Maxamed Ciise Daahir Yuusuf ayaa noqday ardayga kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka, isagoo helay 94.14 dhibcood, sida ka muuqata natiijada lagu soo bandhigay sawirka.
Maxamed Ciise Daahir ayaa dhiganayay Dugsiga Hawl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana guushiisa lagu tilmaamay mid ka dhalatay dadaal, adkaysi iyo juhdi uu geliyay waxbarashadiisa.
Natiijada ayaa muujinaysa in Maxamed uu kaalinta koowaad kaga jiro dhammaan ardaydii u fariisatay Imtixaanka Qaranka ee dugsiyada sare, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah ardayda sida weyn loogu faanayo waxqabadka waxbarasho ee sanadkan.




From the comments