Goobjoog

Taliska Booliska Waqooyi Bari oo u Digey Dhiggiisa Puntland

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku muujiyey walaac ku saabsan hadal uu sheegay inuu ka soo yeedhay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, kaas oo la xiriira nidaamka amniga bulshada iyo habraacyada wada-shaqaynta laamaha amniga.

War-saxaafadeedka oo ku taariikhaysan 14-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in Taliska Booliska Gobolka Sool uu ka xun yahay hadalka laga soo xigtay dhiggiisa Gobolka Nugaal, isagoo xusay in arrimaha amniga bulshada iyo habraacyada wada-shaqaynta laamaha amniga ay u baahan yihiin isku-duubni iyo wada-shaqayn.

Taliska Booliska Gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegay in laamaha amniga Gobolka Nugaal ay tahay inay ilaaliyaan wada-shaqaynta iyo habraacyada amni ee caalamiga ah, kuwaas oo saldhig u ah hawlaha booliska iyo la-dagaallanka dambiyada.

War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in Taliska Booliska Gobolka Sool uu mar kale ku adkaynayo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo wada-shaqaynta hay’adaha amniga, lagana fogaado tallaabooyin horseedi kara kala fogaansho ama khilaaf u dhexeeya laamaha amniga ee Waqooyi Bari iyo Puntland.

Taliska Booliska Gobolka Sool ayaa u mahadceliyey ciidanka iyo bulshada iska kaashaday soo qabashada eedeysanayaasha, isagoo ku baaqay in dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta sharciga la sii xoojiyo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments