Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.
Madashan oo socota 15–17 Sebtembar 2026 waxaa ka qaybgalaya madaxda iyo saraakiisha difaaca, khubaro iyo wakiillo ka socda ku dhowaad 100 dal iyo hay’ado caalami ah.
Hal-ku-dhigga madasha sanadkan waa “Dhisidda Is-afgarad ku saabsan Xasilloonida iyo Wadajir u Horumarinta Maamulka Amniga.”



From the comments