Carqaladdii Garsoore Cumar Cartan kala kulmay safarkiisii Maraykanka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee garsoornimada Koobka Adduunka ee ay FIFA u dooratay, waxay noqotay dhacdo saamayn ballaadhan ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka oo dhan. Arrintan waxaan u kala qaadi karnaa saddex qodob oo muhiim ah:
Aragti
Casharrada iyo Saamaynta Ka Dhalatay Arrinta Garsoore Cumar Cartan

- Taageerada Ballaadhan ee uu Helay Garsoore Cumar:
Garsoore Cumar Cartan wuxuu helay taageero xooggan oo uga timid shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Taageeradaas markii ay sii xoogaysatay waxay gaadhay heer ay dhaqaajisay dunidii oo dhan oo si cad u muujiyay garab-istaaggooda.
Taageeradaasi kuma koobnayn shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Afrika oo keliya, balse waxay gaadhay heer ay arrintu noqoto mid si weyn looga hadal hayo warbaahinta caalamka ugu afka dheer. Muddo 3 beri ah ayaa kiiska Cumar dunida haystay. Sidoo kale, siyaasiyiin caan ka ah dunida, madax hore oo kubbadda cagta ah, ciyaartoy hore oo magac ku leh ciyaaraha, khubaro ciyaareed iyo masuuliyiin xilal haya ayaa si cad u muujiyay garab-istaag iyo taageero ay u hayaan Garsoore Cumar. Arrintaasi waxay sii xoojisay dareenka ah in dhacdadu aysan ahayn arrin shaqsiyeed oo keliya, balse ay noqotay qaddiyad ay indhaha ku hayaan malaayiin qof oo dunida ku nool.
Arrintu kuma ekaan Afrika oo keliya, balse waxay gaadhay heer ay soo jiidato dareenka bulshada caalamka, taasoo keentay in culays iyo su’aalo badan ay wajahaan FIFA iyo dowladda Maraykanka oo ahayd waddanka martigelinaya tartanka. Waxaa khasab noqotay in madaxa FIFA ka hadlo, dowladda Maraykankuna marar badan siyaabo kala duwan uga hadasho, ilaa Trump laftiisu ka hadlo.
Sidaas darteed, dhacdada Garsoore Cumar Cartan waxay ka gudubtay inay Soomaalida ama Afrika ku koobnaato, waxayna isu beddeshay qaddiyad caalami ah oo soo jiidatay dareenka warbaahinta, bahda ciyaaraha iyo madaxda kala duwan ee dunida. Taasina waxay kaalin weyn ka qaadatay kor-u-qaadista sumcaddiisa iyo sidii codkiisa loo maqli lahaa.
- Midnimada uu Ku Beeray Bulshada Soomaaliyeed
Dhacdadan ayaa noqotay mid si gaar ah u midaysay quluubta Soomaalida. Inkastoo marar badan Soomaalidu ku kala aragti duwan tahay siyaasadda iyo arrimo badan oo nolosha la xiriira, haddana kiiskan ayaa soo ifbixiyay dareen qarannimo iyo iskuduubni aan inta badan la helin. Waxay tani muujinaysaa in Soomaalidu ay tahay ummad karti badan oo aan aqbalin in qabkooda la taabto, kana dhiidhiya inay madaxa hoos u rogaan. Arrintani waxay caddaysay warar badan oo kartida Soomaalida waayadan danbe laga sheegayay.
- Sida Mararka Qaar Waxa Shar la Moodo u Noqon Karaan Khayr
Dhacdada ku dhacday Garsoore Cumar Cartan waxay tusaale u tahay in mararka qaar wax loo arko caqabad ama dhibaato ay isu beddeli karaan fursad iyo khayr ka weyn wixii la filayey. Inkastoo markii hore laga hor istaagay inuu galo Maraykanka, haddana arrintaasi waxay sababtay inuu helo sumcad iyo taageero caalami ah.
Waxaa intaas dheer in FIFA ay muujisay sida ay uga xun tahay caqabadaha soo wajahay garsooraha, halka arrintu culays ku abuurtay hay’adaha ay khusayso si xal loogu helo xaaladdiisa. Waxaa sidoo kale la hadal hayey suurtagalnimada inuu hawshiisa ka sii wato kulamada lagu qabanayo Canada, maadaama tartanka ay si wadajir ah u martigelinayaan Maraykanka, Canada iyo Mexico.
Dhanka kale, Garsoore Cumar Cartan wuxuu dalkiisa iyo dadkiisa ka helay soo dhoweyn heer qaran ah, isagoo shacabka Soomaaliyeed u noqday astaan guul, dulqaad iyo metalaad wanaagsan. Marka la eego saamaynta iyo sumcadda uu kasbaday, waxaa la oran karaa dhacdadani waxay u horseeday sharaf iyo magac ka weyn intii uu heli lahaa haddii uu si caadi ah uga qaybqaadan lahaa dhawr kulan oo keliya oo ka tirsan tartanka. Wuxuuba noqday qofka ugu saamaynta badan ee maanta dunidu hadal hayso, xitaa Koobkii Adduunkaba isaga ayaa qariyay. Waxaa intaas dheer, inuu helay fursado aad u badan, ayna ugu weyn tahay in loo doortay dhexdhexaadinta koobka 𝐔𝐄𝐅𝐀 𝐒𝐔𝐏𝐄𝐑 𝐂𝐔𝐏 oo ka mid ah koobabka ugu sarreeya qaaradda Yurub, kulankaas oo dhex mari doona labada naadi ee kala ah 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐒𝐭 𝐆𝐞𝐫𝐦𝐚𝐢𝐧 𝐯𝐬 Aston 𝐕𝐢𝐥𝐥𝐚.
Ugu danbayn, sheekada Garsoore Cumar Cartan waxay xanbaarsan tahay cashar muhiim ah oo ah in dulqaadka, kartida iyo taageerada shacabka ay mararka qaar qofka gaadhsiin karaan meel ka sarreysa tii uu markii hore hiigsanayay.
Gunaanadkii, waxaan soo jeedinayaa Garsoore Cumar Cartan inuu ogaado isbeddelka baaxadda leh ee noloshiisa sida lamafilaanka ah ugu timid, waana inuu samaysto maamul rasmi ah oo ka kooban la taliyayaal, looyarro iyo shaqaale u qaabilsan nidaaminta hawlihiisa shaqo, waana inuu ku qaato xirfadda ee aanay ahayn wax qaraabakiil qabiil lagu shaqaalaysiiyay.
WQ: Maxamuud Xaamud Maxamuud (Badle)
Falanqeeye Siyaasadeed

From the comments