Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Ku-simaha Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha amniga, iyadoo sidoo kale laga hadlay doorka dowlad-goboleedyada ee dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wadatashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, si loo gaaro is-afgarad qaran oo horseeda xasillooni siyaasadeed.




From the comments