Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta golayaasha ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu bixiyay shahaadooyinka musharraxnimo ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa shahaadada musharraxnimo guddoonsiiyay Xildhibaan Cabdullaqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdullaqaadir Cumar Macallin (Daada), kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa hannaanka doorashada guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo guddiga doorashadu uu qaabilayo musharraxiinta doonaya inay u tartamaan xilka ugu sarreeya ee Golaha Shacabka.




From the comments