Hay’ad samafal oo ka howlgasha dalka Suudaan ayaa ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF ku eedeysay inay dileen dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kadib weerarro cusub oo ka dhacay gobolka Kordofaan Galbeed ee koonfur-galbeed dalka Suudaan, halkaas oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga RSF.
Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee Dar Xamar ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada RSF ay dileen dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo laba haween ah, kuwaas oo lagu dilay tuulooyin ku yaalla waqooyiga magaalada Abu Zabad.
Guddigu wuxuu sheegay in dhacdooyinkaas ay dhaceen maalintii Jimcaha, inkastoo uusan shaacin tirada guud ee dadka ku dhintay weerarrada.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ciidamada RSF ku eedeeyay inay la wareegeen ku dhowaad 400 oo neef oo ido ah, xilli laba xoolo-dhaqato ah ay xoolahaasi ka qaadayeen degmada Wad Banda, iyagoo u waday suuq ku yaalla deegaanka Al-Sudairat.
Labada xoolo-dhaqatada ah ayaa la sheegay in ciidamada ay kaxeysteen, halka dad deegaanka ah oo isku dayay inay dib u soo ceshadaan xoolaha laga qaatay aan wax war ah laga helin tan iyo markii ay baxeen.
Eedeymaha guddiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dilka saddex qof oo aan hubaysnayn oo lagu sheegay inay ka dhaceen tuulada Al-Dumaira, iyo dhac loo geystay hantida dadka ku nool tobannaan tuulo.
Guddigu wuxuu sheegay in falalkaasi ay sababeen in boqolaal qoys ay ka cararaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inay la kulmaan weerarro kale.
Dhanka kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in xaaladda amni-darro ee ka jirta magaalada Abu Zabad ay sababtay barakaca 930 qof oo kale, halka tirada guud ee dadka ka barakacay magaalada iyo degmada ku xeeran tan iyo 14-kii Nofeembar ay gaartay 3,670 qof.
Dagaallada gobolka Kordofaan Galbeed ayaa sii xoogeysanayay maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo ciidamada dowladda Suudaan ay horumar ka sameeyeen furimaha dagaalka, isla markaana ay la wareegeen magaalada Al-Khuwai iyo deegaanno ku dhow Abu Zabad iyo Al-Nuhud.
From the comments