay oo la kowsaday magacaabistii Mr. Sonko. Madaxweyne Faye waxuu xilka dalka Senegal qabtay bishii Maarso 2024 halka xilka loo dhaariyay 2dii Abriil 2024, saacado yar ka dib dhaarintiisa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay macallinkiisii Siyaasadda Mr. Sonko. Inta aanan galin xariirkii labada nin ka dhaxeeyay imaanshaha xukunka ka hore waa inaan milicsanaa sooyaalkii siyaasadeed ee dalka Senegal iyo hardanka saaxiibbada xukunka wada yimid iyo isu sabar la’aantooda. Waxaan milicsan doonaa saddex madaxweyne oo soo maray dalka Senegal iyo saaxiibbadood.

Madaxweyne Singuur iyo labo saaxiib oo ku xeernaa

Madaxweyne Leopold Sedar Senghor (Singuur), waxa uu ahaa madaxeynihii ugu horreeyay ee Senegal (1960-1980). Singuur waxa uu ahaa siyaasi xariir la leh Faransiiska, taas oo ka dhigtay nin heli kara kursiga ugu sarreeya ee dalka Senegal, balse waxaa ku timid caqabad weyn oo ku hor gudbanaatay imaanshaha xukunka, taas oo ah inuu ahaa nin Masiixi ah caqiido ahaan, halka dalka badidiisa uu yahay wadan ay ku noolyihiin dad muslimiin ah, kuna suntan la dagaallanka gumaystaha Faransiiska. Singuur wuxuu is tusay inuu helo taageero gudaha dadka muslimiinta ah, Waxay widaay siyaasadeed noqdeen Mamadou Dia (Maxamed Jaah) oo ah nin muslim ah, halgamaa ah, taageero fiicanna ka haysta shacabka Senegal.

Xiriirka ka dhexeeyay Singuur iyo Jaah wuxuu si rasmi ah u billowday intii dhexaysay 1945–1946, markaas oo Singuur ahaa siyaasi ka yimid Faransiiska oo uu booqasho olole doorasho ah ku tagay magaalada Fatick, halkaasna uu kula kulmay Jaah oo ahaa macallin dhalinyaro ah. Ujeedada kulankooda wuxuu ahaa in Singuur uu helo taageerada dadka muslimiinta ah iyo qabaa’ilka maxalliga ah ee uu Jaah saamaynta ku lahaa, halka Jaah uu u arkayay Singuur waddo loo maro xorriyadda, maadaama uu xiriir adag la lahaa Faransiiska; isbaheysigaas danaha isbuuxinaya ku dhisnaa wuxuu horseeday inay sannadkii 1948kii aasaasaan xisbigii noqday matoorkii xorriyadda Senegal u horseeday ee Senegalese Democratic Bloc (SDB). Singuur iyo Jaah waxay lahaayeen laba dan oo isa suran mana ay kala maarmi karin, sidaas ayayna ku billaabatay saaxiibtinimada siyaasadeed.

Labadoodaba waxay u wada shaqeeyeen si wada jir ah illaa wadanka helay xorriyad 1960. Xorriyaddii ka dib waxay qeybsadeen xukunka dalka Senegal. Singuur wuxuu noqday Madaxweyne ka shaqeeya madaxbanaanida, agaasima xariirka dibadda, sidoo kale kor joogteeya dawladda, halka Ra’iisul wasaare Jaah uu noqday nin mas’uul ka ah maamulka iyo fulinta. Haddaba maxaa dhacay?

Waxaa yimid kala aragti duwanaan halka uu u jihaysanayo wadanka. Singuur wuxuu qabay in xariirkii faransiiska la sii wado halka Mr. Jaah qabay in xariirka Faransiiska la dhimo lana qaato siyaasad wadani, isagoo adeegsaday awooddiisii. Sannadkii 1963kii, waxaa dhacay dhacdooyin dahsoon oo aan ilaa iyo hadda si buuxda loo iftiimin. Madaxweyne Singuur ayaa ku dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha uu isku dayay afgembi. Waxaa la xiray jaah, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo sidoo kale la xukumay wasiirro iyo taageerayaal badan oo isaga la jiray. Maxkamadeynta ka dib, Singuur wuxuu gabi ahaanba baabi’iyay booskii ra’iisul wasaaraha muddo ka badan toban sano, isaga oo keligii maamulayay arrimaha dalka oo dhan.

Saaxiibka labaad ee Singuur waxa uu noqday Abdou Diouf (Duyuuf). Waxa uu ahaa arday si buuxda u adeeca Madaxweyne Singuur, sida uu Xamse Cabdi Barre u adeeco Madaxweyne Xasan Sheekh. Duyuuf waxa uu cashar ka bartay ra’iisul wasaarihii ka horreeyay, isagoo u sacbinayay xataa markii uu xilka ka degay. Arrrintan waxay ku xusan tahay xasuusqorka Duyuuf oo ammaan badan kala dul dhacay Singuur nolol iyo geeriba.

Madaxweyne Duyuuf iyo Saaxiibkii Xabiib Tashaam

1981 Madaxweyne Singuur ayaa iscasilay isagoo xilkii ku wareejiyay ardaygiisii mudiica ahaa Mr. Duyuuf. Sababta ka danbaysay is casilaadda Singuur, waxay ahayd mid tabarruc ah oo uu rabay inuu fursad siiyo jiilka cusub ee siyaasiyiinta iyo kala guur siyaasadeed oo nabdoon. Duyuuf markii xilka la wareegay wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay saaxiibkiis Habib Thiam (Tashaam). Labada nin waxaa ka dhexaysay saaxiibtinimo ka billaabatay iskuulka, u gudubtay Jaamacadda illaa ay gaartay in midba kan kale gurigiisa u ku noolaado, ka dibna loogu yeero labadii mataane marka la yaab ma leh in Duyuuf u magacaabo saaxiibkiis Tashaam ra’iisulwasaaraha dalka, balse xiriirkii ka dhexeeyay ayaa muddo ka dib xumaaday, taasi oo ku qasabtay Duyuuf inuu xilka ka qaado saaxiibkiis, islamarkaana uu baabi’iyo booska ra’iisulwasaaraha muddo sanado ah. Ka dib wuxuu, mar kale, dib ugu soo celiyay xilka ra’iisul wasaarenimo illaa sannadkii 1998kii, markaas oo uu xiriirku mar kale xumaaday, Tashaamna uu ka baxay dawladda iyo guud ahaan nolosha siyaasadda, in kasta oo uu haddana saaxiib la sii ahaa Madaxweyne Duyuuf.

Madaxweyne Cabdullaahi Waadi iyo saaxiibbadiisii Siyaasadeed

Labadaas koox ee aan kor ku soo xusnay waxay ahaayeen rag isku da’ ah oo saaxiibtimadooda ku billaabatay xariir siyaasadeed ama mid waxbarasho, balse Madaxweyne Abdoulaye Wade (Waadi), wuxuu ahaa hoggaamiye ka da’weyn saaxiibbadaas, siyaasaddane wuxuu soo joogay xilligii gumaysiga, la soo tartamay Singuur iyo Duyuuf. Arrintaas waxay ka dhigtay inay dugsi-siyaasadeedkiisa ka aflaxaan rag dhowr ah oo ay kamid yihiin Macky Sall, Idrissa Seck, Souleymane Ndéné Ndiaye, Babacar Diop iyo kuwo kale.

Dhalinyaradan waxay noqdeen lafdhabarta dawladdiisa; wuxuu u magacaabay wasiirro iyo ra’iisul wasaarayaal. Laakiin, wuxuu si degdeg ah u khilaafay markii ay bulshada dhexdeeda sumcad ku yeesheen oo ay u xuub siibteen tartamayaal isaga ka horjeeda. Sidaas darteed, kama xishoon inuu midba midka kale ku garaaco, xilka ka qaado, ama xataa xabsiga u taxaabo, sidii uu ku sameeyay ardaygiisii iyo ra’iisul wasaarihiisii Idrissa Seck. Tani waxay ku qasabtay dhalinyaradii inay xisbiga ka baxaan, kuna biiraan xisbiyo kale ama ay samaystaan xisbiyo cusub.

Madaxweyne Waadi, waxay arrintaasi kaga khasaartay qiimo aad u sarreeya markii la gaaray doorashadii sannadkii 2012kii, taas oo keentay in ardaydii ku kacaan macallinkoodii Waadi, waxayna u midoobeen taageerada Macky Sall oo iyaga kamid ahaa. Waxay u gaysteen guuldaro xanuun badan oo gabi ahaanba ka saartay masraxa siyaasadda dalka Senegal.

