Goobjoog

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Ka Digay Faafinta Natiijooyin Aan Rasmi Ahayn Iyadoo Tirinta Codadku Socoto

Guddoomiyaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in cid kasta oo baahisa natiijooyin aan si rasmi ah uga soo bixin Guddiga Doorashooyinka ay wajihi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka. Guddoomiyaha ayaa…

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Ka Digay Faafinta Natiijooyin Aan Rasmi Ahayn Iyadoo Tirinta Codadku Socoto
epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya’s capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

Guddoomiyaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in cid kasta oo baahisa natiijooyin aan si rasmi ah uga soo bixin Guddiga Doorashooyinka ay wajihi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

Guddoomiyaha ayaa shacabka, siyaasiyiinta iyo warbaahinta ugu baaqay inay sugaan natiijooyinka rasmiga ah ee kasoo baxaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo xusay in weli ay socoto tirinta codadka doorashooyinka ka dhacay qaar kamid ah deegaanada dalka.

“Cid kasta oo baahisa natiijo aan ka soo bixin Guddiga waxay wajihi doontaa tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in howsha tirinta codadka ay si habsami leh u socoto, isla markaana marka la dhameystiro si rasmi ah loo shaacin doono natiijooyinka doorashada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments