Kolkii ay socdeen dabaylihii xorriyad doonka iyo raadinta midowga intii isku hayb ah ee ay u cadcadayd tii Carabta iyo middii Afrikaannimada ayuu Hadraawi ku abuurmayaa dareenka wadaniyadda iyo u dagaallanka xorriyadda. Horraantii lixdamaadkii durbaankii uu tumayay Jamaal Cabdinaasirkii Masar ee saameeyay Afrika iyo Carabta ayuu Hadraawi ku saamoobayaa, sida uum Alle ha u naxariistee, Maxamed Baashe Xaaji Xasan buuggiisa Hal Ka Haleel ee uu ka qoray Hadraawi ku tilmaamayo. Mar kale, waxa uu Baashe xusayaa in uu Hadraawi la dhacsanaa, sidoo kalana dareenwadaag la ahaa gobannima-u-dirirkii iyo dhaqdhaqaaqii uu Patrick Lumumba ka waday dalka Koongo, uuna aad uga murgay shirqoolkii lagu dilay halyeygaas.
Aragti
Hadraawi: Jiritaanka Falastiin

Xilligaas laga soo bilaabo waxa uu Maxamed Ibraahin Warsame oo “Hadraawi” ku magacdheer u taagnaa u hadalka gobannimada, xorriyadda, dulmidiidka iyo taageerada kuwa tamarta daran. Waa kan isaga oo ka damqanaya ficillada Dawladdii Kacaanka, oo dhibsanaya habdhaqankii silloonkii ee ay la soo shaacbaxeen, una hadlaya ummaddiisa ayuu tiriyay maansadiisii Dhahar. Kolka laga yimaado hogatusaalaynta iyo qaabka uu u sharraxayo Taliska, una tusayo bulshada in ay fahmaan tamartooda, waxaa ashqaraar leh baydadka uu ku tilmaamayo in abidkeed dunida ay jirtay dad, dawlad ama kooxo hunguriyeeya xaqa kuwo kale iyo kuwaa kale oo u doodaya ama ilaashanaya xaqooda ama u dagaalamaya, waxa uuna leeyahay isaga oo taas xusaya:
Inta qaran dhiskiisiyo
dhidibkiisu taagnaa
dheeraad nin dooniyo
nin ku dhega xaqiisoo
dhacsanaayey baa jirey.
Xilligii Xabbadi-keentayda, oo ah waqtigii ay Soomaalida Yemen u soo qaxeen dalka, ee uu Xamar galay illaa ay dawladdii kacaanku ka dhacaysay waxa uu Hadraawi u taagnaa ilaalinta xaqa ummadda iyo u hadlidda waxa ummadda ka dhexeeyay, hal abuurkiisa uu arrinkaa uga hadlayana waxa uu u maray dhibaatooyin dhawr ah oo ay u weynayd jeelkii Qansaxdheere ee uu ku xidhnaa muddo ku dhow shan sano. Isaga oo qawadsan dawladnimada jirta iyo culayska dadka haysta waa kan duurka u galay ee qeybta ka noqday jabhadihii waqtigaa jiray ee ay SNM ka mid ahayd. Kaddib burburkii dalkana kama uusan harin dawgiisii, halkii ayuu ka miisay xaqudirirniamda.
Qofnimadaas xariirta ah ee u dhalatay u hadalka ummadnimada kuma aysan koobnayn Soomaalida, waxa uu wax ka tilmaami jiray halgannada dunida oo ay muddo dheer u mudnayd tan Falastiin. Qofka Soomaaliga ahna ay ka hadalkiisu ku xidhayso waajib bini’aadannimo iyo mid Muslinnimo. Waxa uu Hadraawi tiriyay maanso uu ugu wanqalay Fiddo, sannadku markuu ahaa 1983dii, waqtigaas oo uu ka tirsanaa jabahadda SNM, duurkana ugu jiray in uu wax ka saxo wixii qaldamay 1969 ee ahayd in xukunka ummad uu ku ururo gacanta hal qof.
