Muqdisho – Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay uga jawaabaan cabasho la xiriirta xuquuqda 6,000 oo askari oo isugu jira hawlgab, naafo iyo qoysaska askartii ku shahiiday difaaca dalka.
Warqad rasmi ah oo uu guddigu u diray mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo sababaha keenay in la jaro ama wax laga beddelo xuquuqihii ay lahaayeen askarta hawlgabka ah, kuwa naafada ah iyo qoysaska shuhadada.
Guddiga ayaa sheegay in arrintan ay u baahan tahay in si faahfaahsan looga jawaabo, iyadoo la eegayo xaaladda askarta iyo qoysaska ay saameysay.




From the comments