Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Daaru-nimca iyo Tawakal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadu ay hawlgalladaasi ku dileen horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Xuseen Xurshow ana Xasan Garab-dheere.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogayaasha la dilay ayaa ka qayb ahaa maleeshiyaadkii ka dagaallamayay deegaannada Caddadley, Cadnaan-leexey iyo Daaru-nimca, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.




From the comments