Hadraawi oo sharaxaya ereyga Fido ee uu maansadiisa magaca uga dhigay iyo ujeedka maansadan, waxa uu lee yahay, “Ereyga Fido, waxa weeyaan naf hurid, in nafta loo gooyo ujeeddo ka culus nafta. Waxa ay ku saabsan tahay Falastiin iyo maalmihii u kululaa ee laysku helay Bayruud, 1982kii, waqtiyadaa [oo loo gaaro] bilowgii 1983-kii oo xaalad adagi ka dhacayso Bayruud oo ay dadkii reer Lubnaan iyo qadiyaddii Falastiin ay is huwadeen, oo ay isku bahaysteen jilibdhigga dagaalkii Yuhuudda, [taas] ayay ka dhalatay [maansada Fido].” Abwaanka oo sii sharaxaya ayaa ku daraya, “… waxa ay caddaynaysaa, qaddiyadda ka dhacaysa Falastiin, tan Lubnaan, tan Soomaalida iyo tan Fiyednaam intuba ay isku xidhanyihiin, oo marka maalinta Falastiin hesho [gacan sarrayso] ay khasab tahay in aan inaguna garano in ay guul inoo tahay, maalinka guuldarro ku dhacdona aynu garano in guuldarrada aynu innagu aragno.” Hadraawi oo sii tibaaxaya in halganka Falastiin loo fahmo in aan Yuhuuddu iyaga oo kaliya u socon waxa uu hadalkiisa ku sii darayaa, “In Yuhuuddu ujeeddadeedu aanay ku koobnayn la dagaalanka Falastiin, ujeeddo ka ballaadhan oo cid walba ku hoos jirto, oo cid walba khusaysa ayaa dagaalku u dhacayaa.” Waxa uu hadalkiisaas abwaanku ku boorrinayaa in aan xaaladaha jira mid walba sidiisa u qiimayno, waxa ina khuseeyana aynaan gudeheenna iyo dalka gudihiisa oo kaliya uun aynaan ka raadin, wax badan oo ina khuseeya oo caalamka ka jira ayaa jira e, aynu halkaasna il ku eegno, waxa uuna ku tilmaamayaa, wax aynaan “ka bixi karin, ka aamusi karin, gacmaha ka laaban karin, qadiyaddeena ka mid ah.”
Waxa uu Hadraawi aaminsanaa in qaddiyadda Falastiin aanay ahayn qaddiyad iyaga uun ku kooban ee ay tahay qaddiyad ummadeed, mid Muslin iyo mid Soomaaliyeed. Waxa uu sheegayaa in Yuhuudda ay la dagaallamayaan qalbiga, iimaanka, iyo dadnimaduba.
Waxa uu Hadraawi maansadiisa ku xarraga-warinayaa sida halyeeyada reer Falastiin ee dabka iyo baaruudda u sida ay goobaha dagaalka ee fool-ka-foolka laysku arkay, wacdaraha uga dhigayaan oo ay guulaha uga keenayaan, waxa uuna si gaar ah markaas uga dabqaadanayaa dagaalladii xilliyadaa dhacay ee Bayruud ka mid ahayd.
Faaraxow halyeygii
Falastiin dabka u sidey
goobihii fas-loolkee
foolba foolka ka hor-yimi
ficilkuu ka geystiyo
faalladuu is daba dhigay
haddii noole faaqido
faahfaahin lagu daro
xaya calal falaax dhaha
Fatax iyo Idaajaa
fa’du qoran warkuna furan.
Waxa uu mar kale tibaaxayaa in raggaa Falastiin ee geerida u banbaxay ay tubtaa haynayaan inta Falastiin maqan tahay, dadkeeduna ay ku dareemayaan caburinta iyo gumaysiga. Isaga oo ku hadlaya afka halyeeyada Falastiinna waxa uu cod dheer ku leeyahay, nabadda fogaatay ee fadarowday rabitaankeeduba naguma jiro, waxa uuna sawirayaa sida ay diyaar ugu yihiin in ay la dagaalamaan cid walba oo cudud yeelata, waxa ay rabto ha ahaatee, ayna fido diyaar ugu yihiin oo ay nafta u hurayaan.
Falastiin raggeedii
geerida hab faxalnimo
nafta ugu fideyn jirey
Faqash waxay yidhaahdeen
inta Farow sakalan tahay
Falastiin henggelan tahay
dadka lihi fongoran yahay
belo wayska fududdahay
imminkaabay fidhatee
yaa fandhaal ba weli daray.
Kol hadday fogaatoo
faddarowdey nabaddii
annaguna nin fara-baxay
fasax baannu siinnee
Faataxaannu leenahay,
ninka cudud ku faaniyo
foolaad ha soo baxo
Fido waa naqaannaa.
