Goobjoog

Aragti

Hirshabeelle: Himilo, Hoggaan iyo Horumar — Fursadda Cusub ee Madaxweyne Cali Guudlaawe

Hirshabeelle: Himilo, Hoggaan iyo Horumar — Fursadda Cusub ee Madaxweyne Cali Guudlaawe

Soomaaliya waxay muddo dheer ku jirtay geeddisocod adag oo dib loogu dhisayo nidaamka dawladnimada. Weydiintu keliya ma ahayn sida loo dhiso hay’ado dawladeed, balse sidoo kale sida loo abuuri karo nidaam siyaasadeed oo bulshada Soomaaliyeed iyo degaannadeeda si dhab ah la isugu soo dhoweyn karo. Hirgelinta nidaamka federaalku waxay ahayd mid ka mid ah tallaabooyinkii muhiimka ahaa ee dibudhiska dawladnimada, hasayeeshee weli waxaa taagan dood ku saabsan in nidaamka federaalku si buuxda ugu habboon yahay xaaladda Soomaaliya.

Hayeeshee, waaya-aragnimada dawladgoboleedyada la dhisay waxay muujisay in dawladdhisiddu aysan ku ekaan karin samaynta maamul, baarlamaan iyo madaxweyne. Waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed, awoodqaybsi dheellitiran, kalsooni bulsho, hay’ado shaqeeya iyo hannaan ay dadka degaannadu ku dareemaan in dawladnimadu tahay mid ay wada leeyihiin. Hirshabeelle waxay ka mid tahay dawladgoboleedyada si gaar ah u muujinaya caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geeddisocodkaas.

Hirshabeelle waxaa la aasaasay sannadkii 2016, iyadoo la isku daray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, xilli Soomaaliya ay ku jirtay marxalad siyaasadeed oo kalaguur ah, loona baahnaa dhammaystirka geeddisocodka federaalka. Dhismaha maamulka cusub wuxuu ahaa tallaabo ka mid ah dhammaystirka nidaamka federaalaynta Soomaaliya. Hasayeeshee, bilowgii dhismaha maamulka waxaa hareeyay doodo iyo tabashooyin la xiriiray habka loo dhisay, awoodqaybsiga, matalaadda iyo sida labada gobol loogu wada abuuri lahaa dheelitirnaan siyaasadeed.


Markii la dhisay Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay madaxweyne, halka Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) loo doortay madaxweyne-ku-xigeen. Doorashadii 17kii Oktoobar 2016 waxay ahayd tallaabo taariikhi ah, waxaase jiray diidmo toos ah oo ka imanaysay magaalada Beledweyne. Muddo kooban kaddib, waxaa soo baxay khilaaf siyaasadeed oo culus. 14kii Agoosto 2017, Madaxweyne Cosoble waxaa laga gudbiyey mooshin xil-ka-qaadis ah, waxaana 16kii Sebtembar 2017 madaxweyne loogu doortay Maxamed Cabdi Waare, kaas oo helay 75 cod.

Waare wuxuu xilka qabtay xilli Hirshabeelle ay la tacaalaysay khilaaf siyaasadeed, caqabado amni iyo musiibooyin dabiici ah. Intii uu hoggaaminayay maamulka, waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay dhismaha hay’adaha dawladda Hirshabeelle, arrimaha amniga, dhismaha ciidanka Daraawiishta iyo doodihii ku saabsanaa dawladdhiska federaalka Soomaaliya, gaar ahaan shirarkii ka dhacay Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Ugu danbayntii, 3dii Nofeenbar 2020 ayuu xilka ka tagay, waxaana Hirshabeelle mar kale gashay marxalad siyaasadeed oo cusub.


Cosoble iyo Waare, oo labaduba ka soo jeeda Beledweyne, midkoodna ma helin taageerada beeshiisa; mar kasta Beledweyne laguma qanacsanayn habkii loo maray dhismaha Hirshabeelle.

Sannadkii 2020, markii la galay dhismihii labaad ee Hirshabeelle, waxaa mar kale soo baxay weydiimo ku saabsan hoggaanka iyo awoodqaybsiga. Xilligaas, Cali-Guudlaawe, oo hore u ahaa madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle, ayaa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle. Doorashadiisu waxay ku soo beegantay xilli Soomaaliya oo dhan ay ku jirtay marxalad siyaasadeed oo adag, iyadoo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladgoboleedyadu ay ku jireen doodo la xiriiray doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.

Doorashadii Guudlaawe kaddib, waxaa korortay xiisadda Hiiraan ee la xiriirtay diidmada Hirshabeelle. Waxaa bilaabmay kacdoon xooggan oo gudaha Beledweyne ah, waxaana ka dhashay kacdoon siyaasadeed oo ku dhisnaa Hiiraan State, kaas oo uu hoggaaminayey Jeneraal Xuud, iyadoo arrintaas gudaha Beledweyne lagu kala qaybsamay. Arrintani waxay muujisay in tabashooyinka ku saabsan matalaadda, awoodqaybsiga iyo hannaanka siyaasadeed ee Hirshabeelle aysan ahayn kuwo ku eg doorashooyinka oo keliya, balse ay leeyihiin xididdo siyaasadeed oo qoto dheer.