Madaxwayne Faye iyo Sonko

Markaan milicsanno taariikhda Senegal laga soo billaabo 2012 illaa 2024, dalku wuxuu ku jiray xukunkii isbahaysiga Benno Bokk Yaakaar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Macky Sall oo isna xukunka ka qaatay macallinkiisii Siyaasadda sida aan kor ku xusnay, kaas oo guulo ka gaaray dhanka kaabayaasha dhaqaalaha, balse la kulmay dhaleecayn xooggan oo la xiriirta cadaadiska mucaaradka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo isku-daygii dib u dhigista doorashada. Duruufahaas adag ee bulshada dhexdeeda ka guuxayay waxay dhasheen kacdoon shacab oo uu hor kacayay Osman Sonko iyo xisbigiisa (PASTEF) sannadkii 2014. Markii Sonko laga reebay tartanka madaxtinimada 2024 sababo la xariira garsoorka oo sheegay inay ku heleen dambi culus oo ka reebaya doorashada, caradii dadweynaha ee ka dhalatay dulmiga garsoorka iyo taageeradii dhalinyarada isbeddel doonka ah, waxa uu Sonko u weeciyay  inay taageeraan Faye oo ahaa saaxiibkiisii ugu dhawaa, isaga oo dadka u sheegay inuu yahay midka sii wadi doono mashruucooda siyaasadeed. Bishii Maarso 2024 ayuu xukunka helay Faye, taasi oo soo afjartay maamulkii mudada dheer jiray.

Markii xukunka la yimid sidaan horay u soo xusnay, waxa uu Faye magacaabay macallinkiisa Mr. Sonko. Waxaa xukunka  ku kulmay laba shakhsiyadood oo kala duwan.

Sonko waa nin kacdoon, jacel in khaladaadka la muujiyo, halka Faye uu yahay nin deggan oo pragmatic ah. Waxaa kale oo kulmay nin sharciyaddii dastuurka haysta iyo nin shacbiyaddii dadka haysta.  Isbahaysigooda siyaasasadeed wuxuu ku dhisnaa qorshe waddaniyad ah oo diiradda saaraya la dagaallanka musuqmaasuqa, dib u habaynta garsoorka, iyo madaxbannaanida dhaqaalaha, iyagoo ballanqaaday inay dib-u-eegis ku samayn doonaan heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah iyo isticmaalka lacagta CFA-da.

Gunta khilaafka waxa uu noqday habkii ballanqaadyadii xisbiga loo fulin lahaa, iyada oo ra’iisul wasaare Sonko uu rabay in si qayaxan loo wajaho dawladaha galbeed ee ay xariirka la leeyihiin, sidii uu sameeyay Ibrahim Traoré, halka Madaxweyne faye uu rabay in Pragmatic iyo diblamaasiyad la isticmaalo. Faye wuxuu doonayay heshiis cusub oo lala galo IMF, si dhaqaalaha loo badbaadiyo, halka Sonko uu ku adkaysanayay in Senegal xal gudaha ah raadiso oo aysan ku tiirsanaan hay’adaha reer galbeedka, taas oo ugu dambayn sababtay labadii nin ee saaxiibtinimadoodii ka billaabatay waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Senegal ay kala dhintaan. Ugu dambayn, 22 May 2026 ayuu Madaxwayne Faye xilkii ra’iisulwasaaranimadii ka qaaday macallinkiisii siyaasadda ee Sonko.

Reer Senegal masraxa siyaasadeed ee dalkooda waa ay ku yaqaaneen macallin eryay ardaygiisa, waxaa se afkala-qaad iyo arrin ugub ah ku noqotay arday eryay macallinkiisa. Goblan talo aduunyooy! Caqabadda ugu weyn ee dalka Senegal wajahayo waa inuu kala jabay xisbigii talada hayay, madaama Sonko yahay nin shacbiyad ballaaran haysto, sidoo kalena, xisbigane taageera xooggan ku haysto, halka khlaafyadii aan horay u soo xusnay aysan sababi jirin kala jab xisbiga xukunka haya ah.

