Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho ku tegay saldhigga ciidamada Kumaandooska Danab ee magaalada Gaalkacyo, isagoo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo saraakiil kale.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta ciidamada iyo xoojinta niyadda askarta ka tirsan Kumaandooska Danab, kuwaas oo door muhiim ah ku leh howlaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada kula hadlay saldhigga, iyagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.




From the comments