Tan iyo dhismihii maamulka, waxaa jiray habraac siyaasadeed oo aan rasmi ahayn, “Gentlemen’s Agreement”, kaas oo ku salaysnaa in madaxweynuhu ka yimaado Hiiraan (Xawaadle), Madaxweyne-ku-xigeenkuna ka yimaado Shabeellaha Dhexe (Abgaal), halka guddoomiyaha baarlamaankuna ka yimaado Hiiraan (Gaaljecel).

Hasayeeshee, maadaama heshiiskaasi uusan ahayn hannaan rasmi ah oo dastuurka Hirshabeelle lagu qeexay, wuxuu mar walba ahaa mid u nugul dood, fasiraad iyo khilaaf siyaasadeed. Arrintaas ayaa qayb ka noqotay sababihii ay tabashooyinka siyaasadeed u sii jireen. Waxaa jiray dareen ah in awoodqaybsiga iyo matalaadda aan weli si buuxda loogu heshiin; taasina waxay saamayn ku yeelatay xiriirka labada gobol iyo sida ay bulshada qaarkeed u aragto maamulka Hirshabeelle.

Marka laga yimaado taariikhda iyo caqabadihii siyaasadeed ee Hirshabeelle, waxaa muhiim ah in si gaar ah loo fahmo kaalinta iyo waaya-aragnimada Madaxweyne Cali Guudlaawe. Guudlaawe ma aha siyaasi ku cusub siyaasadda iyo maamulka degaannada maanta ka tirsan Hirshabeelle. In ka badan 20 sannadood ayuu xiriir iyo shaqo siyaasadeed ku lahaa degaannadan, taas oo siisay waaya-aragnimo iyo faham ku saabsan bulshada, degaanka iyo caqabadaha siyaasadeed ee labada gobol. Waaya-aragnimadaas dheer waxay sidoo kale ka dhigtay siyaasi si wanaagsan u fahmi kara iskuxirka siyaasadda degaanka iyo tan heer federaal.

Bishii Oktoobar 2016, markii la dhisay Hirshabeelle, Cali Guudlaawe waxaa loo doortay madaxweyne-ku-xigeenka dawladgoboleedka. Xilkaas wuxuu u noqday fursad uu si toos ah uga qaybqaato marxaladdii ugu horreysay ee dhismaha maamulka. Intii uu hayey xilka madaxweyne-ku-xigeenka, wuxuu kaalin ka qaatay dhismaha hay’adaha dawladda, xasilloonida labada gobol, xalinta khilaafaadka iyo dadaallada dibuheshiisiinta. Sidoo kale, muddadaas wuxuu kasbaday waaya-aragnimo ku saabsan sida loo maareeyo siyaasadda gudaha ee Hirshabeelle iyo xiriirka siyaasadeed ee kala duwan ee u dhexeeya dawladgoboleedka iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Markii Hirshabeelle gashay dhismihii labaad, Guudlaawe ayaa horraantii Nofeembar 2020 loo doortay madaxweynaha dawladgoboleedka, xilli Soomaaliya ay ku jirtay marxalad siyaasadeed oo adag, isla markaana dalku isu diyaarinayay doorashooyinkii federaalka. Xilligaas, khilaafaadka siyaasadeed ee heer federaal waxay ahaayeen kuwo xooggan, waxaana Guudlaawe door ka qaatay dadaalladii lagu xallinayey ismariwaagii siyaasadeed ee doorashooyinka federaalka. Dhanka kale, Hirshabeelle waxay xilligaas noqotay mid ka mid ah dawladgoboleedyadii laga soo doortay xildhibaanno badan oo mucaarad ahaa, iyadoo qaar badan oo ka mid ahi aysan taageersanayn doorashadii Guudlaawe. Tani waxay muujinaysay in hoggaankiisu ka bilaabmay marxalad siyaasadeed oo aan sahlanayn, una baahnayd isku dheellitirnaan u dhexaysa siyaasadda gudaha ee Hirshabeelle iyo tan heer federaal.

Dabcan, hoggaaminta dawladgoboleed habraaca dhismihiisa la isku diiddan yahay, oo ka jira dal ay bulshadiisu weli ka soo kabanayso colaado sokeeye, isla markaana ay jiraan tabashooyin siyaasadeed iyo kalsoonidarro bulsho, ma aha hawl fudud. Hoggaamiye keliya lagama filan karo inuu muddo kooban ku xalliyo dhammaan caqabadaha siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee soo jiray muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka waxaa lagu qiimeeyaa sida uu uga faa’iidaysto fursadaha jira, sida uu u dhiso hay’adaha iyo sida uu caqabadaha ugu beddelo fursado horumarineed.