Saddex maalmood ka dib, xil-ka-qaadistii Sonko, waxaa xilkii guddoomiyaha baarlamaanka iska casilay, El Malick Ndiaye, ka dibna xisbiga Pastef ayaa si aqlabiyad leh 22 May 2026 ugu doortay Sonko inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Senegal. Tani waxay ahayd farriin siyaasadeed oo culus oo loo diray ardaygii Faye ee isku taagay macallinkiisii Sonko. Faye ayaa u muuqday marka uu Sonko xilka ka qaadayay inuu aaminsanaa in awoodda madaxtooyadu ku filan tahay inuu xaaladda xakamayn karo. Balse waxaa ka hoos baxday awoodda xisbiga ku leeyahay Sonko iyo inay haystaan aqlabiyadda baarlamaanka. Si kastaba, loollanka dhabta ah hadda ayuu billowday, waxaana la eegi doonaa Sonko sida uu baarlamaanka u adeegsado, taas oo ah, inuu baalasha uga rifo ardaygii ku caasiyay ee Faye iyo inuu ugu caqli celindoono. Dhanka Faye, isagana waa la eegidoonaa tallaabada uu qaadi doono.

Haddaba, waxaa jirta su’aal markiiba maskaxda ku soo daadegayso, marka laga tago loollanka Faye iyo Sonko, taas oo ah: ma waddo ay Singuur iyo Jaah ay fureen baa isaseegga saaxiibbada mise waa wixii ka dhici jiray masraxa siyaasadda?

Marka sooyaalka dheer ee wadanka Senegal la eego waxaa soo baxaya inay tahay wado ay fureen labadaan nin ee ahaa awooddii ugu horraysay ee wax xukuntay xorriyaddii ka dib, waxaana siyaasadda Senegal caadi ka noqotay isaseegga saaxiibbada iyo is minjo xaabintii lagu yaqaanay siyaasadda ee uu ka sheekeyay Faylasuuf Machiavelli.

Aragtida Awoodda iyo Siyaasadda ee Niccolo Machiavelli

Niccolo Machiavelli  (1469-1527) waxa uu ahaa filasoof ka soo jeedo dalka talyaaniga, reer galbeedkana waxay ugu naanayseen sheydaanka siyaasadda. Buuggiisa The Prince ayuu 1513 qoray, kaas oo noqday dugsi laga aflaxo, lagana barto habka ay u shaqayso siyaasadda. Si loo fahmo sababta ay saaxiibbada siyaasadda ee Senegal mar walba ugu dambayntii isu seegaan, waxaynu dib u jalleecaynaa falsafaddii Niccolo Machiavelli ee ku xusnayd buuggiisa caanka ah ee The Prince. Machiavelli wuxuu rumaysnaa in awoodda iyo saaxiibtinimada dhabta ahi aysan marnaba meel wada gali karin.

Machiavelli wuxuu sheegay in saaxiibtinimada siyaasadeed ay ku dhalato baahi maalin leh iyo dano guud oo la wada leeyahay, sida sidii xukunka loo qabsan lahaa. Laakiin, marka hadafkii la gaaro oo xukunka la yimaado, dantii way is beddeshaa, baahiduna way dhammaataa.

Suuragalna ma ahan labo qoodh inay ku wada noolaadaan hal xero: Marka awoodda loo qeybiyo nin shacbiyad haysta (Sonko) iyo nin sharciyad haysta (Faye), Machiavelli wuxuu qabaa in hoggaamiyaha rasmiga ah (Faye) uu dareemayo in sumcadda iyo awoodda saaxiibkiis ay khatar ku yihiin jiritaankiisa siyaasadeed. Sidaas darteed, xeerka koobaad ee badbaadada maamulku wuxuu noqonayaa in laga takhaluso qof kasta oo loollan dhab ah ku keeni kara awoodda madaxtooyada, xataa haddii uu yahay saaxiibkii shalay ama macallinkii baray siyaasadda.

Kooxda iyo saaxiibbada Senegal waxay tusaale noogu yihiin casharkii uu shan qarni ka hor uu qoray Machiavelli ee ahaa: “Siyaasaddu saaxiib joogto ah ma laha, ee waxay leedahay dano joogto ah.”


WQ: Garyaqaan Jaamac Cabdiqaadir
Qore ka faallooda arrimaha bulshada & siyaasadda

Get Goobjoog updates

From the comments