Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Tudor, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalada milatari.
Kulanka ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo eegay taageerada, tababarrada iyo tayeynta ciidanka, iyo sidii loo dhisi lahaa ciidan qaran oo leh awood hawlgal iyo diyaar-garow sare.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla eegay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada iyo howlgalada gaarka ah.



From the comments