Muddadii Cali-Guudlaawe uu xilalka ka hayey Hirshabeelle, laga soo bilaabo madaxweyne-ku-xigeen ilaa madaxweyne, waxaa jira waxyaabo la taaban karo oo lagu xusi karo. Waxaa si weyn loogu ammaanaa dhismaha xarumaha dawladda Hirshabeelle, oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah wasaaradaha iyo madaxtooyada Hirshabeelle, iyo waddooyin laga hirgeliyey Jowhar, Beledweyne iyo magaalooyin kale. Waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa siyaasi xasilloon oo qunyarsocod ah, waxaana lagu ammaanaa inuu door ka qaatay in Hirshabeelle ay xiriir wanaagsan la yeelato Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hasayeeshee, hoggaamiyuhu ma aha malaa’ig, Soomaaliduna waxay tiraahdaa: “Gaalka dil, gartana sii.” Sidaas darteed, marka laga soo tago waxqabadkiisa, waxaa jira fursado badan oo Hirshabeelle horyaallay oo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan; arrintaasna qayb ahaan waxaa sabab u ah farsamaxumo iyo daciifnimo ka jirta fulinta hay’adaha.
Sidaas awgeed, fursadda cusub ee Guudlaawe waa in aysan ku koobnaan waxa la dhisay oo keliya, balse ay noqotaa marxalad lagu xaqiijiyo in dhismayaashaas ay isu beddelaan hay’ado si dhab ah u shaqeeya, leh awood maamul, shaqaale tayo leh iyo nidaam isla-xisaabtan.

Madaxweyne Cali-Guudlaawe waxaa horyaalla dhowr arrimood oo mudnaan gaar ah leh, kuwaas oo go’aamin kara jihada siyaasadeed iyo mustaqbalka dawladdhiska Hirshabeelle. Marka koowaad, waxaa muhiim ah in xoogga la saaro dhismaha nabadda iyo wadajirka labada gobol. Hirshabeelle waxay u baahan tahay dibuheshiisiin dhab ah oo dhex marta Beledweyne iyo Jowhar, si loo xalliyo ismariwaaga muddada dheer ka taagnaa awoodqaybsiga iyo hoggaaminta maamulka. Dibuheshiisiintu waa in aysan noqon heshiis siyaasadeed oo kumeelgaar ah oo lagu gaaro duruuf gaar ah, ayse noqotaa hannaan lagu dhisayo kalsooni, is-aaminaad iyo aragti siyaasadeed oo labada dhinac si wadajir ah u leeyihiin. Haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo labada gobol si dhab ah ugu qanacsan yihiin, waxaa adkaan karta in Hirshabeelle yeelato xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Marka labaad, amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan waa arrin mudan in aan la iska indho tirin. Taariikhda Hirshabeelle waxay ina baraysaa in marxaladaha siyaasadeed ee xasaasiga ahi mararka qaarkood horseedi karaan isbeddello degdeg ah oo lagu sameeyo hoggaanka Hiiraan, taas oo dhalin karta xasilloonidarro siyaasadeed oo ka duwan kuwii hore. Sidaa darteed, Madaxweyne Guudlaawe waxaa looga baahan yahay inuu qaado tallaabooyin siyaasadeed iyo maamul oo xoojinaya amniga, xasilloonida iyo kalsoonida bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, xasilloonida siyaasadeed laguma gaari karo amni iyo hay’ado keliya haddii aan la helin dabacsanaan iyo soo dhowayn siyaasadeed. Siyaasadda Soomaaliya sannadihii danbe waxaa aad ugu soo badanayay “winner takes all”, oo ah in cidda guulaysata ay awoodda ku koobato kooxdeeda, halka dhinacyada kale aan fursad la siinin.

Madaxweyne Guudlaawe waxaa laga doonayaa inuu ka fogaado habkaas, isla markaana niyadwanaag iyo dabacsanaan siyaasadeed ku soo dhoweeyo dhammaan siyaasiyiinta iyo dhinacyada ka aragti duwan. Waa inuu albaabka u furaa kuwa dibedda ku maqan; ujeeddadu waa in la dhiso dawladgoboleed ka tarjumaysa Hirshabeelle oo dhan, halkii ay noqon lahayd maamul ay koox siyaasadeed oo keliya leedahay. Siyaasad loo dhan yahay waxay abuuri kartaa kalsooni, waxay yarayn kartaa iska-horimaadka siyaasadeed, waxayna suurtagelin kartaa in tartanka siyaasadeed uu isu beddelo wadashaqayn iyo dawladdhisid.

Ugu danbayn, fursadda cusub ee horyaalla Madaxweyne Cali-Guudlaawe waa in aan loo fahmin oo keliya fursad uu ku sii wadanayo hoggaanka Hirshabeelle, balse loo arko fursad uu ku dhisi karo heshiis siyaasadeed oo ka waara xilliyada doorashooyinka, ku xoojin karo wadajirka labada gobol, kuna abuuri karo maamul loo dhan yahay.

WQ: Mohamed Dahir Abukar

Cilmibaare iyo Qore

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments