Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa xaqiijisay in tirada guud ee kiisaska cudurka Hantavirus ee lala xiriiriyay markabka dalxiiska MV Hondius ay gaartay siddeed kiis, kuwaas oo lix kamid ah si rasmi ah loo xaqiijiyay halka laba kale looga shakisan yahay.
Saddex qof ayaa sidoo kale cudurkaasi u geeriyooday, iyadoo bukaanno kale lagu dabiibayo isbitaallo ku yaalla dalal kala duwan.
Kiisaska cudurka ayaa ilaa hadda lala xiriiriyay dalalka Spain, South Africa, Netherlands, Switzerland, Argentina, Cape Verde iyo United Kingdom, iyadoo hay’adaha caafimaadka ay weli wadaan baaritaanno iyo dabagal caalami ah.




From the comments