Israa’iil aasaasankeedii illaa iyo hadda waxyaabaha ay caanka ku tahay ee gaal iyo Muslinba qiray waa ugaarsiga carruurta iyo haweenka, waxa ay doonistooda dhulboob ku lareen in ay beegsadaan maatada oo ay dilaan, dhaawacaan oo qaxiyaan. Hadraawi oo tilmaamaya fasaadkaas ayaa ereyadiisa ku xusaya, dhanka kalana waxa uu ku diganayaa jabka soo gaaray Israa’iil iyo sida ay geesiyaashu diyaarka ugu yihiin in ay ka guulaystaan, waxa uuna xusayaa sida ay ragga ragga ah marka ay is helaan u dib gurtaan, maatadana ay ugu qamaamaan.
Galaw fooridiisiyo
fiintu maysu yeedheen.
Geeshkii fasaadkiyo
furashada haweenkiyo
feenashada dhallaankiyo
dhiigga fuuqsigiisiyo
fantasaha ku caan baxay
fadh fadhiyo is-waalkii
iyo feejignaantii
dhulka loogu fidin jirey
ma fasakhay nin diiddani,
sixirkiyo falkoodii
falowgay yiqiinneen
tu ka daran ma lagu falay,
Ma fan-jeedshay Geeshkii
fule lagu cabsiin jirey,
dhabankii fayoobaa
shan farood ma lagu dhigay,
Cagajiidka fiindhaha
dib u faana-gurashada
goobihii fantaysnaa
ma ka faadhumaysteen.
Mar kale, waxa uu Hadraawi carabka ku dhufanayaa in dhibtii ku koobnayd Falastiin uu cadowgu wax ka curiyay, sida uu hore u xusay waxa uu soo bandhigayaa dareenkiisa ku aadan guusha ay waqtigaa Falastiin iyo cidda la jaalka ah ay ka gaadhay Yuhuudda. Waa dareen uu abwaanku cabbiray 1983, laakiin aad moodayso in ay la fil tahay xilli walba oo ay geeshka Falastiin gacan sarreeyaan. Inta aan xusuustoodu jirin 1983, waxa ay tusaale cad ka qaadan karaan maalinkii weynaa ee todobada Oktoobar ee 2023, oo ah xilligii ay xoogagga xaq u dirirka Xamaas weerareen Israa’iil. Isla tabtaas ayuu Hadraawina waqtigaa ugu maansoonayaa, waxa uuna saaxiibbadiisa uu ku soo halqabsado maansooyinkiisa u wereniyaa in la sinmay oo Talaabbiib ay ku dhacayso baaruuddu, dhibta muuqatana uu werwerka iyo walbahaarku u weheliyo. Boqorradii Carabta iyo dadkii dad u xigay Falastiin ayuu abwaanku xusayaa iyo sida ay xishoodka iyo foolxumada u dareemayaan, waxa uuna na deeqsiinayaa dayaca ay gaysteen iyo sida aanay ugu farxayn gobannimada geesiyada. Waa kan yidhi:
Wedku faata-faataha
Faad faatintiisii
hadduu meel ku foognaa
guryo sixin fatahayuu
ku ekeeyey foofkii
fakabkiyo baroortii
Falastiin ku koobnayd
wakhtigaa fogeeyoo
Faaraxow Talaabbiib
firka-naxa habeenkii
iyo labada fiid-cawl
fooladdeedu waa weer
meydku waa is-feedh yaal
Gaarriyow lafara badey.
Riigan faygarkiisii
falkintiyo shirqoolkii
falalkii iska hor yimi
wuxu ceeb ku foognaa
foolxumooyinkiisii
ma la yidhi ku fooldhaqo?
Boqorrada faxaaxsaday
faankii duleediyo
ma dhigeen isfagalixis?
Fahad iyo bahdiisii
Falastiin cidlada dhigay
Weji-dadab ma fiigeen?
Il-fashaqa ma dhuunteen?
Duubkii fatooshkiyo
Shaalkii ma laga furay?
Waa kan isaga oo sii xoojinaya. Waxa uu tilmaamayaa sida ay u dheceen wax aan la filanayn, ceebaha dhacay iyo qaabka baaruuddu u gaartay meel shishe:
Ma fadeexaddii baa
Iyadoon fur saarnayn
Fooruhu ku dhacayaa?
Ma fadeexaddii baa
fiddiggeeda haaddiyo
cayayaanku fadhayaa!
Xaajadu farraarriyo!
futo qaawan badannaa!
