Goobjoog

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Henric Lundquist. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo…

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Henric Lundquist.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Sweden uga mahadceliyey taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso xiriirka iyo wada-shaqeynta saaxiibbada caalamka, si loo xoojiyo dhinacyada amniga iyo difaaca dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments