Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay mas’uulka ku-meel-gaarka ah ee hawlgalka UNTMIS, Raisedon Zenenga.
Kulanka oo dhacay 14-kii Oktoobar 2026 ayaa diiradda lagu saaray wejiga ugu dambeeya ee kala-guurka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo amniga, iyo sidii xil-wareejinta loo qorsheynayo ay u xoojin lahayd hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulaha laga gaaray nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska, si loo xaqiijiyo in isbeddelka hawlgalka Qaramada Midoobay uusan wiiqin horumarka laga sameeyay dalka.




From the comments