Saadaq Cumar Maxamed Xasan oo caan ku ah naynaasta “Saadaq Joon” waa xildhibaan iyo masuul hore uga soo shaqeeyay hay’adaha amniga Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa 23-kii bishan Nofeembar 2026 u magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, isaga oo beddelay Axmed Macallin Fiqi oo xilka hayay tan iyo bishii Abriil 2025.
Si xogo Taariikhdiisa ku saabsani tilmaamayaan Saadaq ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya maamusho, wuxuuna horraantii sannadkii 1993 u soo wareegay magaalada Muqdisho.
Sannadkii 2002 ayuu Soomaaliya ka baxay, isaga oo markii hore tegay Kenya, kaddibna u sii gudbay Koonfur Afrika iyo magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu muddo ku noolaa.
Sannadkii 2014 ayuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, halkaas oo uu dib uga billaabay shaqada laamaha amniga, wuxuuna markaas wixii ka dambeeyay qabtay xilal kala duwan oo dhinaca amniga ah, kuwaas oo ay midyihiin taliyaha hay’adda NISA ee Galmudug iyo madaxa nabadsugidda iyo sirdoonka gobolka Banaadir oo loo magacaabay sannadkii 2017.
Xilalkaas kaddib wuxuu noqday taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, isaga oo hoggaaminayay ciidamada booliska caasimadda xilli ay Muqdisho ka jireen xaalado amni iyo kuwo siyaasadeed oo adag.
Saadaq Joon wuxuu si weyn uga dhex muuqday dhacdooyinkii siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay sannadkii 2021, gaar ahaan khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii uu sameystay madaxweynihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
12-kii Abriil 2021 ayuu ka horyimid kulankii Golaha Shacabka ee looga hadlayay muddo kordhinta, arrintaas oo sababtay khilaaf xooggan oo dhexmaray isaga iyo hoggaankii dowladda, waxaana isla maalintaas laga qaaday xilkii taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ayadoo sidoo kale laga xayuubiyey darajadiisii ciidan iyo xuquuqdii uu ku lahaa ciidamada.
Maalmo kaddib, Saadaq iyo ciidamo la socday ayaa fariisimo ka sameystay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, xilli magaalada Muqdisho ay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, ayadoo dhacdooyinkaasi ay ka dhigeen mid ka mid ah saraakiishii sida weyn loogu xusuusto khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay sannadkaas.
Markii uu ka baxay shaqadii ciidanka, wuxuu u wareegay siyaasadda, waxaana bishii Janaayo 2022 doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb kaga soo baxay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP248.
Bishii Agoosto 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee hore looga qaaday, taas oo u sahashay inuu dib u helo darajadiisii Sarreeye Guuto.
Magacaabistiisa cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib-u-habaynta ciidamada qalabka sida iyo qorshaha lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga.
Wasaaradda uu hoggaankeeda la wareegayo ayaa mas’uul ka ah siyaasadda difaaca dalka, isku-duwidda ciidamada iyo wada-shaqaynta saaxiibbada caalamiga ah ee taageera amniga Soomaaliya.
Saadaq Cumar Maxamed waxaa horyaalla caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin xoojinta awoodda ciidamada, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo diyaarinta ciidamada Soomaaliyeed si ay u qaadaan mas’uuliyad amni oo sii ballaaran, gaar ahaan xilli laga hadlayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Magacaabistiisa ayaa sidoo kale timid xilli khilaafyo amni ay ka jiraan qeybo dalka kamid ah, gaar ahaan shaqaaqooyinka ka socda koonfur galbeed iyo kacdoonka gobolka Hiiraan.
From the comments