Goobjoog

Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise-xeerka dembiyada kufsiga iyo anshax-xumada

Muqdisho, 14 Oktoobar 2026 — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Xeerka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaddib codbixin ay ka qaybgaleen 140 xildhibaan. Codbixinta oo ka dhacday kulanka…

Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise-xeerka dembiyada kufsiga iyo anshax-xumada

Muqdisho, 14 Oktoobar 2026 — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Xeerka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaddib codbixin ay ka qaybgaleen 140 xildhibaan.

Codbixinta oo ka dhacday kulanka 24-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka, waxaa oggolaaday 132 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, iyagoo ka dooday qodobbadiisa iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, wuxuuna ugu baaqay inay ilaaliyaan dhaqanka, anshaxa iyo sharafta Golaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments