Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga lagu soo furtay markabka MV LATUF, oo burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Sida ay sheegtay Wasaaradda, hawlgalka oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa lagu burburiyay afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda ay ku dhinteen hawlgalka.
Ciidamada ayaa ugu dambayn si buuxda ula wareegay markabka MV LATUF, kaas oo hadda si nabad ah u sii wata safarkiisii.




From the comments