Muqdisho, Talaado, 24 Nofeembar 2026: โ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Lr.28 Nofeembar 2024.
Kulanka Golaha oo Shir-guddoomiyay Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa wax-ka beddelkan ku saleeyay dhaqangalinta Dastuurka Jamhuuriyadda maadaamaa xeerarkan ay meel-mareen ka hor ansixintii dastuurka, tahayna in xeerarka la waafajiyo dastuurka. Waxaa wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashada iyo 8 Qodob oo ka mid ah Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
Qodobada wax laga badeley si dastuurka loo waafajiyo waxaa ka mid ah in shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, halka laga bilaabo Guddoomiye Degmo illaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay dooran doonaan goleyaashaasi.
Qodobadda wax laga badeley ee Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada waxaa ka mid ah in urur-siyaasadeedkii doorashada heer federaal ka hela codad dhan 10% uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran. Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ururrada ay musharixiinta xildhibaannada ku gudbiyaan habka loo yaqaan Diiwaanka Xiran (Liiska Xiran).
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha uu awood u leeyahay in uu la yimaado farsamo la xiriirta fududeynta diiwaangelinta iyo codeynta muwaadiniinta, iyada oo la cuskanayo qodobka dastuurka ku jira ee faraya in muwaadiniinta loo fududeeyo hannaanka cod-bixinta.
Dhanka kale Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo uu matalaayo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Aadanaha (OHCHR) kuna saabsan Asaasidda Xarun uu Xafiiskan XHSXA(OHCHR) ku yeesho Soomaaliya, si ay u dhawrsanaato xasaanadda diblumaasiyadeed ee howl-wadeennada OHCHR, kuwaas oo taageero iyo wada shaqayn la yeelan doonna laamaha kala duwan ee dowladda. Waxaa heshiiskan golaha hor keentay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS.
From the comments