Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa sheegay in si guul leh loo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay buuraha Al-Madow-Golis, gaar ahaan deegaanka Markad, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob lagu keydinayay hub iyo saanad ciidan.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay dhinacyada howlgalka, ciidamada ayaa weeraray goob ay sheegeen in Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka iyo rasaasta, kuwaas oo loogu talagalay taageeridda howlgallada kooxda iyo weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu dhacay iyadoo la kaashanayo oo lala xiriirinayo hay’adaha amniga Puntland, waxaana Mareykanka iyo Puntland ay ku tilmaameen tallaabadan qayb ka mid ah howlgallo ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Soomaaliya.



From the comments