Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa ka qaybgalay kulan heer sare ah oo looga hadlay hoggaaminta, isku-duwidda iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Kulankan oo qayb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026), ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Uganda, Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka dalalka gobolka, madaxda Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC) iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada ay jiraan colaadaha, dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo xaaladaha degdegga ah.




From the comments