Goobjoog

Shabeellaha Hoose oo Noqday Gobolka Ay Ka Dhacaan Rabshadaha Ugu Badan Ee Al-Shabaab

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa noqday deegaanka ay ka dhaceen rabshadaha ugu badan ee lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab gudaha dalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda diiwaangelisa colaadaha caalamka ee ACLED.

Daraasaddan, oo la faafiyay xilliga xuska 25-guurada weerarradii 11-kii Sebtembar, ayaa xaqiijisay in Al-Shabaab ay ku lug lahayd in ka badan 2,300 oo dhacdo oo rabshado siyaasadeed iyo amni-darro ah tan iyo bilowgii sanadkan 2026.

Tiradan ayaa ka dhigan ku dhowaad kala bar dhammaan falalka rabshadaha ah ee caalamka oo dhan loo diiwaangeliyay dhammaan faracyada kale ee hoos yimaada shabakadda Al-Qaacida.

Hay’adda ACLED ayaa Al-Shabaab ku tilmaantay awoodda aan dowliga ahayn ee ugu gacan-sarreysa dalka, isla markaana ah laanta ugu rabshadaha badan guud ahaan xulafada Al-Qaacida ee caalamka, iyadoo Shabeellaha Hoose uu weli yahay xudunta ugu weyn ee ay ka dhacaan isku dhacyada, weerarrada, iyo falalka amni-darrada ah ee kooxdaasi ku lugta leedahay.

Dhinaca kale, hay’addu waxay soo saartay digniin ku aaddan cawaaqibka mustaqbalka, iyadoo muujisay in yaraanshaha taageerada caalamiga ah ee hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ay Al-Shabaab u abuuri karto fursado cusub oo ay ku ballaariso saameynteeda iyo weerarrada ay ka fuliso dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments