Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka iyo guusha ay ka gaareen imtixaanka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda waxbarasho iyo sida ay tusaale ugu noqdeen ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay damaanad qaaday waxbarashada jaamacadeed ee heerka koowaad ee saddexda arday, si ay fursad ugu helaan inay sii wataan waxbarashadooda sare.




From the comments