…
Fakasha gumeystuhu
Falastiin xilkeediyo
nabaddii fayoobeyd
waa kii ka faaqdee
arrintuu fogeeyee
sakalaha fardama sudhay
gartu fuli ma leedahay
dhegihii furaysnaa
baaruud ma lagu furay.
Hadraawi waxa uu maansadiisa ku waynaynayaa aragtidiisa aan dhiman ee ku aadan, in jiritaanka Falastiin lagu burburin karin wax walba oo yimaada, hub nooc walba oo loo adeegsadana aanay tirtiri karin, cid walba oo soo raacdana aanay joojin karin. Waxa uu jiritaankaa ku xoojinayaa in ay jiraan geesiyaal u fooggan in aan Falastiin baabi’in, iskuday walba oo dhacana iyagu guudka u ridanaya. Waa kan yidhi:
Jiritaanka Falasdiin
inaan xoog furfuri karin
Faantoomna ridi karin
Fiitoona tiri karin
geesigii ufeydnaa
ma ku qoray far waaweyn.
Ma wareegey feleggii
in la tago fagaaraha
fursan-waa ma laga dhigay!
Runtu maysku filan tahay
farta dhiigga lala galay
shaxda laysku fay go ‘ay
turubkii faska ahaa
Falastiin ma haysaa,
Gaarriyow fajicisada
ninkii foodda dheeraa
fatar kiil ma lagu yidhi!
Guul baa la filayee
fooraddii ma lala tegey
gobannimo ma faral baa.
Kolka uu adkeeyo jiritaanka Falastiin, waxa uu Hadraawi xusayaa sida ay reer Falastiin, fac-ka-fac, isugu dhiibaan halganka iyo u dagaalanka qadiyaddooda. Waxa uu maansadiisa ku gaalabixinayaa mucjisada Ilaahay ee sababtay in Falastiin oo gumaad ku socdo haddana ay maalin walba dhashaan halyeeyo, kuwaas oo ku koraya difaaca qaddiyadooda, waxa uu tilmaamayaa in ay yihiin beer soo saarta fariidada iyo halyeeyada. Wuxuu yidhi:
Falastiin raggeedii
figladiyo wadaamaha
foosba foos ma ku hubsaday
facfac maysu dhiibeen
filka xiga ma lagu simay
Cartan faylka maw baxay
Fadal maw xidh-xidhan yahay
Faaruuq ma korayaa
Fido uur ma leedahay
Faaqid maw calool galay
Faayo maw mattaan tahay
Falastiin ma geed baa
Halka faash ku laba-dhaco
laamuhu ka foofaan.
Falastiin ma beer baa
waqal fool eryaayoo
laga guro fariidkoo
fufka dhala halyeeyada
hadba foodda laga jaro!
Kolka uu wax badan ka soo yidhi Falastiin ayuu abwaanku ku soo xirayaa dhawr bayt oo uu kaga hadlayo jabhadnimadiisa, isaga oo xusaya in uu u halgamayo sidii kaligiitalisnimada looga saari lahaa Soomaaliya, waxa uuna tibaaxayaa in uu u maqan yahay Soomaali oo idil, midnimaduna ay laabtiisa ku xasishay, waa kan leh:
Falba waa falkiisee
Anna faaja faajada
furashada Hargeysiyo
fooqa buuraleydiyo
fanaxyada Nugaaleed
dhulka mudug ka foorora
Faxfax-dhuun agtiisiyo
Faannoole iyo Xamar
faras mawgu joogaa.
Maansada Fiddo waa maanso aad u dheer oo u baahan falanqayn iyo lafagur ballaaran, una baahan qof suugaanley ah oo af yaqaan ah, furfurina kara, sidoo kale qof taariikh yaqaan ah oo isla akhrin kara xulashada ereyada ee Hadraawi iyo dhacdooyinka ka taagan Falastiin iyo Bariga Dhexe. Qormadaydani kaliya waa xusid iyo xusuusin ku aadan garab-istaaggii suugaaneed ee uu Hadraawi la garab-istaagay Falastiin. Maansada qeyb ka mid ah ayaan qoraalkan u adeegsaday, iyada oo dhammaystiran waxa aad ka akhrisan kartaa buugga Halkaraan ee lagu ururiyay maansooyinka abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.
W/Q: Axmed Sanwilwilo
Aqoonyahan iyo Cilmibaare

From the comments