Hor iyo horraan, sida diiwaanka ku taal, waxa ugu mudan ee suugaanta Soomaalida lagu ammaani karo waa maansada. Ka gadaale, waa fanmasraxeedka!
Suugaantu oo ah tab aadanuhu u adeegsado in uu isku dareencabbiro (self expression), isagoo ku muujiya doonistiisa, oo ku saafa afkaartiisa, kuna soo bandhigo adduun-araggiisa. Sidaas awgeed, suugaanta wanaagsan ee sida “fanaysan” loo curiyo, waa midda la falgasha dadkeeda ee ka jawaabta hadba shaacsanaha (phenomenon) la soo gudboonaada. Suugaantaasi weligeed ma duugowdo, mana hawlgabto.
Sida uu Maxamed Daahir Afrax ku tibaaxayo buuggiisa “Fanmasraxeedka Soomaalida: Raadraac Taariikheed iyo Riwaayado Caanbaxay (1987)” fanka masraxu dhowaansoogal buu ku yahay bulshada Soomaaliyeed, oo horraantii 1930meeyadii buu ka soo ifbaxay fagaarayaashii Xamar. Muddo yar gudaheed ayuu si siman ugu fiday guud ahaan dalka, isaga oo wata carcar cusub iyo qaabgudbin gaar ah; iskuna sidkaya murti iyo majaajilo; wacyigelin iyo waxsheeg suugaamaysan.
Fanmasraxeedka Soomaalidu waxa uu biqlay markii u horraysay rubuchorraadkii qarnigii tegay; kaas oo dheegasho, dhiraandhirin iyo hal-abuurba lahaa. Fanmasraxeedkaas ayaa ahaa muraayad ay bulshadu iska daawato: samaheeda iyo xumaheeda.
Marka loo eego hanaqaadkiisii, waxaa lagu tilmaami karaa in “fanmasraxeedka casriga ah” uu ahaa kacaan dhaqameed cusub (cultural transformation) oo ka unkamay: 1) isdhexgalkii Soomaalida iyo bulshooyinkii dibedda ugaga yimid; 2) casriyowgii (modernity) uu gumaystuhu garwadeenka u ahaa; iyo 3) dhaqan ay Soomaalidu ka soo waaridday shisheeyaha ay dhulalkiisa tagtay, gaar ahaan Carabta.
Judhiiba, hal-abuurkii sebankaas, waa uu la jaan helay, fanmasraxeedka, markaas buu si walba u curiyay. Mar kaliya ayaa waxa carrabkiisa cirka la gaaray kacaan masraxeed hor leh oo aysan Soomaalidu ab iyo isir toona u lehayn: “riwaayad”—oo ah, sida uu Qaamuuska Af Soomaaligu (2012) qeexayo: qiso suugaaneed taxan oo loo habeeyay hab masraxeed lagu aslay murti, maad, heeso iwm, iyadoo looga gol leeyahay in aan laga xiisago’in.
Dhaqankii hadlaaga ahaa (oral tradition) ee Soomaalida iyo fankii masxara ee doolka ahaa ayaa si toobboon isu la falgalay. Maxaayeelay, fanmasraxeedku waa sida ugur tumaal, oo wuxuu mar kaliya wada qaadi karaa dhawr jaad oo qaybaha kala geddisan ee suugaanta ah, siiba middii ay Soomaalidu ku waalnayd ee suugaanta la mariyo: maansada.
Muddadii koobnayd ee fanmasraxeedka Soomaalidu jiray wuxuu dusha u ritay in uu xanbaaro halgankii gobannimadoonka iyo daljirnimada, iyo mashruucii qarandhiska iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed. Tusaalayaasha aan xusi karno waxaa ugu mudan: Xorriyo nin geyaa ha guursado—oo uu Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) curiyay; Ayay la genbiya gumaysiga—oo uu Cali Sugulle Cigaal (Duncaebeed) mu’allifkeeda ahaa; Aqoon iyo Afgarad—oo ay isugu tageen qammaamuur iyo jilbo culus ay ka mid yihiin Siciid Saalax Axmed iyo Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi); Galbeed waa la xoreeyay oo uu Xasan-Ganey lahaa; Ha waalnaado jacaylku, aynu weerarka aadno—oo uu Maxamed Cali Kaariye soosaare ka ahaa; Hablayow hadmaad guursan doontaan—oo uu allifay Maxamuud Cismaan Tukaale; iyo kuwo kale.
Walow uu anuug (masterpiece) ahaa, haddana, fanmasraxeedka Soomaalidu, wuxuu ku koobnaa ka sheekaynta labo walxood: “jacayl” iyo “waddaniyad”. Malahaygana, waxa ay ahaayeen wixii uu jeerkaas xirgigii hal-abuurluhu dihan karay! Waa se ayaandarro intee la ege, Kacaankii Askarta, iftiinkaas yar ee baxayay wuu shiiqiyay, ka dib markii uu hal-abuurkii suugaanta xorriyadda ka qaaday, oo waxsoosaarkoodii “faafreebay”; isla markaasna uu “guulwadaynta”, “sacablulidda” iyo “nacamlaynta” xoojiyay; waxaase sii ruuxtogay oo iswada raaciyay burburkii dalka ka dhacay, ee wax walba oo kale cagta mariyay. Haatan, waxaa ka sii wis leh: hees leh ujeeddo aan sii ridnayn.
Gabagabadii, fanku waa “muraayad” laga daawado sawirka bulshada uu ka warramayo. Waa hummaagbixiye bulsho (social reflector) oo laga dheehan karo hannaanka ay bulshadaas u nooshahay, heerarkeeda iyo habkeeda fikir. Sidaas darteed, haddii la doonayo “muraayad” weji qurxoon laga daawado waa in wejiga la qurxiyaa, ee ma aha in muraayadda qurxin loogu dhaqaaqo! Geddaas oo kale, haddii la doonayo fan qurxoon, waa in la helaa bulsho leh nolol qurxoon, qaayasoorradu (values) yihiin mudanka nolosha.
Tolow, muraayad aan mar kale iska daawanno ma heli doonnaa?
From the comments