Munaasabado waaweyn oo lagu xusayo 1-da Luulyo ah markii ay xorriyadda qaateen gobollada Koonfureed ee dalku, islamarkaana dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka socda qaar kamid ah magaalooyinka dalka.
Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa si kedis ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugula qeyb galay dabaal-degga munaasabadda qaran ee 1-da Luuliyo, oo astaan u ah xornimada gobollada Koonfureed iyo mideyntii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa lugeyn iyo salaan ku dhex maray qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda, halkaas oo uu shacabka kula wadaagay farxadda maalintan qaran. Dadweynihii isugu soo baxay dabaal-degga ayaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha, iyagoo muujiyay dareenkooda ku aaddan munaasabadda.
Munaasabadda 1-da Luuliyo ayaa ah maalin taariikhi ah oo xambaarsan xusuusta halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo galeen gobannimada iyo mideyntii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.




From the comments