Goobjoog

Aqalka Sare oo Dib u Eegaya Hindise-Sharciga Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimilada

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha, Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa kulan la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Xuseen Cali Xaaji, iyagoo ka wada hadlay hindise-sharciyeedka lagu dhisayo Hay’adda Adeegyada Saadaasha…

Aqalka Sare oo Dib u Eegaya Hindise-Sharciga Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimilada

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha, Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa kulan la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Xuseen Cali Xaaji, iyagoo ka wada hadlay hindise-sharciyeedka lagu dhisayo Hay’adda Adeegyada Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbada hindise-sharciga, iyadoo guddigu mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka weydiiyey su’aalo iyo caddeyn ku saabsan qodobo ka mid ah hindisaha.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalihii guddiga, iyadoo kulanku qayb ka yahay hannaanka dib-u-eegista iyo diyaarinta sharciga.

Hindise-sharcigan ayaa weli ku jira marxaladda dib-u-eegista, mana jirto ilaa hadda xog rasmi ah oo ku saabsan wax-ka-beddellada ugu dambeeya ama waqtiga loo qorsheeyay codbixinta.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments